Isbaheysiyada danleyda ah ee dunida ka jira kee baa inoo dana oo aan ku biirnaa?. (Dood furan).

Bashiir Cali Xuseen sawir

Isbaheysiyada danleyda ah ee dunida ka jira kee baa inoo dana oo aan ku biirnaa?. (Dood furan).

Soomaalidu sinji ahaan dhanka midabka waa dadka ugu quruxda badan dunida, waayo soomaalidu waxey leeyihiin midab dheeh madow iyo maarriin dhalaal isugu jira oo aan inta badan dunida inteeda kale laga helin geeska afrika un mooyaane, waxeyna soomaalida deris wadaag la tahay carab iyo afrikaanba, dabeecad ahaanna waa qowmiyad cid kastaba iskala qab weyn hankooduna uu fog yahay, laakinse waxaad moodda in ay aqoon la’aani fara ba’an ku heyso, dib u dhaca ku habsadayna ay taasi sabab u tahay.

Siyaasad ahaan iyo dhaqan ahaanba Soomaalidu waxey la wadaagtaa qaaradda afrika oo ah degaanka ay ka soo jeeddo, sidoo kale waxey ganacsi iyo diin wadaagba la tahay dowladaha ku bahoobay isbaheysiga carbeed ee iyagu aragtida ay ku dhaqmaan tahay ( daneysiga gaar ahaaneed ee ka horreeya tan walaalnimada ah, waxaa kale oo ay tixgeliyaan midabka cad iyaga oo hoos u dhiga qof kasta oo midab madow leh).

Muddo dhowr iyo labaatan sana ah ayey soomaalidu qax baahsan ku soo jirtay, waxey ku dhimatay dalkeeda gudihiisa iyo dibaddiisaba, waddamadii ay u soo hayaantayna waxey kala kulantay qab jabin iyo wax aysan geyn oo yasmo iyo liiditaan ah sida:- Dadkii carabaha u shaqa tagay waxey la kulmeen eray aysan walaalahooda muslimiinta ah ka fileyn oo ahaa ( Yaa cabiid ) kaasoo inaad aqbasho mooyaane aan jawaab kale laga bixin kareynin.

Dadkii waddamada afrikaanka u shaqa doontay, iyaguna waxaa la soo gudboonaaday dhibaato kale oo iyaduna yasmo un dugsaneysa taaso ah ( Carab is moode afrikaan ma tihid xaqna uma lihid inaad halkan joogto ee meesha isaga tag ama waa lagu dilayaa) taasoo ah midab takoor xag walba soomaalida uga yimid weliba qaarkood dab lagu qabadsiiyay qaarkoodna dhagax lagu dilay naftoodiina ay ku waayeen.

Soomaalidii yurub iyo ameerika u soo hayaantay ee saldhigatay meel sharci iyo kala danbeyni ay ka jirto, waxey mar kale dareemeen kalmad ay iska la weyn yihiin oo mar walba dhegahooda la maqashiinayo taasoo ah ( Neger ) waa eray qabka soomaaliyeed cudur ku ah iyo dhawaaq aan la qaadan karin.

Haddaba is weydiintu waxaa weeye maryooleey qabkeedu xaggee buu ku badbaadayaa, ma sidii qowmiyadaha kale ayaan aqbalnaa waxaanay dheguhu qaadan karin, mise waxaan heli karnaa hab kale oo qabdhowr ah oo aan dunida ku mari karno, kee baase inoo dan ah oo aan ku biiri karnaa isbaheysiyada danleyda ah ee dunida ka jira?.

Waa dood inoo wada furan oo aad fikirkaaga ka dhiiban karto, adiga oo ilaalinaya anshaxa qoraalka, isla markaana xaq dhowraya aragtida walaalka adiga kaa fikir duwan.

Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN