Halista ku hareersan dawladda! W/Q: Sagal Khayro

Halista ku hareersan dawladda!

Dawlad kasta jiritaankeeda waxaa ku xeeran labo walxood oo mid ba tan kale ka culus tahay, kana halis badan tahay. Waagi baryo ba waji cusub bee la soo toosaan, dhib ma ahan ee dheef lama soo if baxaan, wey is diidayaan oo ma ahan kuwo hal qaab loo wajahi karo, kaaga daran ee mid kasto af u gooni ah bey ku hadashaa, dantooda uun ma ahan ee tu kale ma daryeelaan gorgortanna ma geliyaan, tanaasulna buugooda kuma ba qorno. Haddii tu kasta xiriir san lala yeesho dhibkooda waa laga nabad galayaa haddii tixgelin iyo macaamul wanaagsan lala yeelan waayo dawladdaas labo mid ayeey noqotaa mid waa in ay burburto tan kalena waa haddii ay burbur ka badbaado waxa ay noqotaa mid la nool sharaf xumo, bahdil, iyo habaar , dadkeeduno gocosho aan dhammaan bey ku reebtaa xataa haddii ay baraaro galaan. Tusaalo dalka Soomaaliya kuu gu filan!

Walxahaas kala midabka gedisan astaamahoodana aan kor ku xusay waa:

  1. Arrimaha gudaha: waa xiriirka dawladda dalkeeda iyo dadkeeda. Danta dalkana waxa uu yimaada marka ay dadku helaan daryeel iyo dawlad u tureyso oo ay nabad iyo barwaaqo dhex dabaalanayaan. Qaneecada dadka/shacabka/muwaadinka waxa ay hirgelisaa in si wadajir ah oo hagrasho la’aan ah ay ula shaqeeyaan dawladda si loo ga wada shaqeeyo danta dalka oo ah in magaca iyo milgaha la dhawro, Badda, berriga iyo bay’adda oo la difaaco, khayraadka dabiiciga ah lagu takrifalin iyo in hantida muwaadinka oo la xaqdhawro.

Xiriirka gudaha dalka waxa uu xumaadaa marka shacabka iyo dawladdoodu tuhun kala galo, xeeldheeri iyo xushmo aysan jirin. Dawladdu ay caburiso xuquuqda muwaadinka, siyaasiyiinta awoodooda cod iyo mid dhaqaalaba u adeegsadaan hayi’kicinta aanan ku dhisneyn aragtidheer balse kaliya ay ku fushanayaan baahi awood qeybsi siyaasad ama mucaarad iyo afgabis xukuumad.

Dhanka kale shacabka oo noqdeen ”af ku waran le” dhaliil qaloocsan oo aysan wax talo ama xal ah u heyn, cabasho joogto ah iyo tixgelin la’aanta nidaamka dawladnimo ee ay ku haqabbixi lahaayeen dhan amni, caddaalad, baahi iyo adeegyada kala gedisan ee bulshada intaba aysan wada shaqayn, dulqaad, daacadnimo iyo aaminaad intaba aysan ku qabin. Tusaala waxaa kuu gu filan Soomaaliya!

Arrimaha dibadda: waa xiriirka danaha diblomaasiyadeed ee dawladdaha dariska la ah iyo kuwa caalamka kale ba si gaar ahaaneyd ururada, hay’adaha iyo dalalka danaha gaarka ah wadaagaan sida xiriirka siyaasadda iyo kan dhaqaalaha ahbo. Sidoo kale waxaan ka marneyn iskaashiga waxyeellada bay’ada, amniga iyo masiibooyinka dabiiciga ah, kuwaas oo dunida dhan saameyn ku leh.

Siyaasad ceynkee ah ayey ku wajahaysaa dawladda? Horta siyaasadda dibadda waa balaayo loo baahanyahay! Waxaase laga doonayaa in hoggaan kasta uu il gooni ah ku eego raadka ay ku yeelaneyso xukuumadiisa mustaqbalka dhaw iyo kan fogba. Waa in uu yahay hoggaamiye ciyaaryahan weyn ah misana dabacsan oo go’aamada ama heshiisyada uu saxiixayo in ay yihiin mid ay ka dhex muuqato danta dalka uu majaraha u hayo, ama waxa afka qalaad ay ku dhahaan ”Win-win situation”.

Sidoo kale waa in uu san iibsan ama muran uu san gelin waxyaalaha gorgortanka aan geli karin ee dalkasta leeyahay sida qaranka iyo madaxbanaanida dalka, xaqa muwaadinka , badda iyo berriga dalka IWM ah.Tusaala waxaa kuu gu filan Soomaaliya!

Biyo dhaca qormadeydu waa:

Sidee la gu badbaadin karaa jiritaanka dawladda soomaaliya dadkeeduna ay ku noqon karaan kuwa ku hoos nool baahina u qabo nidaamka iyo kala dambeynta dawladdnimo. Kuwo si xasilooni oo isqabqabsi la’aan ah u maro hirgelinta hammigooda siyaasadeed iyo in dawladda xilka ay heyso lagu xaq dhawro halbeega ay u adeegsanayso qaabka maamulka iyo maareynta, waa haddii maslaxadu ku jirto. Intaasba waxaa lagu heli karaa shacabkeeda; muxaafid iyo mucaaradba oo muhiimadda koowaad, labaad , saddexaad iyo kabadanba la siiyo. Dawladdu ay isku gu yeerto oo ay wacyigeliso koox ka mid ah siyaasiyiinta, oday-dhaqameedyada iyo culumaa-udiinka ka fiyoow Aragtida iyo ideologiyada qaloocsan ee danaha shisheeyaha u adeego. Kaddibna ergay uga dhigto qofkasta bulshada uu saameynta wanaagsan uu ku leeyahay ha ba ahaato haybta ay ka dhasheenba si ay ubaahiyaan:

Qatarta qabyaaladda iyo qurunkeeda. Dawladd iyo dawladnimo waxa ay tahay yaase u baahan? Kaalin noocee ah ayey ku lee yihiin dib-udhiska iyo nabadeynta dalka. Muhiimadda cafiska iyo la isku garowsado in wax la wada leeyahay. Intaas haddii natiijo fiican la ga helo waxaa Danaha ”Stakeholders-ka” ama inta daneyayaasha Soomaaliya waxa ay dawladdu kugu la xariiftami kartaa tartanka koobka horyaalka siyaasada iyo diblomaasiyadeed.

Guntii iyo gebogebodii waxaan u rajeynayaa Md. Farmaajo iyo xulufadiisa in ay wanaajiyaan xiriirka qeybaha kala duwan ee bulshada, danta muwaadinka ay ka hormarshaa danaha shisheeyo, ugu dambeyntii na ay daraaseeyaan tilaabo kasta ay qaadayaan xilliga iyo qaabka ku haboon si ay u helaan natiijo fiican oo u suurto geliso qaadashada go’aan miisaaman.

 

W/Q: Sagal Khayro

SHEEKOOYIN