Maansada: DHAKAFAAR JACAYL W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

 

 

 

 

 

 

Maansada:  DHAKAFAAR JACAYL.

Maansadan  DHAKAFAAR  waa maanso ka hadlaysa, Gabadh  uu dersay  jacayl, waxay la garnaqsanaysaa jacaylka,  waxaanay  raadineysaa, xalka iyo habka ugu fudud ee ay ku hanan karto,  sida aad arki doonto waxay ku soo halqabsaneysaa Rag badan oo Hal abuur ah, dhinac walba oo bulshada ahna waxay  weydiineysaa, Taageero bal sida ugu haboon, waa Maanso farshaxanimo iyo aqoon suugaaneed xeeldheeri ka muuqdo, Bogasho wacan.

 

  • Dhibteyda ma sheegan karo
  • Dhiigaan iga daadan iyo
  • Dhaawaca ma dabooli karo
  • Dhaymiyo uma helin dawana.

 

  • Dharaar socod baan wada
  • Saqdi waan dheelmada
  • Nafteydu dhulkay degta
  • Dhugteydu cirkey jirtaa
  • Dadkane wan dhaafsanahay
  • Xiskuna waa dhaadan yahay.

 

  • Dhammow adigaan dartaa
  • Dharaaraha uun tirshaa
  • Dhawaqaagaan maqlaa
  • Haddane ma dhageeysan karo.

 

  • Inaan ku dhugtaan rabaa
  • Haddane kuma dhiiiran karo
  • Sidii ubad aan dhalaan
  • Dhibaatada kaa jiraa
  • Dhabtane kuma saari karo!

 

  • Dhanbaal u dhigbaan iraah
  • Dharaandhiri caashaqoo
  • Ka dhaadhici baan is iri.
  • Inaan dhiman rabo dartaa
  • Haddane qalinkaan dhigmeyn!

 

  • Ka dhoof caashaqaan dhabta
  • Ka dheeroow oo fogoow
  • Ka dhuumo naftaan iraa.

 

  • Kalgacal laabtayda dhexdegay
  • Qalbiga lama dhaqi karee
  • Ha dhabar jabin baan  iraa.

 

  • Naftaan dhacadiid la rabine
  • Dhaliisha hankaan duldhigey
  • Dhaayaha aragaan is iri
  • Armeey dhibta kuu weceen.

 

  • Dhagaha maqalkaan is iri
  • Dhageysigu waa sababe
  • Armeey waran kugu dhufteen.
  • Garashida dheerida nafluhu
  • Aadmiga dhaxal  looga dhigey
  • Is iri dhunyey oo anbaye
  • Sacdaay yaa ku dhaymi siin.

 

  • Adoon aadmiga dhibeynin
  • La dhuumo jeceylka keli
  • Sidii uu yahay dhalaan
  • La dheel dheelbaan is iri
  • Dhamiirkuse dhaga adeyg.

 

  • Go’aanka kama dhaadhaco
  • Inow dhinto kama baqde
  • Asoo dhirfayoow  yiraah
  • Maxaa dhaxama i surey?
  • Dheeliga kali iigu wacan?

 

  • Duxdeeda anoon dhadhamin
  • Dibaan uga dhawrsada
  • Dhigaalo soo diraa
  • Suugaan baan soo dhuraa
  • Dhanbaal gudbi baan iraa
  • La dheeelmo naftaa tiraa
  • Mareegaha soo dhigoo
  • Waxaan odey dhaqan leheyn
  • ugaasyada iigu dhiib
  • Haddeysa ku dhiiradan
  • Farriinta ka dhidhiyaan
  • Ileen dhaqan uma leheyn
  • Ineey dumar gogol dhigtaan
  • Ragga dhaxalkaa lahaaye
  • Nafteyda maxaan dhahaa?

 

  • Wariye dhaxda ii xertiyo
  • Abwaano dhammaan kiciyo
  • Fannaaniiin dhiiratoo
  • Sugaanta ka dhahdaan raba
  • Inaan dhuxul laabsalaax
  • Hortiisa dhigaan rabaa
  • Dhibteyda jaceylka iyo
  • Xiddigaha geeska dhami
  • Dhawaqa gaarsiiya oo
  • Dhacdadan u tebshaan raba

 

  • Warbaahinta dheeg walbaba
  • Biibiisadaa cod dheer(BBC)
  • Fii, oo Ada dhex dhiga(VOA)
  • Dhammaan warsidaha ku qora
  • Ka dhaadhiciyaan rabaa.

 

  • Waxaan ahay gabar dhibtoon
  • Dhaqanku waa soo jireene
  • Aroos dhaxdinlaan rabaa
  • Dhibkoo ninkaan u marey

 

  • Yarkaan dhawr saniyo  shii
  • Jeceyl dhiddibada u suran
  • Dhaxyaal wadnaheyga oo
  • Nafteyda dhan wada gilgiley
  • Midkii dhandhoolka baday
  • Hooyadi dhabta saartey  iyo
  • Aabbihi  dhaley baan rabaa
  • Dhulkii deexda iyo duur
  • Dhinaca jowhar iyo webi
  • Mareeg ka dhex raadiyo
  • Caduurka dhulkii lahaa
  • Dhanka xarardheere iyo
  • Dhinaca ay iga jiraan.

 

  • Inaan suugaan cod dheer
  • Dhawaqa ugu sheega e
  • Dhammaan shacabkeygiyow
  • Soomalida dhiiga lehe
  • Ilaah iga dhaliyayayoow
  • Waalidka dhibta iga jiree
  • Dheeliga iga dhawrayoow
  • Walaalaha ila dhashoow
  • Saaxiibada dhaxal galkee
  • Nafteydu   ku dheertahoow.

 

  • Dhammoow ina xaashiyo
  • Dhagajilac caaqilkoow
  • Dhiigayga Ibraahimoow
  • Nafteydu ku dhaadato
  • Intii dhib jeceyl martay
  • Dhammaan ii wada koco
  • Ku dhiirada sheekadaan
  • Dhakhsoo ka jawaaba oo
  • Dhanbaaliyo hees ka qora
  • Dhankiina ayaan marshee.

Halqabsiga.

  • Xasan Dhuxul Laabsalaax
  • Xasan Xaashi Timacadde
  • Cabdirashiid Dhigajilic(Caaqilka)
  • Ibraahim Cismaan Afrax (Nolosha)

W/C: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

 

SHEEKOOYIN