Waddada Suubban: Q14AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada Suubban: Q14AAD. W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gaajada kugu soo gaarta dal Alle, 

Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: waqtigii dagaalkii kooxihii isbahaystay asxaabtii waxaa sidoo kale la yiraa dagaalkii Godka. waxaan qodaynay dhufeys; annagoo dhufayskii qodaynana waxaan soo gaarnay gebi dhagax adag oo qof dhaqaajin karaa la waayay. Nabiga (S.C.W.) aa loo sheegay wuxuuna yiri: anaa gelaaya Godka oo arkaya gebiga. Markaasuu istaagay, oo goortaana aragnay inuu ku xirtay dhagax si uu uga hortago xanuunka gaajada calooshiisa korkeeda. Annaguna sidoo kale wax ma dhadhamin seddex maalmooddii u dambaysay. Nabigu (S.C.W.) gerweyntii ayuu inta qabtay ku dhuftay, markaasuu dhagaxii noqday sida bacaad jilicsan oo kale. Jaabir wuxuu sheegay inuu fasax ka qaatay Nabiga (S.C.W.) oo gurigiisii aaday wuxuuna xaaskiisii ku yiri: waxaan kusoo arkay Nabiga (S.C.W.) xaalad aanan dhowra karin sinnaba ee ma haysa wax afka la gelin karo? Waxay ku jawaabtay: waxaan hayaa qamadi waxaa sidoo kale noo joogta waxar yar. Aniguna is la markiiba waxartii ayaan bireeyay qamadigiina waa la shiiday; markaasaan ku ridnay hilibkii digsigii oo karinnay markii uu maraqii diyaar noqon rabo, qamadigii la shiidana la rifaaqay oo in laga dhigo u diyaar ah muufo ayaan Nabiga (S.C.W.) usoo naqday oon ku iri: waxaan hayaa xoogaay cunno ah Rasuul Alloow (S.C.W.) ma na keenaysan fadlan adiga iyo nin kale ama laba si aad usoo cuntaan? Wuxuu i waydiiyay: intee qof ayuu ku filanyahay? Waana u sheegay. Wuxuu yiri: waxaa fiicnaan lahayd inay rag badan kasoo qayb galaan. U sheeg haweentaada inaysan ka dejin digsiga maraqa debka, muufadana tiinaarka ka bixin ilaa aan ka imaado. Dabadeedna wuxuu Nabigu (S.C.W.) ku yiri: muhaajiriintii iyo ansaartii ina kacsha! Jaabir wuxuu yiri: waxaan u tegay xaaskaygii oo ku iri: barako Alle iyo barwaaqo ku heshaye! Nabigii (S.C.W.) Iyo muhaajiriintii iyo ansaartii iyo kuwa kale oo la socda ayaa imaanaya halkaan. waxay tiri: oo soo kuma weydiin raashinka aan hayno? Waxaan iri: haa wuu i waydiiyay Nabiga (S.C.W.) oo markaa yimid ayaa wuxuu ku yiri asaxaabtiisa: soo gala oo ha is cariirina. Nabigu (S.C.W.) wuxuu billaabay inuu muufadii jarjato oo hilibkii korka ka saar saaro. Wuxuu ka qaadanayay maraqa digsiga, muufadana tinnaarka, haddana daboolayay markuu wax kala baxo oo raggiisii mid mid u siiyo, sidaas ayuuna ku weday ilaa ay wada dhergeen, waxna soo hareen. Dabadeedna wuxuu ku yiri xaaskayga: adna intaan wax ka cun qaarna u hadiyee dadka dariska kula ah maxaa yeelay gaajada iyo abaartu iyagaba waa saamaysay. (Muslim).

Werin kale ayaa waxay leedahay: markii dhufayska la qoday ayaan waxaan ku arkay calaamado gaaja xun ah oo Nabiga (S.C.W.) ka muuqato. Markaasaan u imid haweentaydii oo aan waydiiyay haddii ay ku hayso wax la cuni karo guriga waayoo waxaan ku arkay calaamadihii gaajada wajiga Nabiga (S.C.W.) waxay iisoo bixisay kolay suus qamadi ah ku jiro; waxarina waa noo joogtaa sidoo kale ayay tiri: waxaan gowracay waxartii xaaskeyguna waxay shiidday qamadigii si muufo looga dhigo, dabadeedna waxaan jar jaray hilibkii oo ku riday digsigii lagu karinayay. Markaasaan waxaan isu diyaariyay inaan u laabto Nabigii (S.C.W.) markay xaaskeyga igu tiri: fadlan Nabiga Alle ha igu ceebayn iyo asaxaabtiisa. Sidii ayaana ku tegay markii aan u imidna Nabiga (S.C.W.) hoos baan ula hadlay oo iri: Rasuul Alloow waxaan qalnay waxar noo joogtay suus qamadi ahna waa shiiday ee adiga iyo dhowr qof ina keena.’ Laakinse Nabigu (S.C.W.) arrintii shaaca ayuu ka qaaday oo kor wuxuu ugu dhawaaqay: war dadka godka joogoow, Jaabirbaa marti qaad iyo xaflad saneeyay ee ina keena aan marti qaadka aadnee; isagoo ila hadlayana wuxuu igu yiri: digsiga dabka ha ka qaadina, muufadana ha dubina jeer aan idiin imaado.’ Markaasaan gurigii imid Nabiguna (S.C.W.) Igu soo xigsaday isagoo dadkii hor kacaya. Xaaskaygii ayaa waxay igu tiri: sharaf xumey tani kuu keeni doontaa. waxaan iri: waxaan falay oo kaliya waxii aad ii sheegtay. waxay keentay cajiinkii markaasuu Nabigu (S.C.W.) ku tufay oo barako ugu duceeyay, digsigiina intow aaday ku tufay oo barako ugu duceeyay, dabadeedna wuxuu yiri: u yeero mid ka mid ah haweenka muufada duba, oo ha kula dubto, oo ha ka shubto maraqa digsiga, asigoon dabka laga qaadin. Dadkii meesha isugu yimid kun qof ayay ahaayeen. Alle ayaan ku dhaartaye dhammaan intay wada cuneen ayayna ka tageen digsigii oo wali wax ku hareen. Ama digsigii oo sidiisii hore u buuxa, cajiinkiina sidiisa loo dubaayo.

Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu weriyay in Abuu Dalxa (A.K.R.) ku yiri: xaaskiisii Umm Sulaym (A.K.R.) waxaan arkay Nabiga (S.C.W.) oo hadalkii dhib ku ah waxaana filayaa inay tahay gaajo darteed ee wax uun cunto ah ma haysaa? Waxay tiri: haa oo waxay soo saartay dhowr xabbo oo muufo ah, waxayna gees uga xirtay masar ay laheyd oo ku laalaabtay oo inta hoosta ii galisay ayay ii dirtay Nabigii (S.C.W.) markaan u qaaday Nabiga (S.C.W.) waxaan u tegay isagoo masjidkii ku jira oo dad kale la joogaan. waxaan istaagay agtooda, Nabiguna (S.C.W.) wuxuu i waydiiyay: ma waxaa ku soo diray Abuu Dalxa? waxaan iri: haa wuxuu i waydiiyay: ma waxaad noogu yeereysaa raashin? Waxaan iri: haa Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku yiri asaxaabtii: ina kacsha aan tagnee. Iyagii oo dhanbaa aaday gurigii Abuu Dalxa. Aniguna intaan kasoo hor maray ayaan Abuu Dalxa u imid oo u sheegay wixii ka dhacay masjidka. Wuxuu u yeeray Umm Sulaym oo ku yiri: Umm Sulaymaay Nabigu (S.C.W.) wuxuu la yimid dad fara badan, wax aan siinnana ma hayno. Waxay tiri: Alle iyo Rasuulkiisa way la socdaan arrintaan oo kama qarsoona . Abuu Dalxa Nabigii (S.C.W.) ayuu u tegay oo gurigii wada galeen. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Umm Sulaymeey keen wixii aad hayso, markaaseey muufadii keentay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu amray in la jar jaro markaaseey ku shubtay muufadii xoogaay subag ah oo ku jiray jeeg, si ay dhadhan iyo macaan u yeelato. Dabadeena Nabiga (S.C.W.) ayaa Alle barako uga baryay cuntadii dabateena wuxuu yiri: U yeera toban qof inay soo galaan oo cunteeyaan. Abuu Dalxa ayaa markaa intuu kacay oo debadda aaday toban qof ka keenay oo gudaha soo galiyay. Intay yimaadeen oo wax cuneen illaa ay ka dhergeen ayay baxeen. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: u yeera toban kale inay soo galaan. Abuu Dalxa sidaas ayow ku keenay toban kale oo iyaguna sidoo kale inta wax cuneen ayay baxeen. Nabigu (S.C.W.) wuxuu haddana yiri: u yeera toban kale inay soo galaan oo cunteeyaan, sidii ayaana la yeelay. Sidaas ayaana arrintii ku socotay ilaa qof waliba wax cunay oo dhergay. Tirada guud ee martida waxay ahayd toddobaatan ama siddeetan. (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale ayaa waxay leedahay: markii martidii oo idil cunteeyeen, haraagii cuntada ayaa la isku duway mise sidii awal ayuu u badanyahay. Werin kale baa iyana ah: ilaa siddeetan nin ayaa toban toban u cunteysay, markii ay bogeenna Nabiga (S.C.W.) ayaa cunay iyo reerkii guriga lahaa, walina in kale aa sii hartay oo laga tegay.
Werin kalena waxaa kusoo arooray: in badan ayaa soo hartay oo laga tegay taa oo loo qaybiyay dadkii deriska ahaa.
Werin kale oo is la Anas (A.K.R.) werinayo ayaa waxay iyana leedahay: waxaan u tegay Nabiga (S.C.W.) maalin isagoo markaa ka fa dhiya asaxaabtiisa oo ku xirtay maro calooshiisa. Markaasaan waydiiyay nin goob joogayaashii meesha ka mid ahaa: muxuu Nabigu (S.C.W.) ugu xirtay marada calooshiisa? Waxaa la ii sheegay inay gaajo awgeed tahay. Waxaan u tegay aabbaheey Abuu Dalxa, waxaana iri: Aabbe waxaan arkay Nabiga (S.C.W.) oy ku xirantahay calooshiisa duub; markii aan asaxaabta waydiiyana waxay yiraahdeen: waa gaajo. Abuu Dalxa hooyadeey ayuu u galay oo waydiiyay: ma haysaa wax la cuno? waxay tiri: haa waxaan hayaa dhowr xabbo oo muufo ah, iyo xoogaay timir ah. Haddii uu Nabigu (S.C.W.) kaligii noo yimaado way ku filnaa laheyd, haddiise cidi la socoto, way ku yaraanaysaa oo raashinku kuma filnaan doono. Xadiiskii oo dhanna waa uu sheegay!”

W/D/ Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

 

 

SHEEKOOYIN