Madfacii i sigey! W/Q: Cabdiwahaab Xasan Dhafe.

Waxaa dalka ku hooreeysa daruurtii colaadda. Qasaaraha ay geysanayso meel walba ayaad kula kulmaysaa. Waa kow iyo shaagankii. Maalmo ka hor markii aan dunida ku soo biiray. Waa muqdisho rimman, inteeda badanna ay daruurta dirirtu si weyn u maanshaysay. Waxa aan ku sugan ahay Baar Ubax oo ah baradii aan ku dhashay.Waxa aan ahaa dhallaan  bilo kooban kooban dunida jooga. Waxaa dhabtiisa igu haya aabbe, maadama ay hooyo ku mashquulsanayd howlaha kushiinka. Waxaa la addimay salaaddii Duhur. Waajibyadu ka la weyne, aabbe dhankaa iyo masjidka ayaa uu u kacay anna sariirta ayaa uu igu seexiyey.

 

In yar kadib markii uu aabbe tagay anna aan waayay duggaalkii aabbe iyo lulistiisii, waa aan ka soo baraarugay hurdadii  oo waan toosay. Sida caadiga ah waan soo kacay ayaan cod dheer ku iri . Maya, waa aan ooyay, sida uu sameeyo cunug walba markii uu cidlo dareemo, hooyo oo kushiinka ku jirta ayaa dhankeyga soo aadday ina xambaartay. Aniga iyo hooyo dhanka kushiinka ayaan u baqoolnay. Daqiiqado kooban ka dib markaan macasalaamaynay qolkii aan jiifay waxaa sku soo dhacay madfac. Gantaalkaasi waxa uu kala jaray sariirtii aan in  yar ka hor ka dul ooynayey! Alxamdullillaah waan badbaaday balse waan sigtay. “Nin sigtay  ma noola.”  ayay soomaali tiraahdaa. Aabbe oo aad u kurboonaya ka dib markii loo sheegay in gurigiisa madfac ku soo dhacay, sariirteeydana kala jaray ayaa soo galay isaga oo aad u naxsan, oo maanka ku haya in aan noolayn, balse xaalku wuu ka duwanaa sidii uu filayay, waxa uu yimid Cabdiwahaab oo nool!!!

 

Waxa ay ahayd farxad iyo mahad Rabbi. In kasta oo uu Cabdiwahaab Xassan Xaaji Dhafe sigtay, haddane waa kan wali nool oo idin la wadaagaya sigashadii oo isku beddeshahay dhacdo taariikhi ah. Dadka qaar baa igu yiraahda madaama arrintaa halista ah aad ka badbaadday, rejo badan waxaa la ga qabaa in aad badbaadin doonto umadda soomaaliyed inta dhibaataysan ee maanta joogta. Waa hubaal in la i gu hanweyn yahay, balse sida la ii gu  hanweyn yahay oo kale ayaan umaddayda ugu hanwaynahay.

 

Ma illaabo inta reer ee aan xaafad wada degnayn ee dhibtaasi u kala qaybisay dad aakhiro jiro iyo kuwo adduunyo, iyaga oo aan garanaynin sababta murugadaa loo gaadhsiiyey. Maanta hoobiye wax ma dilo, walise carruur iyo cirroolaba si sidii hore si ka fool xun ayaa loo dilaa. qaar badan oo hoobiye ka badbaaday, ayaan qaraxyada ka badbaadin. Tan iyo qarnigii hore ee aah sigtay dhibaatadu waa ay oognayd. Waan ku kacaamay oo ku garaadsaday, wali se wax isbeddel ah ma arag. Dad badan oo ila mid ah ayaa sidaa ah. Qaar badani sidan la yahay ayay u haystaan sida ay tahay in loo noolaado. 1991-kii sabab la’aan baa loo dhimanayey, maantana sabab la’aan ayaad u dhimanaysaa. Labada jeer ba ka ku dilay kuu ma sheegi karo sababta uu kuu dilay, maantana waa la mid. Wali xaalku waa sidii, ma jirto cid is waydiinaysa sababta wali laysu dilayo. Qofna diyaar uma aha in ay xaaladdan dhanka kale u ragto. Waxaase la naawilayaa amminta ay xaaladdan muragada lihi iskeed isu badali doonto, oo aayar la barwaaqoobi doono! Dadka maalinkaa iska iman doono ayay sugayaan, waa rejada kaliya ee ay dadku leeyihiin. Waxa aan isweydiinayaa naruuradaasi maalinka ay iska iman doonto ee ay xaaladdan badali doonto?

 

W/Q: Cabdiwahaab Xasan Dhafe.



         

Top