Home Qoraallo Samafal horaa dib kaa soora Q1AAD W/Q: Cabdullaahi M. Siyaasi

Samafal horaa dib kaa soora Q1AAD W/Q: Cabdullaahi M. Siyaasi

35
0
SHARE

Samafal horaa dib kaa soora Q1AAD

Aroorti marki uu waagu baryo , sida faldhaqanka u aheyd bulshada Soomaalida guud ahaan, gaar ahaane reer Muqadishu waxaa lagu wada kallahaa Shaqo dowlo, Xoogsi, Ganacsi, waxbarashada qeybaheeda kala duwan iyo hawlo kale oo faro badan oo ay ka mid tahay agaasinka hawl guriyeedka.

Faadumo Xaashi oo reer Kaamba Amxaara ah(Degmada Cabdulcasiis) da’deedana hilaadi tahay gu’geedi 13aad ama bilawga gu’ga 14aad, waxay ku jarmaaday Dugsiga dhexe oo ay ka dhiganeysay Dugsiga H/dhexe ee iskool Bilaaja carab ama marki dambe loo yaqiin Iskool Shibis ,sannad dugsiyadeedku waa 1973ki, Isla sannadkaa waxaa billawday ama dowladda  hirgilisay in ay fasalka wada fadhiistaan Gabdhaha iyo wiilasha.

Wasiirka waxbarashada waxaa waqtigaa ahaa Korneyl: Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar oo ka tirsanaa Golaha sare ee kacaanka, wuxa uuna isla sannadki 1972di dhammaadkiisi soo saarey amar ku bixiyay in gabdhaha iyo wiilasha dhammaan ku labistaan Surwaal  dheer iyo Shaar gacma gaab ah,dugsiga dhaxe wuxuu midabka surwaalka ahaa Surwaal Kaaki ah oo caddaan xigeen ah iyo Shaar hurdiga ah, sannadki 1972di waxaa kale oo ay dowladdi kacaanka ku dhawaaqday waxa loogu yeero in dalka lagu dhaqo siyaasada Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan oo laga soo minguuriyay dowladihi shuuciga. Sanadahaas kacaanka wuxuu ahaa carcar, wuxuuna si dheereyso u fulinayay himaladiisa siyaasadeed.

Ku dhawaaqista in ay gabadhaha Surwaal ku labistaan, Wasiirka waxbarashada wuxuu ka sheegay maalin tijaabo weyn loo sameynayay Mahrajaan/Bandhig lagu soo dhaweynayay sannad guuradi saddexaad ee dhalashadi Kacaanki Militari oo ay hoggaaminayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana madax ka ahaa Jan: Maxamed Siyaad Barre ,maalintaa ardaydi goob jooga ku ahaa garoonka istadium Muqdishu waa ku oriyeen wasiirka waxbarashada, waxayna ku tuuryeeyeen dhagxaan, balse, wixi intaa ka dambeeyay ma jirin cid  sii adkeysay diidmada in ay gabadhaha ku ku lebistaan Surwaal iyaga oo horrey ugu labisan jiray Goono gaaban oo jilbaha qarineyso.

Faadumo waxay sidi caadada ahayd maalintaa istaagtay safkii aroornimada hore la sameyn jirey ee heesta calanka,  jimicsiga, hadal jeedinta u badneyd aan is xasuusin iyo dhiirigelin ku aadan arrimaha waxbarashada, markii ammintii loogu talo galay dhammaatey safkana waxaa ardey weliba foolka saarey dhankii uu fasalkiisu ka xigey.

Fasalka ayaa la wada galay ,kolki la gaaray xiisadi u dambeysay Faadumo fadhiga waa ka soo kici weysay , waxay ardayda kaga hartay fasalka ,waxaa arrintaas dareemay mid ka mid ahaa ardayda dhigata fasalka ku dhegan, oo la yiraa Xuseen Faarax oo isaga dib ugu soo noqday fasalkiisa oo uu ku hilmaamay qalinkiisi.

Xuseen waxaa galay dareen kolki uu hormarayey Fasalka ay Faadumo ku jirtay, wuxa uuna si qurux badan oo anshax ku dheehan yahay Faadumo u weydiiyay: “ Maxaa ku helay abaayo oo kaa reebay Ardayda kale?”

Faadumo waxay ugu jawaabtay: “waxbana” iyada oo wejigeeda ka dadbaneyso Xuseen xishood iyo cabsi awgeed, kana maageyso inay ka dhawaajiso dhibka helay oo iyada aan horay ugu dhicin maanta ka horow,  iyada oo aan weliba  ka soo gaashaaman.

Arrinka haleeley Faadumo waa mid iyada ku ugub ah, balse waa arrin curad ah oo gabar kasta oo dhedigaata ay la kulanto maalin maalmaha ka mid ah, haddaba midba meel ayuu arrinkaasi ku haleelaa, manta Faadumo waxaa ku dhacay, dhiigga caadada oo gabar walba oo gaarta da’daas ku dhaca, balse fasalka dhexdiisa ayuu kula dhacay. Arrintan ayaa ahayd mid argagax iyo anfariir ku abuurtey faadumo waayo? Waxa ay u  ku labisnayd Surwaal oo guud ahaan ku cusbaa Gabadhaha aado Dugsiyada waxabarashada sannadkaas.

Xuseen waa iska dhaqaaqay,balse wuxuu dareemay in uu jiro dhib gabadhan u diiday in ay ka soo kacdo kursigeeda,wuxuuna bannaanka iskuulka ugu tegay ardayda fasalkeeda wax ka dhigato mid ka mid ah, lana yiraa Cali Gaab oo ay isku yihiin xaafad yihiin wada deganaayeen xaafadda (Boondheere) oo isaga bannaanka ku sugayay si ay isula jid maraan,wuxuuna si xushmad leh hoos ugu sheegay in ay gabar fasalkooda dhigato ku hartay fasalka gudahiisa,uu isagana dareemay in uu jiro dhib aynan dooneyn inay la kaashato wiilasha iyo gabdhaha la dhigto fasalka kana diiday in ay ka soo baxdo fasalka!

Cali Gaab waxaa taabtay hadalka Saaxibkiis, wuxuuna dib ugu laabtay Fasalka, wuxuuna si degan Gabarti ay wada dhiganayeen fasalka ugu tegay Fasalka ,wuxuuna ku yiri : “In aad fasalka ku hartay waxaa ii sheegay Widaaygey Xuseen inuu ku weydiiyay waxyar ka hor waxa ku helay? Isaga oo weliba gartay inuu jiro dhib aad sheegistiisa ka xishooneyso.

Faaduma  markan waa lama huraan iney dhabta abbaarto, waa is-celin-weysay kolki Cali Gaab intaas ku yiri ,waxayna Cali Gaab u sheegtay in ay ku dhacday caadada dumarka ku dhacdo sida ay u maleyneyso,dhiigana uu soo dhaafay Surwaalka,aynan heysan wax qarinayo dhiigaas,gurigooda oo Kaamba amxaaro ku yaalLana uu aadis ka rabo, Cali Gaab uma jawaabin Faadumo mana aadin Xuseen ,wuxuuna banaanka Fasalka isaga soo siibay Garan ama Sansa-maaniko uga hooseysay Shaarka uu xirnaa ,wuxuuna u keenay Faadumo,kuna yiri Surwaalka ka kor marso,gacmaha funnaanadana dhaxda ku xiro.

Faadumo markiiba sidii uu faray Cali Gaab ayay yeeshay, iyadoo culeys ka degay, Cali Gaabna fasalki ayuu soo xiray, Faadumo waa ay soo baxday iyadoo garankii ku dabooshay qaarkeeda dambe, dadka qaarna xarago u maleynayaa, waa sida waqtigaas ayay yeeli jireen, Jilayaashii filimada hindiga iyo westrenka, balse iyada danbaa u geysay. Keddibna Cali Gaab iyo Xuseen waxay go’aansadeen ,iyadana kula heshiiyeen inay gadaasheeda socdaan tan iyo inta ay ka tegeyso gurigeeda, si aynan u dareemin dadka marayo Wadada ,ugana sii xishoodsiin Faadumo,culayska haayana ugu kordhin Culays kale.

Xuseen iyo Cali Gaab waxay Faadumo ku simeen Xaafadeeda ama iridka gurigeeda, iyagana waxay aadeen xaafadDoodi sheekadina halkaa ayey ku dhammaatay.

Muddo toban sanno ah keddib waxaa dhacday in Xuseen oo dhiganayay Jaamacadda Gahayr dhammaadka Simistirka sideedaad ,takhsuskiisana ahaa Hindaso(Electrical engineering) ay soo xireen qolooyinka Nabadsugida ee dowladda Kacaanka ka mid ah.

Waxaana arrintan ahay mid ku saabsaneyd in Xuseen Faarax  uu soo galay tuhun ah inuu ka mid yahay kooxaha kacaan diidka.

Waa habdhaqan ay  kooxaha dowladda dabagalka ahi  dhaqan u lahaayeen, haddii qof loo farmuuqo, iyada oo aan la hubsan, caddeymo iyo dabagalna lagu sameyn inay durbadiiba taxaabaan oo god madoow ku ridaan, kaddibna jirdil iyo handadaad laysugu daro ilaa marka dambe la gaarsiiyo, heer u qirto dambi uusan gelin.Dhawr maalin ayaa la garaacay Xuseen dhib weyn ayaa loo geystay heybadiisa, kaaga darane isaga oo ama uusan ogeyn waxaa lagu haysto.

Waxaa dhegihiisa ka yeeraya keliya dhawaqa askarta naxariista daran eel eh.

Sheeg yaa kuu madax ah? Halkee ku shirtaan? Immisa ayaad tihiin? Yaa idin soo direy? Wax uu uga jawaabona ma garanayo.

La soco qaybta labaad.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)