Hammi caashaq iyo hungo been ah Q3AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q3AAD

Axmed oo digtoonaan iyo diyaargarowba ugu jiray , maqalka  dhawaqa teleefoon kaga yimaadda dhanka gacalisadiisa Nasro ayaa taleefoonkiisa oo miis dulyaalay gacanta ku laalay oo kor ugu soo qaaday ,asaga oo hubsanaaya, indhihiisana si miyir leh ugu eegaya, foojignaana u dhugganaya maggaca qofka soo wacay, ayaa taleefoonkii barta cagaaran taabsaday, kaddib markuu xaqiiqsaday hubsadayna  in qofka soo wacayaa yahay Nasro, taleefoonkiina waxa uu usoo jiiday dhanka  dhegtiisu  ka xigtay, ilaa uu taleefoonkii soo gaarsiiyayay dhegtiisa kuna nabay dhabankiisa ,iskuna diyaariyay in uu dhegaysto maqalka codka Nasro  ayaa halmar neefsaday.

Intaas kaddib Nasro oo huufsan degdegsan, codkana googoynaysa ayaa hadal kaga bilowday:Hello? Axmed may maqlaysaa. Asaga oo codka hoos u dhigaaya naxariistii ay  marwalba uga baratana ku laraaya , dareensiinaayana in uu maqlaayo ayaa ku yiri; gacaliso waan ku maqlaa  ee soo dhowoow.

Nasro oo aan galabta tan aan  qorsha ku soo darsan marnaba  in ay Axmed la hadasho rabtana in ay ka miro dhaliso hadafkii ay u soo wacday, oo ahaa in ay is barto axmed iyo Najma ayaa ku tiri: Axmed  qaali waxaan filayaa in aad diyaar u tahay in aan iskiin baro saaxiibaday, Axmed oo faraxad muujinaaya  balantii uu gacalisadiisa ka qaadanaya fulainaaya raali ahaanshana  ay ka muuqato,   ayaa ugu jawaabaya macaan diyaarbaan u ahay  weliba si dhammaystiran.

Nasra oo qoslaysa  Axmedna  ku adkaynaysa in uu saaxiibadeed si wacan oo mug iyo miisaan leh u soo dhoweeyo sidoo kale Najmana  maqashiinaysa in diyaar loo yahay, ayaa ku tiri Axmed haye hoo la hadal soona dhowee Najma waa gacantaydii midig .

Axmed oo xushmad iyo qadarin dheeraad ah   laga fahmaayo hadalkiisa   ayaa ku yidhi: Nasro  waa waajib in aan soo dhowweeyaa saaxiibada iyo qof kasta oo dhankaaga ka yimaad.

Nasro talefoonkii waa iska wareejisay waxayna ku hubsatay midigta Najma, waxaana  kala wareegatay  Najma, Najma ayaa si haneed leh u qabsatay telefoonki iyadoo aad moodo inay u diyaargarowbeyso dhegaysiga warbixin xiisa badan, ayay u dhaweysa dhegteeda midig, kuna  xajisay  ayada oo  ay ka muuqato inay talefoonka hammuun gaar ah u hayso, waxayna si kedis ah   u sifaysatay dhuunta iskuna diyaaraysay in ay kaga horrayso hadalka Axmed, booskii saaxiibadeedna bedesho, ayaa hadalkeedii xabeebta iyo naqasku ku badnaa ku  bilowday Axmed:  “Asalaamu calaykum walaal.”

Axmed oo tusaaya gabarta   soo dhowayn iyo  xurmo  gaar ah ayaa ugu jawaabay, jawaabtii lamma dhaafaanka ahayd ee laysla yaqiinay kuna yii  wacalaykumu salaam walaal Najma see tahay??

Najma ayaa ku tiri: Walaal waan ladanahay ee adigu see tahay, si hufan oo xushmad leh ayaa laysu weydaarsadey erayo u gogol xaaraya barashada iyo soo dhaweyn qalbi furan.

Isbariidin iyo is xog waraysi xaga caafimaadka ah  iyo wixii marka qof walba ku sugnaa,kaddib  ayuu Axmed ku yiri : Najma waan ku faraxsanahay in aan ku bartee soo dhowoow walaashay.

Najma  ayaa  ayaduna markaas la soo booday  anba Axmadow aad baan ugu faraxsanahy in aan ku barto farxadaydana lama soo koobi karo,  in badana waan jeclaa inaan ku barto iimase suura geline, dhibsa malahoo malaha galabtay qorneed in aan is baranee bal si fiican oo qota dheer isku kay bar si fiicana iigu warran walaalkay  iyo dumaashigey qaaliyow  hana iga xishoon walaasha ayaan ahaye adiga iyo Nasrana waan idin dhaxeeyaayoo midna lama jiree.

Axmed oo raagsanayaa goorta ay su’aalaha Najmo ay dhammaan doonanan warcelinta waydiimaheedana soo gaagaabinaaya dhanka kale soo dhowayn dareensiinaaya  madaama axmed yahay nin aad ugu fiican soo dhowaynta dadka  ahna nin firfircooni iyo furfurnaantaba  u dhashay  galabtana  aysan ugu horrayn qof lays baro ee uu soo dhoweeyo, balse galabta soo dhowayntiisu ay ka gadisantahay soo dhowaymihiisi hore.

Galabta qofkii aad ugu fiirsadaa  waxa uu ka dhex  dareemayaa soo dhowayntiiisa  iska caabbin iyo diidmo uu diidaayo in hadalka lagu badiyo,sidoo kale  in uusan rabbin in  uu Najma isku furfuro, sababtoo ah isbarashadii qotada dheereed ee Najma ka rabatay waxa uu ku soo koobay waxay horay u ogeed, hadalka asagoon badina waxa uu yiri: Walaashey ani magacayga waad taqaana sidaan filaayayo meeshaan joogana in ay Nasra kuu sheegatay ayaan u malaynayaa haddii aysan kuu sheegina aniga ayaa  hadda  kuu sheegaaya  oo waxaan joogaa dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada cope town.

Najma  ayadu dhankeeda xishood iyo dabacsanaan  ayay muujinaysaa  mana dareemayso in Axmed hadalka soo koo koobayo  howl ay Nasra u dirtana way qabanaysaa mana rabto in ay taleefonka ka baxdo ilaa ay ninkaan gun iyo baar ka ogaato, arrinkeedu waa imtixaan iyo tijaabo ay ka qadayso Axmed, balse, si habsami leh oo ilbaxnimo ku jirto ay hadba dhan uga wareegeysa, iyadoo weydiineysa, ma keligaaba meesha jooga? Reerkiina intii kale aaway? Hadba jawaabta uu bixiyo ayay su’aal kale ka dhex sameyneysaa sidii dambibaarayaasha. Axmed isagu lama socdo tabaaska iyo weydiinta badan, balse, horeba wuxuu ugu jirey is xakameyn.

Nasri eray walba oo Axmed  yiraa  sida hilibka ayay saafeysa oo kala dhigeysa, tankale Najmo waayo aragnimo badan ayay u leedahay arrimaahan si fiicana waa u taqaanaa sida dhaliilaha ragga loo baaro, waana sababta ay Nasro u wakiilatay , in badan ayay gabdho rag ka reebtay una sheegtay in uusan anfacayn, sidoo kale in badan ayay ku dhiiri gelisay kuwa kale in ay ku fara adeegaan ragga ay hadda gacanta ku hayaan  waxaa la dhihi karaa waa roon oo daran, waa  dacar iyo malab, ama qaraar iyo macaan meel ku wada yaal  Najmo, oo marba kay doonto kugula dhaqmi.

Najma markaan waxaan doorbidaysa in ay Axmed   u sheegto in  in ay si gaar ah taleefoonkeeda marwalba uga soo wici doonto, mar walbana ay la soo xariirayso, waxayna ku tiri: “Aboowe  waan kula soo xariiraya numberkaagana Nasro ayaan ka qaadanayaa   ee hadda la hadal Nasro ayaa il kulul igu soo eegaysa maanta dham e, waana ka baxday Najmo qadka waxaa soo gashay Nasra oo codkeedii naxariista badnaa iyo erayadii macaana ee ay qalbiga Axmed ku hanatay iska soo horaysiinaysa.………………………….

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN