XASIL OO ILA GARO (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 49aad         

 

                                                 1-Hogaanka iyo la haogaamiye
Hogaanka mar walba waa in uu hogaanka hayaa, haddii intii la hogaamin lahaa ee laga mudnaa hogaaminta ay hogaanka qabtaan hogaankuna uu Madaxa u ruxo oo ka baqo, hubaal in wax badan ay qarribmayaan, daliisha arrintaasna maanta min Qaran ilaa Qoys ayaan haynaa.
Waalidkii la dhagaysan lahaa ee la rabay in ay Ubadka ku hagaan waddada toosan, maanta ayaga ayaaba la hagayaa oo caga juglayn iyo fara saar lagu hayaa, natiijada ka dhalatayna waxay noqtay in Dad aan la aqoon balse kuu qaab eg, dhiigaagana ah wax shuqul ah oo Dhaqan Diin iyo dareena aadan wada wadaagin
ayaa soo baxay.
Qarankii la rabay in Waxgaradka iyo Wayeelada iyo Dadka aqoontu deeqday ay hogaanshaan, waxaa la wareegay maanta Mooryaan, dhallin yaro, Aqoon yahan aysan aqoontu deeqin, kuwaas oo kulli xitaa aan ayagu shaqaysanayn ee u shaqaynaya Qoom kale oo qayb aan ku lahayn Bulshadeena , natiijada ka dhalatay hogaaminta dadkaasna maanta ayaa la hayaa oo qof walba wuu arkaa halka la marayo.
Mmusa  

                                                             2-Hilmaamid 
Mararka qaar in aad qof iska hilmaanto kuguma filna haddii aadan la hilmaamayn xusuustiisa.
Mmusa 

                                                                  3-Haybad
Qasabka aad naftaada qasabto wuxuu dilaa haybaddaada marka haybaddaada ay kuu shaqayn wayso.
Mmusa 

                                                       4-Haweenta dhamaystira  
Haweenta dhamaystiran waa midda mar walba ka walwasha jiritaanka gurigeeda, mar walbana u taagan adkaynta dhidibada gurigeeda iyada oo aan cidna kala tashan.
Mmusa 

                                                           5-Xukaamta waxay dhaheen 
Afar ninkii la yimaadaa afar ma waayo
Mahadnaq kii la yimaadaa                       ziyaado ma waayo
Towbad ninkii la yimaadaana                aqbalaad ma waayo
istaqaaro kii la yimaadana                       khayr ma waayo
Ninka talada wamaagsan meelaha wanaagsan ka raadiyana haleeshiin ma waayo      

                                                         6-Dadka qaar 
Uma noolaan kartid ka farxinta ama jacaylka Dad kale dartood, noloshaada waa noloshaada, waana in aad ugu noolaataa sida adiga ku farax galin karto, xitaa haddii is farax galintaadu ay dhaawac u tahay Dadka qaar.
Mmusa 

                                                7-Faqrinimada ugu daran
Kallinimada ay la jirto Cuqdad nafisga ah in wax ku rabaa aysan jirin ama aad Dadka ka liidato, waa faqrinimada ugu daran.                                                                                          Mmusa 

                                                              8-Fadliga 
Fadliga waa Caqligaaga iyo Adabtaada, ee ma ahan mid ku yimaada Assal iyo Xisaab.
Mmusa

                                            9-Farxad iyo Qibrad
Haddii aad heshid Xaas wanaagsan farxad ayaad heshay, haddii aad heshid xaas xunna Qibrad ayaad heshay.
Su’aashu waxay tahay tee ayaad dooran lahayd Qibrad iyo farxad?
Mmusa 

                                           10-Doorashada haweenta 
Doorashada haweenta indhaha qurxoon waxaa ka wanaagsan doorashada haweenta ilmaysa mar walba
Mmusa  

                                               11-Doorashada dumarka 
Haddii aad tahay dumar keebaa xulan lahayd? nin sameeya lacagta aad u baahantahay in aad isticmaasho in ka badan balse aan qanaaco qalbi kuugu deeq karin,iyo nin faqri ah oo waxba haysan, balse qanaaco qalbi mar walba kuula taagan?
Mmusa 

                                                       12-Dunida 
Waanu kuwada noolnahay ha  adduunyo balse qof walba duni u gaar ah ayuu dhex dabaalanayaa taas oo marba dhinac isku rogaysa.
Mmusa 

                                                          13-Diin walba

Diin walba waxay Dadkeeda fartaa is jacayl, hadana la yaabka ayaa ah in jacaylku uusan Diin lahayn.
Mmusa 

                                             14-Dhaqankaaga iyo Sharaftaada
Ka walwal Dhaqankaaga, haka walwalin Sharaftaada, maxaa yeelay, Dhaqankaaga waa waxa aad tahay, Sharaftaadase waa waxa Dadka qaar ay kaa aaminsan yihiin.
Mmusa

                                                  15- Dareen gaar ah 
Qofka uu dareenkaaga mar walba la jira ayaa macna gaar ah kuu leh mar walba
Mmusa 

                                                 16-Damaca iyo dareen 
Xiriirka dhabta ah laguma qiimeeyo inta jeer ama inta maalin ee la kulmay ee waxaa lagu qiimeeyaa dareenka iyo damaca dhabta ah ee la wadaagay inta la isla joogay.
Mmusa 

                                               17-Dadka talada wanaagsan 
dadka talada wanaagsan bixiya mar walba waa kuwa ugu dhibaato arkidda badan Nolosha mar walba.
Mmusa

                                                       18-Dadka qaar 
Dad qaar ayaa jira oo usoo mara noloshaada in aysan ku jeclaan balse ku dareensiiyaa in aad tahay qof mudan in la jeclaado.
Mmusa 

                                                19-Dadka iyo Xusuusta 
Qof Qaali kugu ahaa oo is baddalay in Xusuustiisa la haysto waa wanaagsantahay, Dadku waa is baddalaan, Xusuustase isma baddasho.

                                                    20-Haka shallaynin

Haka shallaaynin waxa aad khaladday, ka shallaay waxa wanaagsan ee aad u qabatay Dadka aan u qalmin.

                                                  21- Caqabadaha Nolosha 
Caqabadaha Nolosha waa sida Adiga oo aqrinaya Buuk oo kale, marka aad gaddiso Baal, hadana mid kale aad usii gudbayso, 
Sidaa darteed Caqabad haddii ay ku qabsato ma ahan micnaheeda in aad u joojiso aqrinta Buuga Nolosha oo dhan, horey u soco micnaheeda waa, sii aqri Beejka kale ee Nolosha 
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN