Dhagar iyo been dhaxalkoodu waa hoog. W/Q: Cabdullaahi M Siyaasi

 

 

 

 

 

 

Dhagar iyo been dhaxalkoodu waa hoog.

 

Habardugaag.

 

Sheekooy sheeko, sheeko xariir

 

Habar Dugaag (Libaax,Maroodi,Dhurwaa,Waraabe Dhigis,Dawaco,Weer ,Dabagaale ama Unreys iwm) ayaa waxay kulan ka yeelatay sidi ay u heli lahaayeen Ceel Biyo oo ay si joogto ah u cabaan,heshiis lagu wada yahay,cid walbana ay qodistiisa iyo hagaajintiisa wax ku darsato ,waa laysku raacay,heshiiskaas intaan ka ahayn Uunreys.

Keddib Habardugaag waa ka tashadeen Uunreys ,waxayna ku dhaqaaqeen in ay go’aankoodi hawl u beddalaan. Ceelki waa la qoday,waxaana laysla gartay in laga ilaaliyo Uunreys oo uusan biyo ka cabin ceelkaas maxaa yeelay isagaa hore uga biya diiday inuu wax ku darsado,weliba isaga oo ah noole ku fiican dhul qodista.

Habardugaag waxaa war ku soo gaaray in Uunreys uu si dhuumaaleysi u cabo biyaha Ceelkoodi idin la’aantood.Arrintaa cara badan ayaa ka dhalatay ,keddibna waxay Habardugaag kulan kale ka yeesheen sidi ay Uunreys uga ilaalsan lahaayeen ceelkooda,waxayna isla garteen in habeen walba ilaalo la saaro Ceelka kolki uu habeenka madoobaado

Habeenki koowaad waxaa Ceelki ilaalo ka noqday Maroodi,waxaana goor danbe ,habeen barki keddib u yimid Uunreys, Salaan keddib waa lays warreystay ,Maroodina wuxuu Unreys u sheegay in uunan waqti isaga dhumin la jirkiisa iyo sheeko,ogaadana in uunan biyo ka kabaneyn Ceelka isaga oo Ilaalo ka ah, Uunreyskina wuxuu Maroodiga ku yiri, Maroodiyow war ma heysid,Ceelkan laba,saddex ,afar ilaa iyo toban ceel ayuu noqonayaa haddii aan kuugu xirxiro Xarigan aan saloogay aniga , waaga haddii uu baryana waxaa asxaabtaada(Habar Dugaag) u sheegeysaa in aad Uunreys ceelki ka celisay,una diiday Biyihi ,iyagana aad ku soo kordhisay toban Ceel oo iskood u qodmay hawl la’aan ,kolkaasna waa ku abaal marin doonaan ,haddii aad sidaa yeesho ,Maroodiga waa rumeystay sheekadi Unreyska,wuuna aqbalyay in la xiro si ay ceelasha u bataan, Uunreyskina kolki uu xirig la helay Maroodiga ,si fudud oo dhib la’aan ah ayuu biyihi u cabay ,balsa cabisti wuxuu raaciyay inuu habardugaag ka duugo ceelki ay qodistiisa ku dhibtoodeen.

Habar dugaag kolki ay ceelki yimaadeen subaxdi,waxay indhaha ka wada qaadeen Maroodi oo ku xiran meel aan ka dheereyn Ceelka ,Ceelkina laga duugay.

Yaab keddib Waxay Maroodi weydiiyeen siday wax u jiraan,wuxuuna u sheegay sheekadi ku dhacday mid ka duwan ,wuxuuna Habar Dugaag ku yiri ,waa lulooday ,waxaana saakay ku soo toosay aniga oo sidan u xiran ,Ceelkina duugan yahay ,mana garanayo cid sidaa i yesshay.

Habardugaag iyaga oo aad uga careysan dhibka loo geystay Maroodiga iyo guud ahaan iyaga oo dhan ayey mar kale Ceelki qodeen,waxayna habeenki labaad Ceelki ilaalo uga dhigeen Libaax oo yara lagu tuhmayay inuu ka dhiifoon yahay Maroodiga,kana fudud yahay.

Libaax waxaa habeen barki keddib u yimid Uunreys ama Dabagaale oo aan is qarineyn ,salaan keddib wuxuu Libaaxi ku yiri, Ow Libaax war ma ku siiyaa,Libaaxi Maya ayuu Uunreyski ku yiri ,wuxuuna Unreys u sheegay inuu halkaa u fadhiyo in uu isaga ka ilaalsho in uunan ceelkan biya ka cabin,iskana tago ,Balsa Uunreys wuxuu Libaaxi ku yiri ,ka waran haddii aan kuu sheego wax Berri kuu fududeeyo in aad orad la’aan Hilib ka dheregto,Libaaxi ayaa yiri ,war waa sidee? ,sidee orad la’aan ama dadaal la’aan hilib i dherjiyo lagu heli karaa? Unreys wuxuu yiri: Waa fudeyd ,xarigan ma aragtaa, haddii aan kuugu xiro wuxuu kuu fududeynayaa in berri aynan Ugaarta kaa ordin ,isuna kaa dhiibaan si fudud, Libaax war sidaa haddii ay tahay ,igu xir ayuu Libaaxi yiri, Unreyski wuuu xiray Libaaxi,Biyihi waa ka cabyay Ceelki ,keddibna waa duugyay Ceelki.

Habar Dugaag kolki ay subixi ceelka yimaadeen waxay arkeen Ow Libaax oo u xiran sidi Maroodiga iyo ceelki oo duugan,waxay warreysteen Libaax,Libaaxina uma sheegin sida wax u gaareen ,wuxuuna yiri waa lulooday ,waxaan soo toosay saakay ,aniga oo sidan u xiran ,ceelkina duugan yahay,umana sheegin in ay Uunreys is arkeen ama xalay saqdi dhaxe keddib u yimid ,wuxuu maray jidki Maroodiga.

Dhawr habeen oo isku xigo sidi si la mid ah ayuu yeelay Unreys ,mid walba oo Habardugaag ka tirsan oo ilaalo looga dhigo ceelka,wuxuu u sheegaa wax raali geliyo naftiisa ,keddibna wuxuu ku qabiraa Xarig ,ceelkana ka duugaa,iyagana waa Habardugaage subaxdi kolki ay u yimaadeen ilaaliyihi xalay oo xiran iyo Ceelki oo laga duugay waxay dhegeystaan isla sheekadi ay u sheegeen Maroodi,Libaax iyo inti uga dambeysay Ilaalinta ceelka mid la mid ah, ilaa ay Dawaco ku tiraaa Habardugaag, caawa aniga ayaa ilaalinayo Ceelka ee ii daaya ,waana iga balan in aynan dhaceyn in lay xiro ceelkana laydinka duugo, Dawaca Waa laga aqbalay codsigeedi,waxaana loo xil saaray inay ceelka ka ilaaliso Uunreys iyo in ay aynan luloon oo xarig lala helin sidi xayawaanki ka horreeyay la yeelay dhammaan.

Dawaco waxaa sidi caadada ahayd ,habeen barki keddib u yimid Uunreys(Dabageele) oo gaatamayo,rabana in uu Dawaco siro ,una been guuro ,wuxuuna is-wareysi iyo Salaan keddib ku yiri waxaan kuu haayaa talo kuu fududeyneyso in aad si gaar ah ula saaxibto Libaax,Libaaxna ku qasbeyso inuu kaa jeclaado Habardugaag oo dhan ,ugaarta uu soo dishana inuu qeyb xooggan kaa siiyo ku qasbeyso, Dawaco waa la ahaan weysay waxa loo sheegay ,waa kala badbadatay, waxayna Uunreys ku tiri ,bal ii sheeg saaxib ,laakin ha ahaato adiga oo i weydiisanayn in aad ku bedalaneyso cabitaanka Biyaha Ceelka .war maxaan Biyo ka rabaa,sow ma ogid in aan kaligay Ceel qotay,kuna fiicanahay qodista dhulka,balsa adiga waxaad ku jirtaa xayawaanka kuwa caqliga kaashado oo dantooda yaqaan,sidaana waa kuugu jeclahay,Dawaco waa sugi-weysay taladi Unreys ka dhawaajiyay ,waxayna tiri; waa maxay talada lagu gaari karo in Libaax qeyb iga siiyo Ugaarta uu disho dhib la’aan, intaa Keddib kolki Unreys arkay in Dawaco jilacday ayuu ku yiri ,waxaa ka horeeyo in aan kuugu xiro xarigan ,horana aan ugu wada xiray Habardugaag oo dhan ,waxaan u sheegayna mid walba uu helay,mid walbana qarsaday oo uunan idiin sheegin, kolki halkaa uu marayo Unreys ,Dawaco waa aqbashay in la xiro,Unreys isagana waa xiray Dawaco.

Balsa waxaa Unreys ku yimid arrin uunan xisaabta ku darsan ,kolki uu damcay in uu ka biyo cabo Ceelka ayuu wuxuu ku joogsaday Berkada Ceelka ,waxaana luagihi yar-yaraa kaga dhagay Xabag ay Dawaco marisay Berkada ,iyada oo ka tabaabusheystay haddii ay dhacdo in la xiro ,sidi loo xiraba ,in aan Ceelka Biyo laga cabin ,ciddi isku daydo ka cabistiisana in ay Xabagtaas qabato.

Habar-dugaad waxay Subaxdi ceelka ugu imaadeen Dawaco oo xiran iyo Unreys oo ay lugaha kaga dhegan tahay Xabagti ay Dawaco marisay Berkada ceelka.

Keddib waa lays wareystay,waxaana kashifantay sida Uunreys uga caqli badiyay Habargugaag,biyahana uga cabay,laakin dhacdadan waxay ugu dambeyn bannaanka soo dhigtay Beentiisi iyo beenti habardugaag dhammaan.

Uunreys waa la xukumay, laakin weli Habardugaag kama heshiin in ay isku maaweeliyaan Been cad oo aanan soconeyn sidi——-

Qore.Abdallah Moallim Mahamud

 

SHEEKOOYIN