Hammi caashaq iyo hungo been ah Q6AAD W/Q: Cabdisalaan M Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q6AAD

Axmed intii Xasan hadalka waday oo dhan qalbigiisa waxyaabo cusub ayaa kusoo dhac dhacaayay, oo ay ugu horrayso in uu Najma si wacan u xaal warraysto waxbadan oo Nasro ku saabsana ka xodxoto, Nasrana uu ka codsado in ay ehelkeeda is barto lana xariiro , Xasan ayaa arkay Axmed oo isla maqan jadbaysana, madaxana ruuxaaya, lana moodo in faleenbo ow ku raaxaysanayo ay suran tahay, Xasan waxa uu ku adkeeyeya saaxiibkiis Axmed in uu howsha guddda galo uusana ka labalabayn.

Axmed oo intii xasan hadlaayay aan juuq dhihin haddana hadal u hammuun qaba ayaa Xasan ku yiri: “waxaad tahay saaxiib talo wacan oo wax ku ool ah had iyo jeeralaba I siiya, mana dhicin weli inta aad talo I siisay in aan taladaas ku khasaaro, waxaad ii noqotay Walaal iyo aabbe, marar badan waxaan xasuustaa markaan arko ama aanba si mug leh talooyin kaaga u dhuuxo ducadii hooyaday ee ay maalintii aan xamar ka soo baxaayay iigu ducaysay oo ahayd,’illaahay dadka hooyo iyo aabbe ha kaaga dhigo Axmadow”.

Waxaan aamminsanahay weliba aan si xeeldheer u rumays nahay in ducadii hooyaday la ii aqbalay, tan kale ma garanaayo wax aan adi kuugu abaal gudo, intaas markuu yiri ayaa Xasan ka soo dhex galay hadalkii si degdegana ahna ugu yiri intaas iyo in ka badan waad mudan tahay waxaad tahay ruux talo la siiyo midkii ugu wacnaaye ee khyar baan ku dhaafay waa I noo mar kale saaxiib ogowna in aan kula jiro waqti walba.

Axmed waxa uu galay faallo dheer iyo fikir aammusnaan ah arrimo badan ayuu rog rogay waxa uu is waydiiyay habka ugu fudud ee uu haasaawahan u soo afjari karo iyo habka ugu dhow ee uu Nasro warbixin ku saabsan xaalad nololeed keedii hore iyo kan hadda ay ku sugan tahay u heli karo, uguna bandhigi karo in ay guri wada dhistaan waqtigaan la joogo.

Tallaabadii koobaad ee uu qaaday waxa ay noqotay in uu Najmo la xariiro, si hoosana uga xaal warrayto Nasra si sarbeebaysan, markii ugu horraysay is bariidin yar kadib waxa uu waydiiyay Najmay in ay ogtahay iyo in kale in uu guursanaayo, waxa uu na ku yiri:Najma ma ogtahy in aan Nasro aroosi rabo, oo aan u soo qalab qaatay?

Najma ayaa ugu jawaabtay walaal ma ogi balse waa khayr soo kordhay, laakiin ma ayadaa Nasra ii sheegtayba?

Markaasbuu haddan ku yiri:oo weli kuu may sheegin miyaa??

Walaahi walaal waxba iima aysan sheegin maalmahaana isma aragno ee sheekada iiga dhac?

Axmed ayaa yiri:waan kaaga dhacayaa balse in ay saaxiibadaa ku sheegto ayaa wacneyd?

Najma ayaa Axmed ugu war celisay walaal taasi waxba ii sheegi maysee waa qabriye adigu arrinka iiga warran, sababtoo ninkii hore ee ay kala tageenba iimay sheegin markay guursanaysay iyo markii ay kala tageenba e, ayadoo la leeyahay waa la guursaday unbaan arkay haddanana waxaan maqlay ayada oo laysla dhexmaraayo waa la furay e.

Markay Najmo intaas tiri Ayaa Axmed hadal ugu danbaysay cabbaar ayuu aamusnaa hadal dhana waa ka soo bixi waayay, ilaa ay Najma dareentay in uu naxay kuna tiri walaal maxaa ku helay Axmed Inta soo baraarugay ayuu halmar cod daciif ah ku yiri: oo walaal miyay Nasro horay usoo guurstay waaba aan mooganaaye ?

Najma oo yaaban ayaa ku tiri: Walaal ha igu ciyaarin waad og tahay in Nasro laba nin soo fureene,oo ay weliba kii hore wiil u dhashaye wiilkiina ka dhintaye!

Mar kale ayaa Axmed waran debbaysan qalbiga looga dhuftay waa saaqmay dawaqay, qalqalay, qalbigu ruxmay si kalana noqday, is hiifay is canaantay, ayuu Najma ku yiri walaashay caawa ayaan ku soo wacayaa si wacan ayaa iskaga war qaadi doonaaye.

Jacaylkii Axmed uu qabay Nasra haddi uu markii hore diiranaa hadda waa qaboobay, haddii uu udgoonaana waa sunyucay, wuxuuna u muuqday nin han jabay, balse waxa uu qalbiga iska yiri ha degdegin oo wax hubso una dhaba gal warka Najma jiritaankiisa, dhanka kale waxa uu isku maaweeliyay in aysan dhib lahayn haddii Nasro horay u soo guursatay. Balse waxa uu aad ula yaabay oo maskaxdiisa ku wareegeysay arrintan.

La soco qaybta kale.

W/Q; Cabdisalaan M Xirsi

 

 

SHEEKOOYIN