Qiimeynta Qoraaga Laashin Sannadka 2017ka

 

Qiimeynta Qoraaga Laashin.

Waxaa mar walba qiimeynaa qofka ama shaqsiga ugu saameynta badan Mareegta Laashin dhinaca qoraalka iyo tayada qoraalka.Haddaba sanadkan ayaa waxaa ugu qoraal badnaa Qoraaga Maxamed Muuse Nuur , oo inta badan wax ka qora arrimaha bulshada iyo siyaasaddaba.

Maxamed aya ah qof ku hawlan u adeegida qalinka ee bulshadiisa isagoo wax badan u hora ammintiisa inuu la wadaago aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.Maxamed Muuse waa nin dhallinyar, haddana qoys iyo carruura leh, intaa waxaa usii dheer inuu yahay Ganacsade ay kooban tahay inta uu helaa kansho iyo goor uu naftiisa ku nasiyo.

Maxamed Muuse ayaa wuxuu qorey sannadkii la soo dhaafay iyo in ka badan 50 qormo qoraal oo mid weliba leedahay ujeeddo iyo abbaar gaar ah. Qoraallada qoraaga ayaa isugu jira, Curis sida sheekooyin taxane ah, qoraallo aqooneed, kuwa sooyaal, dhacdooyin iyo qoraallo wacyigelineed.

Qalinka qoraaga ayaa ah mid si hufan oo habboon uu ugu hurey bulshadiisa, waxaana taas uu ku gaadhay dedaal iyo karti uu dheeryahay in badan.Qoraalka ayaa ah mid ku adag bulshadeena markaad eegto, intooda badanina waxay halhays ka dhigtaan, iney jecelyihiin inay wax qoraan gudbiyaana aragtidooda iyo aaraahdooda, balse aysan haynin ammin iyo miley ay u huraan, dadka sidaa ku marmarsiiyoonaya ayaan qaarkood, wax hawl ah oo ka dhacdaa jirin, Shaqo, Qoys, Waxbarasho iwm.

 

Bahda Laashin ayaa waxay ku maamuuseysaa qoraaga Maxamed Muuse Nuur, inuu yahay QORAAGA SANNADKA EE LAASHIN.Haddaan in kooban ka soo tebiyo qoraallada Maxamed Muuse Nuur qorey ee diiwaan gashan waxaa ka mid ah:

QORAALLADA.

  1. KU XAD GUDUBKA XUQUUQDA DUMARKA GOORMAAN ISKA DEYN?!!!!!!
  2. ABYAN KU DAYASHO AYEY MUDANTAHAY .
  3. BARASHO WANAAGSAN 
  4. BULSHADA XAGGEE LAGA DHISAA?
  5. CALANKA LAGA SII KALA TAGAYO!
  6. CIQAAB WAALID IYO COLAAD DHAQAN
  7. CUNSURI LAMA NOOLAANAYO!
  8. DAACADNIMO DILAALNIMO KU DAMBAYSAY!
  9. DADKU U DABACSANAA DULLEEYAHOODA!!!!!!!!!!
  10. DADKU YEYSAN DUUFSAN DAREENKAAGA!
  11. 11-DAMAC IYO DAREEN!!!

  12. DAMACA SIYAASADEED EE  HOGGAANKEENA.
  13. DARIIKHA QUUSASHADA
  14. DASTUUR IYO DANAYSI 
  15. DHAMBAALO JACAYL!
  16. DHAQANKA IYO AQOONTA
  17. DHIBAATADA WAA GURYAHEENA.
  18. DIYADA DAAHIR DAREEN BEY REEBTAY!
  19. DOORASHO IGU ADAG 
  20. DULMIGA GOORMAAN ISKA DAYN DOONAA?
  21. DUMAR WAA JACAYL RAGNA WAA MAS’UULIYAD 
  22. DUMAROW WAXAAD U QALANTAAN FAHMA.
  23. EYGAN WAA JARMAL, EE ADIGU YAA TAHAY?
  24. FAKARKA FICILKA RAACSAN 
  25. FANKU WAA FARRIIN!
  26. FARXADDA QOFKA
  27. GAADIIDKA NOLOSHA 

SHEEKOOYINKA 

  1. DILAAGII QARSOONAA! 
  2. WAA HOOYO IYO LABADEEDA WIIL
  3. JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY! 
  4. KAAS WAA WIILKAYGA
  5. KUFSADIHII KAFAALA QAADKA NOQDAY!
  6. MILICSIGA NOLOSHAYDA

Wax soo saarka aqooneed ee Qoraa Maxamed Muuse Nuur ayaa ah mid midho dhaley, hubaal haddii qof walba oo bulshada ka mid ahi u huri lahaa ammintiisa wax ku kordhinta dadkiisa, aqoon iyo ogaal, waxa aynu noqon lahayn bulsho gaadhey heer sare.Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhammaan qorayaasha Mareegta Laashin, waxaan mar kale si gaar ah u boggaadinayaa Qoraa Maxamed Muuse nuur oo aan leeyahay, dedaalkaaga iyo qalinkaaguba ha bullaalo mar kale, sannadkan cusubna waxaannu kaa sugeynaa intan iyo in ka badan.

Mareegta Laashin waa dhiirigeliyaha, Qoraaga, Hal abuurka, Farshaxanka, Hoobalka iyo qof walba oo doonaya inuu bulshada wax ku soo biiriyo, waxaad maanta qortaa berry bay qareen kuu noqonayaan, waxaad maanta gudbisaa berri bay garaado kuu tolayaan.

 

Maamulka Laashin

 

 

SHEEKOOYIN