Buugga Cusub ee ” GUUSHAADA GO’AAMI”

 

Dhiganahan loogu waqlalay (guushaada go’aami) ee uu qoray Bashir Ahmed Suley ayaa ka hadlaya nolasha iyo sida qofku nolashiisa dhabaha guusha ugu hagi lahaa isaga oo raacaya talooyinka gundhiga ah nolosha iyo hanashada guusha ee uu qoraagu kaga hadlay buuga. Qof kasta sida uu u noolaanayo isaga ayaa dooran kara, kumana xirna wax la’aan iyo wax heysi toona, kaliya waa in qofku noloshiisa u qiimeeyo una qaabeeyo sida ugu qurxa, buugaan ayaadna ka heli kartaa qaabki aad guushada u go’aamin laheyd.

Buugaan wuxa uu diirada saarayaa 13 qodob oo ku xeeran qofka iyo noloshiisa iyo hanaanka hanashada guusha qofnimo, buugaan ayaa farta ku fiiqi doona Kalsoonida, jaceylka, sinaanta, kala aeagti duwaanta iyo arimo kale oo aad muhiim u ah. Buugan ayaa dhawaan lagu soo bandhigi doonaa magaalada kampala oo ah halka qoraagu ku nool iminka iyadoo sidoo kale lagaarsiin doono Soomaliya.

 

W/D: Bashiir Axmed Suuleey

SHEEKOOYIN