MEYTA-KAAL Q1AAD W/Q:Qaasim Cabdulle Nero.

 

MEYTA-KAAL Q1AAD

 

Aniga oo Muqdisho ka tagay ayaan booqasho u aaday Miyiga Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu degganyahay Adeerkeey aan Dadka ugu jecelahay.Adeerkey, inkasta oo uu waalid ii yahay haddana Saaxibbo ayaan nahay. Marki uu magaalada usoo muraad-tago, Aniga iyo isagu badanaa kalama harno.

Wuxuu iiga sheekeeyaa Magaaladan hadda ballaaran oo aad u yar. Sheekooyinka xiisa leh ee aan u bogay waxaa ka mid ah: Garoonka Kubadda cagta lagu ciyaaro ee Konis Stadium oo uu dhismihiisii xasuusto.

Galab inaga oo ag mareyna ayuu iiga sheekeyey Waagaas oo uu ahaa Wiil yar oo Ciyaal Dambiil ah.Aniga oo dhowr maalmood jooga aadna ula dhacsan buuq la’aanta Dhulka miyiga ah, maskaxdu ii degtay oo sidaan Caano-geel oo Dhaay ah u cabayey wixii caloosheyda ku jiray dhigay, ayuu Adeerkey Farriin isoo gaarsiiyey. Waa xilli qorrax dhac ah oo wixii Ari ah ee bannaanka jira la soo xero galinaayo.

“Reer Meyta-kaal qaba ayaa na wacay oo aan caawa aadeynaa, marki xooluhu xera galaan ee la soco” ayuu igu yiri. Meyta-kaal waa Xus ama SAB marki magaalada la joogo.

Reerka xuska qabaahu, wuxuu degganyahay meel waxoogaa noo jirta. In cabbaar ah haddii aan kusii soconnay Rastada weyn ee Baabuurtu marto, ayaan dhanka bari ugu leexanay Diq diq yar oo noo sii dhaweeya Dhitiga Buurta ku yaalla ee uu Reerku degganyahay.

Cirku caad bartiis ma leh, bisha oo waxoogaa bartamihiisa bari kaga durugsan ayaa dhulka oo dhan ifineysa. Baahi Toosh iyo wax iftiin laga raadiyaa xilligan ma jirto.

Aniga iyo Adeer oo is daba soconna, ayaan Dab halkaas ka shidan arkaa. Intii aanan weydiin ayuu igu yiri ” Dabkaas baxaaya waa Ciddi na wacday”. Adeerkey wuxuu ogyahay in aanan Waligey Miyi imaan oo markii iigu horreysay ay tahay, wuxuuna iiga sii sheekeynayaa Farqiga u dhaxeeya Cunnooyinka Baladka iyo Baadiyaha siiba marka Alle bari la qabo.

Annaga oo sidii u sheekeysaneyna ayaan u tagnay Rag fadhiya meel Geedo laga jafay oo aad u dugsoon.Salaan iyo is marxabbeyn ka dib, gogol fidsan ayaan galnay. Rag odayaal u badan ayaa laba labo u sheekeysanaaya, kuwo jilbaha Go’oodii ku garwaaxeystay oo aan is iri ‘ waa Culimo’ ayaa Tusbaxa laba rogaya oo wardi akhrisanaaya iyagoo aan sheekada ku jirin.

In waxoogaa ah marki aan Fadhinnay, ayaa horteenna lasoo dhigay weelal ay ka buuxdo Mesaggo karsan oo marki aan magaalada joogo u aqaan ‘Soor’. Si istilaab ah inta Soortii loo saray ayaa Afar Bur oo waaweyn midba Weel lagu riday markaasaa Caano geel lagu sii daayey.

Naar ama Qabaal weyn oo Hilbo ka buuxaan ayaa haddana lasoo dhigay markaasaa Nin toorreey gacanta ku heysta uu goobeynayaa…qeyb qeyb ayuu u dul dhigayaa Sad ama Maqaarka Lo’da oo geeskiisa ku waran.

Nin Maqoosinka ka mid ah ayaa Martidii “Afar afar isugu leexda” ku yiri, markaasaa Weel weyn nala soo dhex dhigay aniga iyo Saddex Odey. “Bismillah” intuu yiri ayaa Ninkii Ragga ugu da’da weynaa Darabtii billaabay oo intii kalena si saf ah la isugu xigsaday.

Iyada oo Sarabtii/ darabtii raggu fuuqayo, ayaa ay Duqeydii gaareen go’aan aan layga talo galin. Waxay codsadeen in Maraq loo keeno, si deg deg ah ayaa maraq lagu sido Baaquli labo dhagood leh loo keenay. Aniga oo is leh ‘ malaha waa ay fuudi rabaan’ ayaa si aanan fileyn Weelkii Caanaha iyo Soortu noogu jirtay loogu shubay.!!

Odayaashii oo ay hadda ciyaartu u billaabatay ayaa darabta isku dhiibay oo Faruuryaha wada leefay. Marki kalkeygi lasoo gaaray ayaan af muggiis ka laacay, si kale ayaan noqday, waxaan garan waayey waxa isku qasan iyo sida dhadhankoodu yahay markaasan gacanta ka filqaday. ” soco hee…..adeey ku joogtaa” ayey Odayaashii igu celceliyeen markii ay arkeen inaan gacan kale u celin rabin.

Adeerkey oo fahmay in aanan maraqa iyo Caanaha la isku daray ka helin ayaa Nin uu magac-dhebay ku yiri ” hebalow Wiilkan oo Ciyaal balad ah, caawa inuu qadaan ka baqaa he, Xeero yar Bur iyo Caano u soo saar, maraqana ha uga darin.”

Ninki ayaa intuu igu soo rogmaday oo Wajigeyga fiiriyey sida Qof uu garanaayo oo kale igu yiri ” kaalay Adeer, labo Wiil oo Hilibka ka caaggan ayaan kugu saddaxeynayaa” markaasuu badar iyo suusac Geel nasoo dhax dhigay. Si kal iyo lab ah ayaa hoos u iri: “ Iga tag……Odayaashiba ka reystaye!”.

 

La soco qeyb kale….

Qore: Qaasim Cabdulle Nero.

SHEEKOOYIN