Waddada Suubban: Q12AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q12AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”


“Fadliga gaajada kugusoo gaarta Alle dartiis. Mowduucaanu wuxuu toos u la xariiraa kii aan jimcihii hore soo qaadannay.


Khalid ibn Camar al-Cadawi (A.K.R.). wuxuu yiri: waxaa mar dhacday in Cutbah bin Qazwaan (A.K.R.). oo markaas Basra Guddoomiye ka ahaa khubdo noo jeediyay. Markii galladihii uu Alle noo galay iyo nimcooyinkiisa badan uu wax ka sheegay uuna mahadiyay Alle ayuu wuxuu yiri: Adduunyadu waxay ogeysiis ku bixinaysaa in dhammaadkeedi dhow yahay wajigeediina jeedisay oo ay dhab u ordeyso. Wax yarbaa Adduunka ka haray. Waxaasoo aad u yar sida dhibco yar oo ah biyo lagu hambeeyay weelka salkiisa markii la cabay kaddib. Waana dhibcahaas hambada ah kuwa dunida caashaqsan waxa ay ka cabayaan. Waxaan shaki jirin inaad ka tegeysaan dunidaan oo aad u kaceysaan guri lagu waarayo oo aan dhamaad laheyn. Sidaa aawgeed, iska hubiya oo ku dadaala inaad meeshaa kheyr kan u wanaagsan la tagtaan. Waxaa naloo sheegay in dhagax jahannama qarkeeda laga tuuri doono kaas oo sii socon doono toddobaatan sano oo haddana aan wali gaareyn salkeeda. Laakiinse Alle ayaan ku dhaartaye waxaa dhaceysa in laga buuxiyo dambiilayaasha. Ma la yaabeysaan taa?. Sidoo kale waxaa naloo sheegay in bedka u dhexeeya labada qalbac albaabbada Jannada ay isu jiraan meel afartan sano loo kala socdo. Sidaasoo ay tahay ayaa haddana waxaa imaan doonta maalin aan cariiri lala mari doonin dad badni aawgeed. Waxaan xasuustaa anigoo ka mid ahaa toddoba nin oo Nabiguna na wehliyo oo aan heysan, helina karin wax la cuno oo aan aheyn caleenta geedaha, markaasay qowlalladii na dildillaaceen. Si uunbaa waxaa igusoo galay hal go’ oo aan labo u kala gooyay, mid anigaa isticmaalay kii kale waxaan siiyay SACAD IBN MAALIK (A.K.R.). oo midkeenba jeex guntaday. Maantana mid kastoo naga mid ah gobol ayuu guddoomiye ka yahay. Inkastoo aan ahaan karo ruux muhiim ah aragtideyda taas oo aan Alle ka dambi dhaaf dalbanayo haddana weli waxaan ahay wax yar Alle agtiisa. Ama Alle waxaan ka magan galayaa inaan is la waynaado anigoo Alle agtii aan waxba ka aheyn.(Muslim).


Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.). wuxuu yiri: Caa’isha(A.K.R.). waxay na tustay go’ iyo qamiis qallafsan oo adag oo tiri; kuwaani waxay ahaayeen labadii maro oo kaliya oo uu lahaa Nabiga (S.C.W.). naftiisana u gashanayay oo uu ka tegay markii uu dhintay.'(Bukhaari iyo Muslim).


Sacad ibn Abii Waqaas (A.K.R.). wuxuu yiri: waxaan ahaa kii u horreeyay Carabta dhexdooda oo leeb u riday u dirirka jidka Alle. Waxaa nagu waajib ahaa inaan wadno jihaadka oo la duulno Nabiga (S.C.W.). si aan Diinta Alle u kor yeelno, cadowyada islaamkana ukuntooda u jabinno xaaladahaa oo kale waxaa dhici jirtay inaan mar mar waxba wayno aan aheyn caleemaha quraca iyo geedo la mida, markaasay saxarada qaar naga mid ah noqon jirtay mid adag oo engegan sida saalada Ariga oo kale.'(Bukhaari iyo Muslim).


Abuu Hurayrah (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu ku duceysan jiray: Alloow, risiqa reer Muxammad iyo nolol maalmoodkooda ka dhig mid kaafi ah. (Bukhaari iyo Muslim).


Abuu Hurayrah (A.K.R.). wuxuu yiri: Alle baan ku dhaartay, uusan jirin illaah xaq ah oo kale isaga maahee, waagii Nabiga (S.C.W.). waxaan ku qaban jiray calooshayda dhulka gaajo darteed, ama dhagax ayaan caloosha ku xiran jiray. Maalin waxaan fa dhiyay geesta waddo guud markaasuu Nabigu (S.C.W.). isoo maray, Markuu i arkay ayuu dhoolla caddeeyay oo wajigayga ka gartay xaaladdeyda inaan gaajeysanahay. Wuxuu yiri: Abaa Hir(Abuu Hurayrow) Markaasaan iri: waa i kan Rasuul Alloow(S.C.W.). wuxuu yiri: inna keen oo dhaqaaqay aniguna raacay. Markuu guriga gaaray ayuu idansaday oo loo idmay, dabadeedna galay, anigana waa uu ii idmay waana soo galay. Wuxuu arkay Nabiga (S.C.W.). wuxuu arkay caano xeero ku jira oo guriga yaal, markaasuu ehelu beytkii weydiiyay: Caanahaan xaggee laga keenay?. Markaasaa la yiri: waa hadiyad adigu aad leedahay oo uu kuu soo diray Hebel ama ay kuu soo dirtay Heblaayo. Wuu ii yeeray’ Abaa hir’ Markaasaan iri: waa i kan Rasuul Alloow (S.C.W.). wuxuu yiri: tag oo iigusoo yeer asaxaabtii Sufah.’ Asaxaabtaa Sufana waxay ahaayeen dad muslimiinta marti u ah, oo aan rug iyo raas toonna laheyn waxna haysan, qaraabo iyo saaxiibbana aan laheyn ay la noolaadaan. markii Nabiga (S.C.W.). sadaqo loo keeno asigoo aan taaban ayuu iyaga u sii dhiibi jiray waxbana naftiisa ugalama hari jirin waayoo saddaqado waa ka xaaraan oo uma bannaana asiga iyo ehelkiisaba markiisa hadiyad loo keeno iyaguu ugu yeeri jiray waana la wadaagi jiray. Laakiinse Abuu Hurayra ahaan markaani ma jecleysan inuu u yeeraa Nabigu (S.C.W.). Qoladaa, Waxaana is iri: sidee bay xoogaagaan caanaha ah u deeqi doonaan dad badan? Anna cid walba ka mudan inaan cabo oo nafta kusoo ceshado. Haddii ay asaxaabtii Sufa yimaadaanna Nabigu (S.C.W.). wuxuu i fari doonaa inaan caanaha siiyo. Markay cabid billaabaan u maleyn maayo inay wax igasoo gaari doonaan caanahaan. Maxaanse qaban karaa? Igama suurowdo inaan diido amarka Alle iyo Rasuulkiisa ( S.C.W.). markaasaan tegay oo u soo yeeray. Iyaguna way yimaadeen oo idan warsadeen ay guriga kusoo galaan, waana loo idmay, sidaas ayayna kusoo galeen nin walibana meel fadhiistay. Nabiga (S.C.W.). Ayaa ii yeeray Abaa hir markaasaan iri: waa i kan Rasuul Alloow (S.C.W.). Wuxuu yiri: qabo xeeradaan caanaha ah oo sii.’ Xeradii ayaan qaaday oo hadba nin u geeyay mid walbaba markuu dhamo oo uu dhergo ayuu ii dhiibaa oo aan kii kale sii siiyaa oo isna sidoo kale yeelaa, ilaa xeeradii Nabiga (S.C.W.). soo gaartay oo iga qabtay Oo inta i fiiriyay oo dhoolla caddeeyay yiri: Abaa Hir? Waxaa iri: waa i kan Rasuul Alloow (S.C.W.). wuxuu yiri: markaan laba qof oo kaliya oo ah aniga iyo adiga ayaa haray. Waxaan iri: waa run Nabi Alloow (S.C.W.). dabadeedna wuxuu yiri: fariiso oo dhan caanaha. Waan faristay oo billaabay inaan dhamo caanihii. Intaan cabaayana wuxuu mar walba lahaa sii cab ilaa aan is iri: Alle ayaan ku dhaaranaya xaqa kula soo diray. Ee hadda boos ugama bannaana caloosheyda oo meel aan mariyo mahaayo. Wuxuu yiri: haddaba ii dhiib’ markaasaan u dhiibay xeeradii. Alle ayuuna mahadiyay oo bisinka qabsaday oo intii soo hartay cabay.(Bukhaari). Fiiro gaar ah:

Werin kale oo Bukhaari ku sugan ayaa waxay raacinaysaa qisada xadiiskaan uu Abuu Hurayrah werinayo in marki uu fadhiyay waddada uu soo maray Abuu Bakar (A.K.R.). markaasuu waydiiyay macnaha Aayad qur’aan ah, si uu u dareensiiyo gaajada iyo baahida haysa, oo uu u quudiyo, ha yeeshee ma uusan garan ujeeddadiisa oo horay ayuu ugasii socday cagtana waddada saaray. Dabadeedna waxaa soo maray Cumar (A.K.R.). Waddadii. Abuu Hurayra isagoo dantii hore kala haa ayuu waydiiyay macnaha Aayaddii Qur’aanka, ha yeeshee ma uusan garan isna ujeeddadiisa oo horay ayuu isagasii socday. Ugu dambeyntii Nabiga (S.C.W.). ayaa ku yimid waddada, wuuna dhoolla caddeeyay markuu arkay, gartayna inuu gaajoonayo oo gurigiisa u kaxeeyay!”

Muxammad ibn Siiriin(A.K.R.) wuxuu yiri: Abu Hurayrah(A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan xasuustaa mar aan miyirka beeli jiray oo dhulka ku dhici jiray, inta u dhaxeysa minbarka Nabiga (S.C.W.). iyo Qolka Caa’isha (A.K.R.). oo qofkii meesha soo maraaba uu qoorta cag iga saarayo iyagoo ii arka inaan waalanahay. Runtii maan waalneyn; waa uun gaajaysnaa. Macnaha waa gaajo daran awgeed, ayaan miyirka la beeli jiray oo aan ugu dhici jiray dhulka.’ (Bukhaari).

Caa’isha (A.K.R.). waxaa lagasoo xigtay in markii uu Nabigu (S.C.W.). dhintay, Cabbuur bireedkiisii uu uga haystay nin yuhuudi ahi curaar ahaan soddon suus oo qamadi ah. ( Bukhaari iyo Muslim).

Anas bin Maalik (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu curaar ahaan ugu dhiibay cambuur bireedkiisii Qamadi uu kasoo qaatay nin Yuhuudi ah waxaana Anas ahaan u keenay Nabiga (S.C.W.). muufo qamadi laga sameeyay iyo xayr dhaqaaqsan.  Weriyayaasha xadiisyada waxay yiraahdeen: Qoysaska Nabi Muxammad (S.C.W.). marnaba guryahooda lagama helin wax suus dhan oo qamadi ah dhamaantood subax ha ahaato ama galabba. Waxayna ahaayeen sagaal guri’ (Bukhaari).

Caa’isha (A.K.R.). waxay tiri: Firaashka Nabiga (S.C.W.). wuxuu ka sameysnaa harag lagu cufay liifka geed timireedka.(Bukhaari).

Ibn Cumar (A.K.R.). wuxuu yiri: mar annagoo la fadhinna Nabiga (S.C.W.). ayaa waxaa noo yimid nin Ansaari ah, oo inta Nabiga (S.C.W.). Salaamay, ayuu iska noqday. Nabiga (S.C.W.)m ayaa waraystay oo ku yiri: walaalkey Ansaariga ahow, sidee ahaa walaalkay Sacad ibn Cubaadah? Ansaarigii wuxuu ku jawaabay: waa fiicanyahay intii hore waa ka roon yahay. Nabigaa (S.C.W.). dabadeedna wuxuu nagu yiri: kiinnee ayaa ii raacaya si aan usoo booqanno? Markaasuu kacay innaguna raacnay. Waxaan aheyn dhowr iyo toban qof, nalagumana arag mid kaba qaba ama buud, ama koofiyad ama shaarar. Waxaan qaadnay annagoo caga cad oo ku soconnay tog gawaan ah oo engegan ilaa aan nimid halkuu Sacad joogay. Reerkiisii iyo ehelkiisi la joogay ayaa ka baxay. Markaasaa Nabigu (S.C.W.). u tegay iyo innagii la soconnayba. (Muslim).

Cimraan ibn Xusayn (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: kuwa idiinku kheyr badan waa kuwa qarnigayga jooga, dabadeedna kuwa xiga, dabadeedna Faca seddexaad ee yimaada kuwaa dabadood fac ahaanna u xiga. Wuxuu yiri: hadalkaa labo ama seddex jeer, dabadeedna waxaa ka dambeyn doona kuwaa qoon marag furi doono aanse la marag gashan karin. Yacni aan maragtooda la aqbali doonin waxay ahaan doonaan khaa’imiin aan la aamini karin; oo nidar iyo ballan qaad galaya aanse oofin doonin, waxayna ka sheegan doonaan Barruur. (Bukhaari iyo Muslim).

 

Jimco Suubban:  W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”



         

Top