DHOWRISTA ANSHAXA KALA FEKER DUWANAANSHAHA W/Q: Hassan Mudane

DHOWRISTA ANSHAXA KALA FEKER DUWANAANSHAHA

“Ma xeeriyo Aadanaha garaad laga xidhay cilmiga.” -Abdishukri Haybe

 

Maalmahii la soo dhaafay waxaan barteyda faysbuugayga soo dhigay qoraallo ku saabsan dhacdadii Abdirahman Abdishakur Warsame iyo sawirka Daahir Calasow. Iyada oo ujeedkuna ahaa muujinta aragtidayda, aniga oo aan ka tallaabin xayndaabka xeerka iyo anshaxa kala feker duwanaanshaha bini’aadamka. Waxaan rumaysanahay in qof walba uu u madax bannaan yahay doorashada qofka uu taageerayo iyo waxa uu ku taageerayo; waxaan aamminsanahay dhowrista anshaxa iyo xeerka kala ra’yi, feker iyo aragti duwanaanshaheena. Qofna xaq uma lahan in uu qof kale ku dirqiyo go’aankiisa ku’aadan qofka uu u hiilinaayo ama uu taageerayo.

Bal aan idin la wadaago dhowr faallo oo aan ku dul-kufay, sidoo kale aan u arkay in ay yihiin kuwa dhinac maray xeerka iyo anshaxa kala ra’yi duwanaanshaha. Mid baa inta uu garab maray dhowrista xeerka iyo anshaxa ayuu weeraray shakhsiyaddayda, wuxuu yiri “…I blame on you hassan that you are not healthy.“ Sow ma dhiiban karno ra’yigeena annaga oo aan xagxagan shakhsiyadda qofka. Kaba sii daran, tu baa iyadana tiri “…Waddan aan ka imid haddii uu joogi lahaa intaa hilibkiisa la yaryareeyo ayaa lagu quraacan lahaa… Edab ha yeesho.” Waad ila aragtaan in qofkani yahay qof ka booday xayndaabka mowduucii miiska saarnaa.

Goormee ayaynu qofka ku xukumi karnaa ra’yigiisa? Si kale u dhig, goormee ayaynu dhihi karnaa qabyaaladeyste? Mid baa inta uu kaligiis go’aan iska gaaray kadib igu yiri “Somalia will develop and mention the history of clanists like you and your friends will see how you are behaving.” Intaas oo dhan waxaa ii keenay qoraal aan ku muujiyey ra’yigayga iyo dareenkeyga. Taa waxaaba ka sii daran mid soo qoray “Galmudug tribe does not want this country to have a good government because they robbed the national properties.” Maxaa diidaya in aynu naqdino qofka fekerkiisa annaga oo aan toos u weerarin sharafka iyo sumacadda qof ama koox. Qof walba waa uu dareemi karaa in hadalkaasi yahay mid ka baxsan xeerka dhowrista anshaxa kala feker duwanaanshaha.

Lafagurid kelmadeed aan ku saameeyey faallooyinkaas waxaan soo helay in wax ka badan 5 jeer la xusay magaca ‘Qabiil,’ sidoo kale in ka badan 4 jeer la xusay magaca qabyaalad. Haddaba, waxaan isweydiiyey intaas oo dhan ma waxaa sababay qoraalladii aan ugu hiilinaayey A.A. Warsame aniga oo aan ka dhex bixin xeerka iyo anshaxa kala feker duwanaanshaha? Faallooyinkii aan ku dul-kufay waxaa ka mid ahaa kuwa aan khilaafin xeerka iyo anshaxa, waxaana ka mida faalladan “Waad saxanntahay sxb bcoz waa ra’yigaaaga qofna kuguma dirqin karto inuu xunyahay.” Bal faalladan la barbardhig kuwii aan kor ku soo xusay.

Ugu dambeyntii, baaristaas kooban waxaa iiga soo baxday in inta badan aynu nahay dad aan ilaalin xeerka iyo anshaxa kala aragti duwanaanshaha. Taa cagsigeeda waxa aynu u hoggaansanahay xeerka caadifadda iyo nacaybka.Waxaa ku jira in bulshadeena in nin isla waxa uu maanta kugu dhaliiley, i berri isagu jid kaaga dhigi iyo wax quman, waxaa jirta arrin kale oo tiraahda, Qabyaalad adigoo difaaca qof kale qabyaaladiiste ku sheeg, ma istiri waxaa la beddelay, murtidii ahayd, waxaad diideyso adigoo dafirayaa qof kale dusha loo saara.

 

WQ: Hassan Mudane

 

 

SHEEKOOYIN