Hammi caashaq iyo hungo been ah Q7AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q7AAD

Axmed waxa uu la amakaagsan yahay dhagarta iyo siday u hodey Nasra, masa hubo in hadalka Najma run yahay, waxa uu ka fikirayaa haddii arrinkaasi run noqdo waxa uu ka yeeli doono gabadhaan uu jecel yahay, waxaa uu naftiisa ku qancinaya oo qalbiga iska leeyahay haween ama ka samir ama u samir.

Ma rabo in uu degdego mana doonaayo in ay isku gafaan gacalisadiisa war uusan hubin, waxaa uu aaminsan yahay howraarta soomaaliyeed ee tiraahda”Hubsiimo halbaa la siistaa” sidoo kale waxa uu is leeyahay Nasra ha ula tegin hadal aad ka soo maqashay qof kale, waa uu is dejiyay waxa uuna diyaariyay hab farshaxamaysan oo uu Nasra runta uga soo saari karo.

Laba habeen oo uusan la hadlin kaddib caawa waxa uu wacay Nasra, nasiib wanaag waa is heleen ,sheeko ayaa la galay waa la wada qoslay Axmed iskama dhigin ruux wax soo maqlay ee sidii ow ula hadli jiray ayuu ula hadlayaa kelmadihii xulka ahaa ee uu ku beer laxowsan jirayna kama jarine waa u siyaadiyay, mar ay sheekadu marayso meel dhexe, ayay Nasra waydiisay, Axmed away wiilkii kula joogi jiray caawa kaligaa ayaad tahay e?

Waa su’aal axmed caawa dhan rabay in la waydiiyo, jawaabteeduna diyaar u ahayd si fudud ayuu u yiri walaal wiilkii ila jiifan jiray waa uu guursaday, toddobaad ka hor marka hadda kaligay ayaan qolka ku noqday, ana waxaan isku diyaarinayaa in aan kallinimada ka baxo oo aan Nasro soo xera gashto, Nasro hadalkaas qosol gaaban ayay uga jawaab celisay.

Axmed oo hadalka sii wada ayaa Nasra ku yiri: “Nasro maanta arrin aad iiga yaabisay ayaan la kulmay arrintaas in ay dhici karto ma malaynayn, balse maanta ayaanba la kulmay”.

Nasro ayaa soo booday oo ku tiri: “Arrintu maxay tahay?”

Axmed ayaa ku yiri waxaan maanta ka qayb galay meher ay is mehersanaayeen wiil saaxiibkay ah iyo gabar ay in muddo ah wadda socdeen, waxaan gabadhii u gaynay sheekhii wiilka ku mehrinaayay, gabadhii iyo wiilka sheiikhii waxa uu waydiyay in midkood horay u soo guursaday amusnaan iyo is daydaymood labadooda dhex maray kaddib, wiilkii waxa uu ku jawaabay sheekh anigu horay uma soo guursan, sheekh ayaa ku yiri gabadhii adna maandheey?

Gabarti ayaa waxay sheekhii ku tiri haa sheekh waan soo guursaday weliba dhawr jeer oo garoob ayaan ahay.Markii intaas afka gabarta soo dhaaftay wiilkii argagax ayaa ku dhacay, wuuna u qaadan waayey ilaa heer uu inta jareeyey dhulka ku dhacay, waxa uu galay xaalad adag oo xitaa annaga aan la yaabnay, quraan saar kaddib waa soo baraarugay asaga oo ku qaylinaaya way i dhagartey mana ogayn in ay horray usoo guursatay waxaan wada soconay laba sanno iyo bar, weligeed iima sheegin, waan weydiiyey iney soo guursatey waxa ayna ii sheegtey inaysan xitaa haasaawe badan soo marin, maaha qof aan aamini karo, daacadnimo ma jirto, anigu kuma diidayo inay soo guursatay ee qof billowga noloshiina been kugu soo galay, daacadnimo kala kulmi maaye, Sheekh meherka jooji gabartana fasax oo gurigii ay ka timid ha aaddo.

Nasro oo qashuucsan dhanka kale qalbigu huraayo oo is mooday in ayada la sheekaynayay ayaa tiri walaahi ninkaas xaalad adag ayaa qabsatay, gabar khiyaamaalay ah baa heshay, ee walaal ma isku meel bay wadda joogeen markii hore ay wada sheekaysan jireen?

Axmed ayaa ugu jawaabay: “Maya walaal gabadha soomaaliya ayay hadda ka timid oo asaga ayaa keenay halkaan, intaasna waxa uu usii raaciyay dhibaatada ay leedahay in laba qof oo kala fog ay haasaawaan taasbaa ka mid ah, allow anaga na baal mari.”

Nasra ayaa tiri:” Aamiin laakiin anagu ma nihin laba qofood oo is khiyaami karta waa is jecelnahay.”

Axmed oo qoslaaya ayaa yiri: “Nasra ma filayo in taas oo kale annaga na qabsato oo aad horay u soo guursatay?!

Inta yara aamustay ayay tiri: “Qaali waxaas ma jiraan anigu Weligay nin ma soo guursan waxaan rabbaa in aan adi nolosha kugu bilaabo ee ani khiyaano ha iiga baqin.”

Nasra marka ay saas leedahay jirkeedu waa wada biyo dhididbaa qariyay, waa neef tuuraysaa in Axmed dareemana marabto, si ay taas uga badbaado waxay iska fasaxday Axmed una sheegtay in ay soo wici doonto waxay kale oo u sheegaty in ay haddana arrin ay faraha la gali rabto.Waa ka aqbalay asaga oo aan rabbin, habeenkaasna sidaasba loo kale howday.

Nasra waxaa ku soo kordhey werwer aysan hore isugu ogeyn, Nasra marnaba ma aysan fileyn inay jeclaaneyso Axmed, mana dareensana, haddana waxaa nafteedu u sheegaysaa inay halisi soo foodsaartey oo haddii Axmed sida gabartaas saaxiibkiis u ogaaday oo kale arrinkeeda ogaado, haddana ay ku sii adkeysatey in ay halkaas ku dhammaanayo xiriirkooda.

Nasra telefoonka ayay soo qabataa iyada oo is leh ku dhiiro inaad runta sheegto, haddana waa la xumaataa oo nafteeda ayaa ku adkeysa inaysan qiran inay been sheegtay oo wax khiyaantey.

Ugu dambeyn waxay go’aan ku gaartey inay Najma kala tashato, sida ay ka yeelayso arrinka ku soo kordhey, iyadoo sidii u fekeraysa ayay albaabka ka soo gashay NAJMA.

 

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

 

 

 

 

SHEEKOOYIN