Waddada Suubban: Q11AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q11AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“Fadliga gaajada kugusoo gaarta Alle dartiis.

Eebbe weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

فَخَلَفَ مِن بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا الصَّلَاةَ وَاتَّبَعُوا الشَّهَوَاتِ ۖ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا ﴿٥٩﴾

Haddana waxaa ka dambeeyay quruumo dambe oo salaaddii dayacay oo raacay macmacaannada. Waxayse la kulmi doonaan wax daran, duulkii towbad keena ma’ahee oo rumeeya oo camal wanaagsan fala, kuwaasu Jannaday geli doonaan oo iyaga waxba laga dulmi maayo.’ (Suuradda Maryam: Aayadaha 59-60)

Waxaa kaloo Alle yiri: kor ahaaye:

فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ فِي زِينَتِهِ ۖ قَالَ الَّذِينَ يُرِيدُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا يَا لَيْتَ لَنَا مِثْلَ مَا أُوتِيَ قَارُونُ إِنَّهُ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٍ ﴿٧٩﴾ وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَيْلَكُمْ ثَوَابُ اللَّـهِ خَيْرٌ لِّمَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا وَلَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الصَّابِرُونَ ﴿٨٠﴾

Markaasuu Qaaruun la soo dhex maray dadkiisii qurux iyo Adduun isku dhan. Markaasay-yiraahdeen kuwii Nolosha Adduunka doonayay markay arkeen adduunka iyo waxa Qaaruun la siiyay: markaaseey ku shallaayeen haddaan waxa Qaaruun haysto oo kale haysan laheyn! Xaqiiq waxaa ah inuu yahay ku nasiib iyo ayaan badan. Kuwiise la siiyay Cilmiga oo wax garadka ahaa waxay yiraahdeen: Bela idinku dhacdaye. Abaalgudka uu helayo kii Eebbe rumeeya oo camal wanaagsan fala ayaa wanaagsan oo kheyr badan.’
(Suuradda al-Qasas: Aayadaha 79-80)

Waxaa kaloo yiri: Alle kor ahaaye:

ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ ﴿٨﴾

Dabadeedna maalintaas “Waxaa loola jeedaa maalinta qiyaamaha”
Waxaa la idin waydiin donaa Nimcooyinkii la idin siiyay. Inaad qooq ka qaaddaan mise dhowrsasho iyo Alle ka cabsasho iyo Mahadin Eebbe.’ (Suuradda at-Takaasur: Aayadda 8)

Waxaa kaloo Alle yiri: kor ahaaye:

مَّن كَانَ يُرِيدُ الْعَاجِلَةَ عَجَّلْنَا لَهُ فِيهَا مَا نَشَاءُ لِمَن نُّرِيدُ ثُمَّ جَعَلْنَا لَهُ جَهَنَّمَ يَصْلَاهَا مَذْمُومًا مَّدْحُورًا ﴿١٨﴾

Qofkii doonaya tan Nolosha deg degga u tagaysa, waxaan u soo dedejinaynaa wixii aan doonno kii aan doonno, dabadeedna waxaan ugu tala galnay kaa Jahannama, wuxuu dhadhamin doonaa kulaylka iyo cadaabta, isagoo caayoon oo dayro ah.’ (Suuradda al-Israa: Aayadda 18).
Mowdoocan Aayado badan ayaa kusoo Arooray laakin intaas ayaan uga kaaftoomaynaa insha’Allaah waxaana u gali doonnaa ilaa dhowr “Xadiis” oo saxiix ah kuna saabsan isla mowduucaan!

Caa’isha(A.K.R.). waxay tiri: Reer Muxammed(S.C.W.). marnaba ma cunin kibis qamadi ah heer ilaa dhereg ah laba maalmood oo is xiga ilaa uu dhintay.’ (Bukhaari iyo Muslim). werin kale ayaa waxay leedahay: tan iyo markii uu Nabigu usoo guuray Madiina, reer Muxammad(S.C.W.). marna ma cunin ilaa heer dhereg rooti laga sameeyay bur daqiiq ah seddex habiin oo is xiga ilaa uu ka geeriyooday.

Curwah (A.K.R.). wuxuu sheegay inay Caa’isha (A.K.R.). dhihi jirtay: maandhow, waxaan arki jirnay seddex dayaxood oo cur Alla ka dhashay laba bilood gudahood, oo aan dab laga shidin guryaha Nabiga (S.C.W.). Waxaan waydiiyay: oo habar yar, maxaad ku nooleydeen? Waxay tiri: laba waxyaalood oo madmadow waa Timir iyo Biyo waxaase Nabiga (S.C.W.). la daris ahaa Ansaar kuwaa oo ay u joogeen halo geel ah. Waxay usoo dhiibi jireen caano Nabiga (S.C.W.). oo isna annaga na siin jiray si aan u cabno. Oo caanahaas kaliyaa noo wehliyay Timirta iyo Biyaha.! (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Saciid Al-Maqburi (A.K.R.). wuxuu sheegay in Abuu Hurayra (A.K.R.). uu mar soo ag maray dad Ri shiilan hor taal. Waxay ka codsadeen inuu kasoo qayb galo cuntada. Waase ka diiday inuu ka qayb qaato isagoo dhahaya: Rasuulkii Alle (S.C.W.). wuxuu ka tegay Adduunka isagoo aan marna kibis qamadi ah cunin ilaa heer dhereg ah. (Bukhaari).

Anas bin Maalik (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). marnaba sooma marin fursad ah inuu wax ku cuno miis ilaa uu ka dhintay, marnaba ma cunin kibis laga sameeyay daqiiq Bur wanaagsan (Bukhaari).
Werin kale ayaa waxay leedahay: marnaba ma arag Ri’ la shiilay!”

Nucmaan ibn Bashiir (A.K.R.). wuxuu yiri: waxaan arkay Nabigiinnnii (S.C.W.). oo wax ku filan aan heli karin xitaa hadday ku tahay Timirta nooca caadiga ah oo uu isaga bi’iyo gaajada.’ (MUSLIM).

Sahal bin Sacad (A.K.R.). wuxuu sheegay in Nabigu (S.C.W.). uusan weligii marnaba arag kibis qamadi wanaagsan laga sameeyay oo buunshe baxsan tan iyo markii Alle soo diray ilaa markuu dhintay. Waxaa la waydiiyay: oo ma waydnaan laheyn Xaarinno waqtigii Nabiga (S.C.W.). si aad u soo saartaan daqiiqda, Burka wanaagsan. Wuxuu yiri: tan iyo markuu Alle soo diray ilaa markuu oofsaday Nabiga (S.C.W.). marnaba ma arag Xaarin. waxaa la sii waydiiyay: oo sidee u cuni jirteen Rooti iyo bur laga sameeyay qamadi aan buunsho baxsaneyn? Wuxuu ku jawabay: waan shiidi jirnay dabadeedna buunshaha ayaan uga saari jirnay Afuuf. Sidaa ayaana buunshadu ku duuli jirtay, miraha shiidan ee halkaas ku harana, gacanta ayaa lagu tumi jiray inta la qooyo si loo cajiimeeyo’ (Bukhaari).

Abuu Hurayrah (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.). soo baxay maalin ama habeen ayay ahayd markuu Abuu Bakar iyo Cumar oo meel jooga ku yimid. Wuxuu waydiiyay: maxaa idinka soo saaray guryihiinnii saacaddaan? Markaaseey yiraahdeen: Rasuul Alloow gaajo. Isaguna wuxuu yiri: Alle baan ku dhaartay kan ay ku jirto gacantiisa Nolosheyda, taas idin soo saartay ayaa anigana isoo saartay. Ee bal ina keena. Abuu Bakar iyo Cumar waa kaceen seddexdoodiina waxay u tageen guriga nin Ansaarta ka mid ah. Mase waa ka maqanyahay gurigiisa. Markay haweentiisi aragtay Nabiga (S.C.W.). ayay tiri: soo dhawaada, soo dhawaada. Nabigu (S.C.W.). wuxuu waydiiyay: aaway hebl? Waxay tiri: wuxuu inoo raadshay biyo saafi ah oo macaan. Markaasuu yimid. Markuu arkay Nabigii (S.C.W.). iyo labadiisii rafiiq ayuu yiri: Alxamdulillaahiye maanta qof iga marti fiican ma jiro. oo inta dhaqaaqay gacan Timir ah u keenay martidiisa sharafta badneyd kana codsaday inay cunaan. Dabadeedna middi soo qaaday si uu ugu gowraco neef ari ay ku casheeyaan martida. Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: wixii irmaan iska jir: markaasuu Ri’u gowracay aan irmaaneyn martidii Sharafta laheyd iyaguna cuneen hilibkii Rida, iyo Timirtii, biyo wanaagsan oo saafi maacaan ahna cabeen. Markii ay wax cuneen ilaa ay ka dhergeen oo la wanaajiyay, biyo maacanna cabeen ayuu ku yiri: Nabigu (S.C.W.). labadiisi saaxib. Nafteyda kan ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, maalinta qiyaame waa la idin waydiinayaa nicmadahaan iyo galladahaan Alle. Waa idin ka soo saaray guryihiinnii gaajo, intaydaanse u noqon guryihiinnii waxaad ku raaxeysateen barwaaqadaan.’ (Muslim).

Halkaas ayaan ku joojinaa maadaama mowduucaanu aad u dheeryahay Qur’aanka iyo Sunnadana inbadan looga hadlay. Haddii Eebbe idmo jimcada xigta ayaan kusoo qaadan doonaa!
Axaadiista aan kusoo qaatay waxaan kasoo xigtay Kutubka Riyaalus-saaliniin “Beertii Suubbanayaasha” tirsigooduna waa kan:
(491, 492, 493, 494, 495, 496, 497)
JIMCO SUUBBAN! W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN