Maansadii: Darartii Maandeeq Curiye: Kunciil Qorrax

Maansadii: Darartii Maandeeq

“Dulmahaan u doodaa
Diracaan dhoweystaa
Danyartiyo agoontaan
Dusha xanaf ka qabatiyo
Daqarrada u diidaa.

Babbadkiyo dabeeyshiyo
Dulduleelka hoosaan
Ka daardaariyaayoo
Dugsi dhaxanta celiyiyo
Dayr baan u ahay wayn.

Dalku waa dalkeeygii
Dadku waa dadkeeygii
Diinta iyo dhaqankiyo 
Diirkiyo dubaaqiyo
Dareenkaan ka simannahay.

Laba doodday waa daw
Laba dirirtay waa duug
Darma dhigasho waa gacal
Is dulleyntu waa qurun 
Dadnimadana ku ma sama.

Dayax shaniyo tobanoo
Dusha sare ka soo baxay
Sacab laguma daarshee
Dibnahaaga ka adkoow.

Ruux lagu dul socon karo
Dadku yaanay kuu arag 
Dabuub aadan shaandheyn
Waligaa ha daabicin.

Nin daneyste dhaansado
Tiisuna ka dadantahay
Doollar qaate qaa’ina 
Yaan duniddu kuu arag.

Dulmi ruux u sacab tuma
Oo danaha gaarkaa
Danta shacabka dhafsada
Da’yartiyo caruurtiyo
Yaan duqoowdu kuu arag.

Afartaa dantaadiyo
Duxda hadalka waayee
Dammanoow ha sii deeyn
Waa dardaaran hadalkuye.

Ninkuu digay wax kuu sheeg
Nin ku diray ku darawali
Doc waliiba kuu waday
Dusha haaman ka saar
Dacaydana ku soo qabay.

Dib u gurasho waa baqad
Digarogasho waa xeel
Is dalluucin waa ceeb
Is duug duugid waa been
Bareer dirirna waa guul.

Qof ku dagay mar iyo laba
Yaan damacu kuu geeyn
Ha u furin dibnaha oo
Daris yaanu kula noqon.

Hadduu yahay mid diirkiyo
Dadka adiga kuu xiga 
Doqon la ma dhoweystee
Is ka dabar waraabaha.

Dulmi ruuxa ku la jacel
Adigoon wax daannaa
Dusha sare ka gaarsiin 
Sidii daad isaga moos.

Dadka maanta jira iyo
Dunidaani waa rogan 
Danbi dhowr hadduu jiray
Mid dabaasha baa yimid.

Afartaasi waa daaw
Runtoon daah ka qaadiyo
Xaq dillaacay weeyaan
Ha u qaadan dacar iyo
Wax dubaaqa kaa muda.

Diiwaanka hadal gala
Dadnimana ku laran tahay
Dirac madal ka dhihi jiray
Danbas ka ma kacaa yimid.

Duul-duulka sheekada
Halkaan ula danleeyahay
Daaha aan ka qaadee
Diiriye ku soo duruq

Nin dammani ma dhaanshaa ?
Hal candho la’ ma dihan tahay? 
Ciin daaq ma leeyahay?
Daalac naasi yaa dhalay?
Danbiiluhuna waa kuma?

Aan dooda hadalkiyo
Tixda kuu daleeyee
Haddii aad nin door tahay
Su’aalaha is dabayaal
Dag dag uga war-celiyoo
Ha la daahin saaxiib.

Dogobbada qaxaayiyo
Hanka yaa ka dhigay duug?
Dagaallada sokeeyiyo
Diirsooca yaa wada?.

Dugsi dhaxanta celiyo
Yaa dumiyay qarankii?
Diryaankaan baxaa iyo
Doc ka yeerku waa ku ma?.

Yaa dooxay maatida?
Misna xiray dameeraha
Oo diliy miskiinnada
Haddii darajo lagu helo
Dowladnimadi yaa riday?.

Daah ma dhaafee waa kee
Daasadaha ninkee xaday 
Dacas qaate waa ku ma?
Gabbal dumay sidiisii
Yaa gubay dukaammada?.

Horta yaa ku doortoo
Misne duubka kuu xiray
Dakadihii dalkeeniyo
Meeday duunyadeenii?.

Dihin weeye ciiddee
Waxa dahab ku hoos jira
Yaa ka dooxay waliyoo
Dadka baahi kaga tiray?.

Danta lagama quustee
Kolleey diifta nolashiyo
Idin dubatay milicduye
Duurjoog mayska noqotaan?.

Duuduubay hadalkoo
Dunuunucu ma fiicnee
Waxaan doodda maansada
Diiriyoow ku soo xiray
Meeday darartii maandeeq?.”

Curiye: Kunciil Qorax

SHEEKOOYIN