Waddada Suubban: Q13AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q13AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Fadliga gaajada kugusoo gaarta Alle dartiis.

Hormadaanu waxay toos u la xariiraa kii aan jimcihii hore soo qaadannay.

Abuu Umaamah ( A.K.R) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ina aadanoow dadkaa loola jeedaaye haddii aad bixin lahayd wixii kaa dheeraad ah khayrbay kuu ahaan lahayd, haddii aad haysataannna Sharbay idiin noqon doontaa. Cidi kooma raacan doonto xoolihii aad haysataa wixii aan dheeri ka ahayn baahidaada, Hor iyo horraanba deeqdii Eebbe ku siiyay ku biil reerka iyo carruurtaada iyo wixii masruufkoodu ku saaran yahay oo adiga kugu tiirsan Eebbe sokadii. Tirmidi wuxuu yiri: waa xadiis xasan ah oo saxiix ah,

Cubaydullaah ibn Muxsin Al-Ansaari al-Khudmi ( A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii maalintu ugu dhammaato asigoo nabad haysta iyo caafimaad dhan oo nolol maalmeedkiisiina haysta iyo raashinkii maalintaa, wuxuu la mid yahay asigoo Adduunyadii iyo wixii ay ka koobnayd oo dhan loo kulmiyay.(Tirmidi wuxuu yiri: waa xadiis Saxiix ah).

Cabdullaah ibn Camar ibn Al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii islaama, oo la siiyay risiq uu ku noolaado in ku filan oo baahidiisa awdi kara, qaneecana ku qaba waxaa Eebbe siiyay, wuxuu gaaray guul iyo Liibaan. (Muslim).

Abuu Muxammad Fazaalah ibn Cubayd Al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: Bishaaro iyo war farxad leh waxaan siinayaa qofkii islaamay, oo shaqaystay wixii uu ku noolaan lahaa in ku filan oo dabooli kara baahidiisa, qaneecana qaba. (TIRMIDI wuxuu yiri: waa xadiis xasan ah macnaha saxiix ah).

Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu ka sheegay baahi daran dhowr habeen oo isku xiga, Reerkiisuna ma haysan xitaa wax ay ku casheeyaan, guud ahaanna raashinkoodu wuxuu u badnaa rooti qamadi laga sameeyay. (Tirmidi).

Fasaalah ibn Cubeyd Al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: mararka qaarkood markuu Nabigu (S.C.W.) dadka tujinayo rag ka mid ah asaxaabtii Sufah ayaa ka dhici jiray istaagga iyagoo salaadda ku jira gaajo daran darteed. Reer miyiguna waxay moodi jireen inay waalan yihiin. Nabiga (S.C.W.) markuu salaadda ka baxo ayuu inta u tago dhihi jiray: haddii aad ogaan lahaydeen waxa idiin jira Eebbe agti, kor ahaaye oo abaal iyo deeq ah, waxaad sii jeclaan lahaydeen inaad sii gaajootaan oo sii faqrisaan. (TIRMIDI) Fiiro gaar ah: Asaxaabtii Sufa, waa qolo asxaabtii Rasuulka ka mid ahayd ee aan hoy, iyo hanti, iyo Hu’ iyo Hunguri iyo reer toona laheyn. Waxay ku noolaayeen deeqda Eebbe, degganaayeenna deerka Masjidka Nabiga (S.C.W.) waxay tiradoodu ahayd Toddobaatameeyo ama ka badan ama ka yar. Waxay ahaayeen rag saalixiin ah Iyo kuwa mar walba salaad ku mashquulsan iyo fulinta amarrada Eebbe. Waxay ku noolaayeen waxyaalaha la iska siiyo iyo sadaqada.’

Abuu Kariimah al-Miqdaad ibn Macdiikariib (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: Qofi ma buuxiyo weel ka shar badan calooshiisa. Sidaa aawgeed iska jira dheregta xad dhaafka ah Qofkana waxaa ku filan dhowr cantuugo suu dhabarkiisu u toosnaado. Haddii uu doonayo qofku inuu buuxiyo calooshiisa waa inuu u qaybiyaa calooshiisa Seddex meelood meel cunto ha ugu talagalo, labada meel ee hartay meel cabitaanka ha ugu tala galo. Meesha hartana marnaan ha uga tago neefsi fudud awgeed.’ (Tirmid).

Abuu Umaamah Iyaas ibn Saclabah al-Ansaari AL-Xaarisi (A.K.R.) wuxuu yiri: maalin asaxaabta Nabiga (S.C.W.) ayaa waxay soo hadal qaadeen xaalka Adduunyada nabigoo la jooga. Markaasuu Nabigu (S.C.W.) yiri: miyaydnaan maqal, miyaydnaan garan in ka tegedda nolosha fudud iyo raaxadu ay iimaanka ka mid tahay, shaki li’i ka tagidda dhalanteedka adduunka iyo dhaldhalaalkeeda beenta ah waa astaan iimaan muujinaysa. (Abuu Daa’uud).

Abuu Cabdullaah Jaabir ibn Cabdullaah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W.) uu mar diray ciidan madaxna uu uga dhigay Abuu Cubaydah (A.K.R.) si ay ugu duulaan safar ay Qureesh lahayd oo badeecad sida. Wuxuuna na siiyay Nabigu (S.C.W.) Kolay timir ah inta wax kale noo waayay. Abaanduullaheenni Abuu Cubaydah (A.K.R.) wuxuu na siin jiray xabbad xabbad timir ah maalintiiba saad ahaan. Markii la waydiiyay sida ay ugu noolaayeen taa saadka ah xabbaddaa timirta ah maalintii qof waliba, wuxuu ku jawaabay: waan muud muudsan jirnay sida ilmo nuugaya naaska hooyadii xoogaa biyo ahna ka daba cabi jirnay. Arrintaa waxay nagu caawisay inaan maalintaa is dhaafinno. Sidoo kale waxaan ku jafi jirnay caleemaha geedka khabadka ulahayna oo ku qoyn jirnay biyo, cunina jirnay Ugu dambeyntii waxaan soo gaarnay xeeb badeed, markaa ayaa waxaa noo muuqday wax aad moodid bacaad karooran oo xeebta yaal. Markaan u tagnay waxay noqotay nooc ka mid ah kalluumada waaweyn sida Nimiri oo la yiraahdo “Cambar” Abuu Cubeyda (A.K.R.) wuxuu yiri: Waa baqti, cunitaanka hilibka waxa baqtiyayna waa xaaraan, laakiinse markuu yara fikiray ka dib wuxuu yiri: waxaa noo soo diray muhiimadaan Rasuulkii Alle (S.C.W.) rag jidkii Eebbe u soo baxayna waa nahay iyo jihaad oo dhibaataysan. Duruufta ayaa idin qasbaysa, sidaa awgeed xaaraan idinkama aha, waadna cuni kartaan. waxaan innagoo ahayn seddex boqol oo nin ku noolayn bil ilaa aan ka cayilnay oo hilib iyo xoog noo kordhay. waxaanna ka dardarsan jirnay subag badan i sheeda, oo hadba kasoo goosaneynay hilibyo waaweyn oo dibi la’eg waynaan intay ka qabaan. Mar Abuu Cubaydaa saddax iyo toban nin inta naga saaray ayuu wuxuu fadhiisiyay godka isheeda. Marna intuu feerihiisii mid ka mid ah toosiyay ayuu ratigii ugu dheeraa ka hoos dusiyay. Markii aan Madiina soo gaarnay ayaan u nimid Nabiga (S.C.W.) oo aan uga sheekeynay kalluunkaan ama nibirigan wuxuu yiri: taasi waxay ahayd risiq Eebbe uu idiin soo bixiyay inaad raashimataan. Haddii aad wax ka haysataan hilibkeeda, ina siiya aan cunnee? Dabadeedna waxbaan uga keennay Nabiga (S.C.W.) waana uu cunay.’ (Muslim).

Asma bint Yaziid (A.K.R.) waxay sheegtay in gacmaha shaarka Nabiga (S.C.W.) ay u joogeen oo kaliya ilaa iyo jalaqleyda. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi).

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN