XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 50aad        

                                     1- Caaqiliinta warkooda 
Qofka ay su’aalihiisa bataan waa la xurmeeyaa balse lama jeclaado.
Qofka ay maqaaladiisa bataana waala baasaystaa oo bala wade ayaa lagu tilmaamaa
Qofka walaalihiis ka leexdaana waa mid khayaana khatar ugu jira mar walbe.
Caaqiliinta warkooda

                                         2-Barafka iyo indhaha 
Barafku wuu dhalaala marka uu kululaado, halka indhuhu ay ilmeeyaan marka la khayaano.
Mmusa 

                                            2-Xaaskaaga oo aad Ballan uga baxdo

Xaaskaaga oo aad Ballan uga baxdo micnaheeda maahan in aad qaldantahay iyaduna ay saxantahay, waxa muhiimka ah mar walba ayaa ah in Badbaadada Qoyskaaga ay Mas’uuliyad kaa saarantahay, mar walba oo aad u aragto in ay Khatar soo wajahaysana difaaceeda uu waajib kugu yahay.
Mmusa 

                                          4- Qof ku daciifiya wuu jirayaa mar walba 

Nolosha dunida wax walba oo adag waxaa jira wax ka adag oo jabiya, sida aad doonto u adkanow qof ku daciifiya wuu jirayaa mar walba 
Mmusa

                                                     5-Aamusnaantaada
Mararka qaar waxa macnaha suubiyo ayaa ah aamusnaantaada,in aad mar walba wax dhahdaa mararka qaar macna ma lahan.
Mmusa 

                                           6-Xushmad, Aaminaad, Xiriir
Haddii aan la wada hadlin ma jiri karo Xiriir.
Haddii aan la is xushmayn, ma jiri karo is Xigsasho ama Kalgacal amaba Jacayl.
Haddii ay is Aaminaaddu luntana ma jiri karto sabab horay loogu socdo.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                       7- Sababta dadka badankood aan xikmad loo siin                                              Sababta dadka badankood aan xikmad loo siin ayaa ah in ay ku dag dag badan yihiin xukminta qaldan.
Mohamed Musa Shiikh Noor  

                                        8-ASTAANTA WAXA AAD NOQON DOONTO

Waxa aad tahay waa waxa aad ahayd, waxa aad noqon doontana waxaa astaan u ah waxa aad hadda suubiso.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                               9-Wanaaga muhiimaddiisa 
Macna badan ma lahan ogaashaha dadku ay ogaadaan wanaagaaga, waxa muhiimka ah ayaa ah in uu Alle ogaado wanaagaaga taas ayaa muhiim ah in uusan qofku hilmaamin.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

 

                                                             10-Wanaaga 
Qofka inta uu wanaag naftiisa u hayo ayuu wanaag u hayn karaa Dadka, balse marka uu naftiisa u waayo wanaag, markaas ka filo in uu wax xun suubiyo ama ku dhawaaqo.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                             11-U dhimo si aad u noolaato
Haddii aadan u dhimanayn in aad noolaato markaas waxaad u nooshahay in aad dhimato, macanaha maahan in wax qaldan aad suubiso si aad u noolaato ee waa in aad dadaal u gashaa wax sii jira xitaa marka aad dhimato taas oo la macna ah in aad u dhimanayso si aad u noolaato.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                          12-Subax walba 
Subax walba Saacad walba xusuusnow Saaddirka Wayn ogowna in aad ka nasiib badan tahay kuwa kula mid ah.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                    13-Soo laabasho
Qaladaadka ama gafka nolosha waad ku fogaan kartaa balse taas macanheeda maahan in aadan soo laaban karin waad soo laaban kartaa mar walba.
Mohamed Musa Shiikh No

                                              14- Ha ku noolaan Taariikhda 
Ha ku noolaan wax aadan wax ka aqoon 
La noolow deeqda iyo darajada aad taagantahay ee Alle kugu mannaystay.
Shalay waa taariikh 
Barina lama yaqaan
Maanta waa Deeq la hubo oo la haysto 
Hadaba waxa aad hubto ku noolow 
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                            15-Sadexda khayraad 
Jacayl, Duco, iyo Saamaxaad,waa Sadex shay uu Alle ku mannaystay Qof walba, waana awood haddii si sax ah loo isticmaalo uusan qofku mar walba liicayn, hadaba mar walba ha hilmaamin saddexdaas khayraad ee lagugu mannaystay isticmaalkooda.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                               16-Riyada, Murugada, Xikmadda
Rayadeena wanaagsan waaa midda inagu hogaamisa hirgallinta Riyada aan aragnay.
Murugada waxay nagu hogaamisa Dariiqa ah in aan aqbalno waxa aan nahay una qalmano.
Xikmadda labadaas arrin u dhaxaysana waa midda aan ka helno khibradda.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                     17-Qosol iyo hurdo 
Qosolka dhoola caddaynta ah oo la badsho iyo hurdadda in kugu filan la hurdo waa daawada wax walba.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                                    18-Qosol
Qosol marka ay kula mudantahay.
Ooy marka aad is leedahay waa kuu nafis.
Raali gali marka raali galintu ay kugu waajibto.
Cafi marka loo baahan yahay cafiskaaga.
Qaladkaaga hore waxaad ku sixi kartaa afcaashaada hadda oo aad wanaajiso.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                            19-Qorshaahaga iyo kan allah 
Qorshe marka aad dajisatid oo uusan ku imaan sida aad rabtay micnaheeda maahan in ay wax kaa qarribmeen, xusuusnow oo maankaaga gali in Qaaddirka dunida ku keenay ee kuu doortay in aad addoomadiisa dunida ka mid noqotid uu kuu hayo wax ka wanaagsan waxa aad qorshaysatay.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                         20-Qofka wanaagsan ku mintid 
Dadka wanaagsan ee qaaliga u ah noloshaada waa kuwa mar walba u eg sida dad jilicsan ama kuwa aanan ku nuurayn naftaada, balse waa marka aadan si dagan oo xikmadaysan u fakarin.
Waxa aad haysato mar walba waa kuwa aad ka dareen la ‘dahay oo aanan kuu muuqan karin, hadaba qof wanaagsan haddaad hesho ku dhag oo ha ku samayn wax sababa in uu kaa lumo .

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

SHEEKOOYIN