Laashin Iyo Hal abuur
http://laashin.com/?p=7021
Export date: Thu Dec 14 15:14:37 2017 / +0000 GMT

SHARWADE SHAARUB MIIQAN W/Q: Ismaaciil Nafyar


SHARWADE SHAARUB MIIQAN

Waagiisii hore wuxuu ahaa xerow xaadira xalqooyinka aqoonta diiniga ah. Waxa uu xamaasad aan xad lahayn u hayey jiibinta xadrada, waxayna u ahayd waxa kaliya ee uu ku xasilo, farxad aan xad lahaynna ku dareemo. Wuxuu aad u necbaa oo ka xajiimoon jiray fikirika Wahaabiga ah ee waddanka loo soo waariday. Wuxuu aad u daneeyaa goobaha doodaha diiniga ah lagu hayo, si uu u naqdiyo Wahaabiyada iyo fikirkooda. Waxa uu har iyo habeen walba dagaal af iyo addin ah la galaa Wahaabiyada.

Waxeey seejiyeen inuu saldhigto aqoon durugsanna u yeesho aqoonta diiniga ah ee Suufiyadu ka sal gaareen. Waxa uu u sacabo tumaa duridda iyo ceebaynta fikirka Wahaabiga ah. Waxa uu qarsan kari waayey carada iyo colaadda uu u hayo Wahaabiyada heer uu ka gaaray inuu ku shaabbadeeyo ruuxii gardheer iyo surwaal gaabanba inuu yahay sharwadihii uu ka digay Suubbanuhu NNKH, macnihii Khawaarij.

 

 

Caradaas wuxuu kala dul dhacay duul aan waxba uga bilaabmayn fikirka Wahaabiga. Ruux walba oo ka fikir duwanaada amaba dhaha waxaan ahay Islaami doonaya inaan isku xukunno diinta daahiran, wuxuu durbadiiba ruuxaas ku shaabbadeeyaa inuu yahay Wahaabi, isagoon hubsan dunta iyo dulucda daahsoon ee aaminaadda duulkaas. Nacaybkaas saldhigtay xididdada wadnihiisa wuxuu u kaashaday cid kasta oo u caraysan Wahaabiyada. Markaan waxaa jaal ay xogta is weydaarsadaan u noqday cilmaaniga. Waxeey geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleen garaafeynta kooxdaas.

Xerowgii waxaa si tartiib ah u saaqay afkaartii cilmaaniyadda jeer uu u xuubsiibtay cilmaaniyadda. Wuxuu dharaar cad caddaystay inuu yahay cilmaani. Cilmaaniyadeey maxaad ahayd? Cilmaaniyaddu waa kala saaridda diinta iyo nolosha si guud, si gaar ahaaneedse in la kala saafi yeelo diinta iyo siyaasadda. Taas macnaheedu waxaa weeye in diintu ku ekaato masaajidda iyo arrimaha ruuxiga ah, balse marka ay noqoto arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, hab fikirka shakhsiga ama bulshada, jihaynta wacyiga bulshada, maareynta nolosha, in aysan diinta boos uga bannaaneyn, taas baddelkeedana la adeegsanayo aqoonta sayniska iyo caqliga insaanka ayadoo aan loo eegayn waxani maku bannaan yihiin mise kuma bannaana sharciga Alle.

Xerowgii shalay markuu shiikhiisa hor fadhiyey madaxa foorarin jiray hoosna milicsan jiray, maanta waa asaga la murmaya, waliba kaaga darane ku tilmaamaya maafiyo-diimeed inuu yahay isla jeerkaana uusan mudnayn in lagu aamino masiirka ummadda iyo maamulka dawladnimo. Haddii aad shalay ku taqaanay inuu macaansado kuna xasilo jabinta xadrada, maanta waa asaga macaansanaya naftana ku maaweeliya bandhig faneedyada. Haddii uu awal aaminsanaa in dhibaatooyinka harreeyey dunidan wareertay, xalkiisu ku jiro Islaamka oo la aqbalo diin ahaan iyo nolol ahaanba, maanta wuxuu aaminsanyahay in Islaamku yahay mid duugoobey isla jeerkaana uusan la jaanqaadi karin noloshan casriga ah iyo inuu sabab u yahay in muslimiintu ay ka danbeeyaan ummadaha kale xagga horumarka. Ruuxii ku yiraahda “Waar Islaamka aynu u noqono”, wuxuu moodaa inuu dib ugu celinayo nolol wakhtigeedii qaadatay oo 1400 oo sano ka hor jirtay.

Haddii aad awal ku soo sooci-jirtey naceybka baaxadda leh ee uu Wahaabiyada u hayey, maanta intaas waxbaa u dheer. Wadaad iyo waranle, cirroole iyo carruur, rag iyo haween iyo qof allaalle iyo qofkii aaminsan in Islaamku xal u yahay dunideenna, wuxuu u hayaa naceyb aan noociisa horey loo arag. Wuxuu aaminsanyahay in Islaamku dunida ku soo kordhiyey colaad, cunfi, caadifad, caqli xirnaansho, naceyb, fawdo, iyo dib u dhac.

Wuxuu is moogeysiiyaa in Islaamku yahay naxariis, nabad, jaceyl, wax wada qabsi, walaaltinimo, is-xurmeyn. Indhihiisu waxeey arkaan uurdooxayaasha islaamiyiinta sheegta, ee ma arkaan Islaamku aas-aaskiisu yahay xorriyadda, nafta insaankana ku beera naxariis, jaceyl, akhlaaq iyo nabad lala jeclaado san-ku-neefle dhammaantii. Haddii uu awal xurmeyn jirey mad-habka Shaaficiyada iyo culimadooda, maanta wuxuu u haystaa ineey ahaayeen wadaado carbeed oo doonayey gumeynta caqliga Soomaalida, ayagoo ku mar-marsiyoonaya diinta. Ineey ahaayeen wadaado ku khasbaya dadka xeerar ku habboonaa 14 qarni ka hor.

Erey uu maqlo wuxuu ugu necebyahay “Wadaad” ama “Shiikh” amaba “Cullimo”. Markuu maqlo ereyadaas waxaa maankiisa kusoo degdega niman garar waaweyn, dadka gomodaha ku dhagan oo ku haya “Horey ha u dhaqaaqina, ha fikirinina, qayrkiin hala tartaminina, caqligiina gumeeya, wax gowraca, waxna gaaleeysiiya”.

Haddii aad awal ku taqaaney in miisaanku uu wax ku cabbiraahi yahay kitaabka iyo sunnada Suubanaha NNKH, maanta kii aad taqaanay ma ahan. Halbeegga uu wax ku cabbiraahi waa qaabka ay reer galbeedku wax u arkaan!! Wuxuu rumeysanyahay ineey naga caqli badan yihiin, naga ilbaxsan yihiin, naga aqoon badan yihiin, naga awood badan yihiin, naga fikir badan yihiin.

Sidaas darteed waxeey wanaag u arkaan, waa u wanaag isaga. Waxeey xumaan u arkaana waa u xumaan. Maadaama reer Galbeedku kala saareen diinta iyo dawladda, waa inaynu kala saarnaa. Maadaama reer Galbeedku laaleen qisaasta, waa in aynu laalnaa. Maadaama ay reer Galbeedku cidleeyeen kaniisadda, waa in anaguna aynu cidleynaa masjidka. Maadaama reer Galbeedku……………………………………………… Reer Galbeedku waa isha ugu weyn ee aynu ka qaadanayno nolosha iyo maareynteeda, isla markaana ku dayaneyno baa hal ku dhig u ah.

Haddii uu shalay garka la bixi jiray, shaarubkana xiiri jirey, maanta muuqaal kale baad ugu imaan. Waa asaga garka muluq ka dhigay, shaarub miiqan oo aad is leedahay malaha burukuu daystay. Garku waa astaanta colaadda iyo fawdada, shaarubkuna waa astaanta nabadda iyo kala danbaynta buu aaminsan yahay!!!

 

 

 

 

W/Q: Ismaaciil Nafyar

Email: ismahmet@gmail.com

Post date: 2017-11-20 22:01:38
Post date GMT: 2017-11-20 22:01:38

Post modified date: 2017-11-20 22:01:38
Post modified date GMT: 2017-11-20 22:01:38

Export date: Thu Dec 14 15:14:37 2017 / +0000 GMT
This page was exported from Laashin Iyo Hal abuur [ http://laashin.com ]
Export of Post and Page has been powered by [ Universal Post Manager ] plugin from www.ProfProjects.com