Riyadeyda ma ii rumeyn kartaa? W/Q: Sacdiyo Maxamuud Garcadde

Riyadeyda  ma ii rumeyn kartaa?

Waxaan leeyahay riyo dareen markan xasuusto aan dhoolla caddeeyo waxaan leeyahay hammi sare iyo hiigsi waxaan leeyahay go’aan aan ka baaraandegay oo aan nafteyda meel la dhigtey.Waxaann leeyahay rajo iyo filasho aan timaadada ka sugayo, waxaa ahay gabar  ku dhax jiraa jawi wanaagsan waxaan ku noolahay hoy qurux badan waxaana kala simanahay gabdhaha dunida.

Gabar walba ee dunida dul saaran, meeshay doonto ha joogto, da’dey doontana ha jirto, qaabkey doontana ha u ekaate, waxaa hubaal ah iney leedahay  riyo iyo rajo aan leheyn dhammaad bilaaw mooye? Gabar waliba waxay ku fakartaa, ku hammidaa, ku naalootaa, yididiiladeeduna tahay, iney hesho qofka ay nolosha la wadaagi lahayd, kaasoo ah mid ay xulatey ku faraxsantahay, nafteeduna gaclootey oo ay raali ka tahay, si ay inta nolosheeda ka dhiman ula wadaagto, farxad iyo baraare.

 

Gabar walbo waxay ku sugeysa oo saadaalineysaa, iney noqoto maalin nolosheeda ka mid ah aroosad guri ay leedahay loo galbiyo laguna hooyo mida ugu quruxda badan.Dhanka kale qoys walbaa wuxuu sahan u yahay in maalin ka mid ah maalmaha, gabartooda laga soo doonto, kaddibna ay u guuriyeen midka ay gaclootey ee ay gayaankeeda ka xulatey. Waalidkeed iyo walaalaheed, waxay dhursugayaan, iney maalin gabartooda gacanteeda dhiibaan oo looga soo ardaa fariisto, walaalaheedna garab istaagaan oo si gobonnimo leh u guuriyaan una tumaan gurbaan gacalnimo.

Aabbe waliba wuxuu ku naalooda, inuu maalin hibeeyo oo haneeyo gabartiisa, iyaduna ay ku keento wiil ka mid noqda wiilashiisa oo gacalnimo iyo xididnimo wanaagsan ay u unugto.Gabarta saaxiibadeed waxay balanqaadaan iney garabgeli doonaan, guurkeeda iyo arooskeedana ka  qaadan doonaan qayb lixaad leh.

Haddaba  aan is weydiin su’aal  dhammaan arrimaha aan ka sheekaynay ma u suuroobaangabar walba? Ma dhacda sida ay jeceshahay oo ma heshaa nasibkaas? Riyadaasi ma  oo kali ma rumodaa? Ma qeexi karnaa mana qaabeyn kartaa sababta  aysan inta badan riyadaasi u rumoobin ama u kala dhantaalanto?

Riyada noloshaa aan soo tilmaamney ee gabar weliba niyadeeda ka guuxeysa ayna jeceshahay inay gudoonto geerideeda ka hor, iney aragto iyadoo loo dabaaldegayo gurigalkeeda, iney maqasho iyadoo loo mashxaradayo aqal dhiskeeda, inay dareento iyadoo loo wada duceynayo dadka oodhamina si farxad leh ugu hambalyeynayaan.

Maxaa keenay in qaar badan oo gabdhaha ka mid ahi ku hungoobaan guurkooda, ku dhacaan gacmo col iyo cadow aan naxariis lahayn,  wiil walba wuxuu la jecelyahay walaashiis  inta aan soo sheegnay, haddaba muxuu wiil weliba ula jeclaan waayey dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed sidaasoo kale.

Muxuu wiil weliba gabarta uu jeclaado ama  xiriir wanaagsan dhexmaro ugu gogol fariisan waayey uguna guursan waayey sida uu rabo in walaashiis loo guursado.Waxaa is weydiin mudan maxay tahay gabdhaha gefka ay galeen, haddii uusan jirina maxaa godobta looga gelaya? Gabar weliba waxay is weydiineysaa, waa kuma qofka riyadaas kuu rumeyn doona?

Arrinka ma ragga u sabab ah mise dumarka?  Aan weydiintan gaar u su’aalo gabdhaha. Gabdhoow maxaa noogu wacan inaan guursano, guur aysan waalidkeed ogeyn, raali ka ahayn, ka qayb qaadan, qabanqaabin? Ma hanyariba, ma maangaabnimaa mise rabitaankeena ayaynu ka doorbidnaa cid walba oo noo horseeda hungo iyo halis nololeed.

Waan ogahay  jawaabtiinu waa JACAYL! Jacayl  haddaad wax jeclaato  saw xaq uma lihid, adigoo wax jecel inaad haddana hesho riyadii aad weligaa ku hammiyeysay? Hadduu ku jecel yahay lammaanahaaga cusub ee kuu balanqaaday inuu dhib iyo dheefba kula wadaagayo, ma ku weydiiyey riyadaada, mase u yahay diyaar inuu fulliyo riyadaad jeclayd weligaa?

Gabdhow, adduunka qowmiyad walbaa waxay leedahay dhaqan u gaar ah, hadda ogoow dhaqankeenna saxda ah waa sidaan ku riyoon jirney, maxaa keenaya inaan xagal daacino dhaqankeena oo aan fududeysano?Maxaa hankeena iyo haybadeena dumarnimo aan hoos ugu dhignaa, inagoo muujina jileec iyo nuglaan aysan raggu noo muujin?Habloow haddii aad qofkaad rabto inaan nolosha la wadaagto, haasaawuhuna idinka dhaxeeyo aad u sheegato kana codsato riyadaadu  inuu ku dhabeeyo, ma gefbaa? Ma gardaraa mise waa guhaad?

Dhan kastaba ka eeg, gabdho iyo wiilaloow is weydiiya oo raadiya helista warcelinta ugu habboon ee weydiimahayga,  haa wiiloow waan dareemayaa inaad dhibsaneyso inaad rumeyso riyadayda, laakiin waxaad rabtaa inaad rumeyso riyadaada oo ah inaad I hanato, haddaba maxaa diidaya inaynu riyadaada iyo riyadeydaba  suurtagelino.

Raggoow haw qaadan inaan kugu xirayo dhaqaale badan, inaan kugu xujeynayo wax awoodaada ka sarreeya, maya xaasha, waxaan rabaa wax ii qalma oo ii qaadma nafteyduna ku qanacdo, sida aad u rabto gabar qurxoon oo ku jecel, kuuna noqota raali wax walba oo aad jeceshahay kuu sameysa,  marwo kuu dhego nugul oo dadka oo dhan adiga ugu jecel!

Nolol weliba waxay leedahay waddo loo maro, hubaal in qofku hadduu rabo inuu waxbarto ku dhawaad 16 sanno xambaarsanaado qalin, si uu u hanto ugu dambeyn aqoonsiga shahaado ee waxbarashadiisa,  wuxuu qof weliba u huraa, waqtigiisa, tamartiisa iyo hantidiisa, ugu dambeyna waa gaara.

Qof walba oo doonaya inuu tabco hanti badan wuxuu geliyaa waqti badan, wuxuuna u maraa dhib badan, kaddib ayuu gaaraa halkuu rabay ee raadinayey.Haddeynu intaan isla garaney,maxaa kuu diiday inaan gacalisadaada, gaarida aad jeclaatay u gogosho xariir, una guntato rumeynta riyadeeda?Ugu dambeyn waxaan weydiinayaa guud ahaan ragga oodhan: “ Riyadayda ma ii rumeyn kartaa?”

W/Q: Saciido Maxamuud Garcadde

 

SHEEKOOYIN