This page was exported from Laashin Iyo Hal abuur [ http://laashin.com ]
Export date: Thu Dec 14 15:08:18 2017 / +0000 GMT

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q4AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi



 

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q4AAD

Nasra oo codkeedii naxariista badnaa iyo erayadii macaana ee ay qalbiga Axmed ku hanatay iska soo horraysiinaysa, ayaa Axmed oo taleefoonka ku soo dhowaanaaya kaddib markii Najmadii uu dhibsaanayay khadka ka baxaday si wacan hadda u soo fadhiistay maadama ay hadda qadka soo gashay, qumantii maankiisa deeqday, mida uu dumar ka calmaday, qofka uu rabo macaanka nolosha inuu la wadaago.

Dhawaqa codkeeda ayaa ah mid ka kiciya dhammaan daalka iyo walaahoowga, ku beera firfircooni, dhegaysa codkeeda ayaa ugu xiisa badan hees walba oo hobollada caan baxay ku luuqeeyaan.

Waa siduu jeclaa, waxaa dhegihiisa dulkooda ku soo dhacay cod debecsan waxayna ku tiri: Gacaliye waad ku mahadsantahay sida qurux badan ee aad codsigaygii u aqbashay iyo sida aad balantii dhexdeena ahayd u fulisayba, sidoo kale sida dadnimo wanaaggu ka muuqday ee aad Najmo u soo dhowaysana waad ku ammaanantahay, waana kaa filanaayay in aad sidaan samaynayso weliba in badan, maanta waxaad baratay qof agtayda qiimo iyo sharaf badan ku leh oo aan ogahay in ay mar walba wanaagayga ku farxayso waxaanan filayaa in aad adba dareentay wanaageeda barashadeedana aad ku faraxsantahay codkeeda waad maqashay magaceedana way ku sheegtay kaliya muuqeeda ayaa kaa dhiman sidaan filaayo.

Axmed oo aan mahadcelintaas badan dan gaar ah ka lahayn ee kaliya ayada ixtrimaakeeda iyo wanaajinteeda ka shaqaynaayay ayaa ku yiri: Qaali intaan iyo in ka badan ayaad mudan tahay waxaadna tahay boqoradii naftayda, si naba hadalkaaga uma diidi karo dhegayhaygu aday ku maqlaan naftaduna aday ku raacday ee ogow in aad adigu i leedahay oo aad hanatay nafteyda oo dhan ay gacantaada ku jirto mahad celina iskuma lihin qaali.

Nasro oo ku faraxsan hadalka ka soo ka imanaya dhanka gacaliyaheeda Axmed ee ay isa siisay wax ay ku doorsanaysana aysan jirin dhanka kale ka degdegsan oo rabta in ay Najmo ka warramiso ayaa tiri: Qaali waad iga farxisay hadalkaaguna qalbiga ayuu si toos ah u abaarey, dareenkayga waa bedeleen waxaan dareemaayo rabbi ayaa og adiguna waad dareemi lahayd haddii aad garabkayag joogi lahayd, balse waxaa kaa qariyay fogaanta noo dhexaysa ee in yar i sug waxaan ku soo dirayaa sawirka Najma e.

In sidaan layskugu farxo, layskuguna wayraxo, ama layskugu riyaaqaba ma ahan arrin cusub oo hadda dig soo tiri ee marwalba ay is maqlaanba labadaan qofood ee is calmaday waa iska sidaan, caado ayay ka nqotay farxaddu waa labo jeceyl wada haaneediyay, waa labo geedki jeceyl ka inta ay wada beerteen suganaaya oo koranaya miro macaan oo ay wadajir uga gurtaan, rajada ama naawilaada midba midka kale ka rajaynaayo ama ka filaayo way sarreysaa, si kale kuma garatide waa laysku hanwayn yahay waana laysku hammuun qabaa weliba si bilan oo boqran.

Waa yeelay Axmed soo jeedinta ah in uu sugo gacalisadiisa, Nasrana inta taleefoonkii jartay una dhaqaaday dhanka Najma ayada oo ka rabatay laba arrimoodba waa mida koobaade in ay sawiraanteeda midka ama labada ugu qurxoon oo il qabatinka leh ka soo doorto,tan labaadna in ay Axmed uga warbixiso, Najma labada shayba diyaarbay la ahayd oo sawiradu taleefoonka ka buuxayba kalama dhicine midkaad doontaba u dirbay ku tiri waa gabar isku kalsoon inta gabari isku kalsoon tahay, tan kale waxay u sheegatay in Axmed nin wanaagsan yahay ayna kula talinayso in ay wanaajiso sidoo kale waxay u balanqaaday in ay daba gal badan ku samayn doonto haddii ay suuragal noqoto ayaduna ay oggolaato.

Nasra faraxad ayaa saaqday tin iyo ciraba waana ay dhalaashay, wijigeediina farxadda ayaa kala furfurtay, waxay tiraahdo iyo waxay iska daysaba way garan wayday wayna qosol gariirtyay farax dartiis,   waxay aad ugu faraxsanatahay in ay Najmo Axmed wanaag ku tilmaanto, hanadka ee ay raga oo dhan kala soo dhex baxday waqtigaan la joogo, qanaac cusubna qalbigeedi ayay ka buuxsantay muddo ilbiriqsi ka yar.

Axmed asaga inta waxaas dhacayaan waxa uu ku jira soo dhowayn rukun(customer) iyo gadida alaabaha dukaanka uu ka shaqeeyo ku cammiran dhanka kale qalbigiisuna waxa uu jira dhanka Nasro xitaa marmar ayuu magaceeda ku hadaaqaa asaga oo aan is ogayn nasiib wanaag rukunkiisu ma fahmayaan afka soomaaliga ah oo marka uu Nasra ku yiraahdo waxay dhahaan “WHAT”asna waaba is dhaafiyaa oo shaqadiisa ayuu sii wataa marka uu fursad helana ama dukaanka la soo geli waayana taleefoonkiisa ayuu soo qaata asaga oo marna sawiradeeda Nasro daawanaya, marna fariimihii ay is dhaafsan jireen dib u aqriya xitaa marmar ayaa la arkaa asaga oo qoslaaya oo afka kala qaadaaya.

Saakay ayay ahayd markii saaxiibkiisa Xasan dukaanka ugu soo galay asaga oo qoslaaya cid la joogtana aysan jirin , markii Xasan waydiiyayay waxa ka qosliyayna, si dul mar ah ayuu uga jawabaabay waxuuna ku yiri: saaxiib Arrin hada ka hor I qabsatay oo maskaxdayda ka go,i waysay ayaan xasuustay marwalba oo ay igu soo dhacdana waan iska qoslaa , xasan ayaa yiri:saaxiib ayaantaan sidii hora ma tihide marbnaan wada fadhiisaynaa raggu waa kuwa farxada iyo murugadaba wadaagee waana isksii baxay Xasan.

Axmed waxa uu Koonfur Afrika yimid Seddex sano ka hor waxaa ka soo kaxeeyayay soomaaliya ina adeerkiis oo ah ganacsade dukaaman ku leh Koonfur Afrika, Axmed waxa uu ahaa inta uusan Koonfur Afrika soo gelin arday dhigta jaamacad ku taal Muqdisho caasimadda dalka soomaaliya, waxuuna dhammaystay sanadka koobaad(first year), waxa uuna ka soo baxay dugsiga sare ee SYL, Axmed waxa uu ahaa markii u dhiganayay iskuulka nin aad waxbarashada uga fiican, waxbarashadeana jecel, hammi sare iyo hiigsarana lahaa, macaliimiintuna aad u jeclaayeen, sidoo kale ardaydu aad bay u ixtiraami jireen maadama uu ah nin akhlaaqad wanaagsan masuulna ah, sidoo kale aad ugu fiican la dhaqanka dadka, macaliimiintu way ku xisaabtami jireen marka ay casharada dhigayaan, waxa uu ah arday aysan ku margan su'aal macalin waydiiyay, xitaa mar marka qaar haddii uu farta taago marka macalin su'aal ardayda waydiiyo macalinku waxa uu oran jiray Axmed adigu ii kaadi, xilliyada imtixaanaadkana waxaa kala balansan jiray ardayda, si uu u caawiyo oo uu casharadii ay soo dhigteen uga celiyo, maadama uu ah nin asagu casharada si wacan iskaga xifdiya waqtigiisa inta badana geliya aqriska casharadiisa.

intii uu ku jiray dugsiga sare midka dhexe iyo kan hoosaba wuxuu ka mid ahaa ardeyda ugu dhibcaha badan kaalinta sarena gala, Axmed meelaha inta badan uu joogi jiray ama haddii la waayo laga soo raadin jiray waxay ahaayeen masaajida iyo maktabaddaha, sidoo kale waxa uu ah wiil xaafadda uu degan yahay aad looga jecel yahay,afgaabni iyo ixtraam badana looga bartay, hooyadiis Maryan iyo abbihiis Calina waxay ahaayeen kuwo markasta u duceeya, kuna farxa, waxaa la oran karaa waxa uu ah duca-qabe ama ducaysane.

Axmed sidoo kale waxa uu aad u caawi jiray walaalihiis ka yaryar oo ah seddex gabdhood aadna uu u jecelaa, marwalbana waxa uu ku dhiirigelin jiray waxabarashda iyo dhowrsanaata, waxa uuna ka waanin jiray xumaan dhammaanteed, walaalihiisna ayaguna aad bay u jeclaayeen marka uu xaafadda yimaadna fadhiga ayay seddaxduba uga kici jireen waana u haanyoon jireen oo inta ka hor ordain ayay hab siin jireen, taasoo ahayd naxariis uu isagu gashaday wayna ku faani jireen.

Axmed markii uu jaamacadda bilaabay waxa uu ka mid ahaa ardaydii lacag la'aanta ku gashay, maadaama keenay buundooyinkii loo tartamayey ee lagu kasbanayey inuu ardeygu noqdo lacag la'aan. Jaamacadda markii uu galay waxa uu sii labanlaabey dadaalkiisii si uu sanadkaana kaalin wanaagsan u galo, haddii uu gaarona uu sanadka xiga ku sii dhigto lacag la'aan. dadaalkiisa waxa uu wataba waxaa la gaaray xiligii imtixaanaadka imtixaankiina waa u galay asaga oo weliba aad uga kalsoon in galo kaalin sare, waxaana la galay fasax, fasaxii markii laga soo laabtayna waxa la soo dhejiyay natiijadii imtixaanka, waxa uuna Axmed la kulmay wax uusan malaysanayan oo waxa uu arkay asaga oo imtixaankii   kaalintii uu rabay aan gelin, Axmed wuxuu hubey in uu dhankiisa buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu gelayey Kaalinta sare, balse, Axmed waxaa qiyaamay macallin ka mid ah macallimiinta oo darajooyin ka hoos mariyay arday ay isku hayb yihiin, Axmed waxaa ku adkaatay in uu sii wato waxbarashadiisa maadama uu ka soo jeedo qoys aan awoodin in ay ka bixiyaan jaamacadda ,waxa uuna la soo xariiray ninkaan hadda uu u shaqeeyo kana codsay in uu jaamacadda sanadkaan ka bixiyo ina adeerkiina waa meermeriyay, sababtoo waxa uu ogaa in uu yahay nin aamin ah,xoogna furan sidaa dartee waxa uu rabay in uu la shaqeeyo oo uu hantidiisa wax uga dhiibo, waxa uuna la soo hadlay ina adeerkiis aabbihii Cali wuxuuna u sheega in ninka Axmed ah uu u hayo shaqo abbihiina aad buu ugu riyaaqay soo jeedinta Yusuf Arrinkiina Axmed ayuu u bandhigay Axmed markii hore waa ka caga jiiday balse markii uu arkay xaaladda hadda uu ku sugan yahay Abbihiina dhinacyo badan wax ka tusay ayuu aqbalay sidaasuuna ku yimid Koonfur Afrika.

Axmed oo shaqadiisii iskaga jira ayaa taleefoonkii Nasra soo dhacay is waraysi yar kaddib waxay tiri qaali fiiri Farriinta aan kuu soo diray.

 

 W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

 

 

 


Post date: 2017-11-20 15:41:00
Post date GMT: 2017-11-20 15:41:00
Post modified date: 2017-11-20 15:41:00
Post modified date GMT: 2017-11-20 15:41:00

Powered by [ Universal Post Manager ] plugin. MS Word saving format developed by gVectors Team www.gVectors.com