Farxaddu iib maaha Q1AAD. W/Q:Cabdul Cabdikariim(Jalaato)

Farxaddu iib maaha Q1AAD.

Dhacdadan waxa ay ku saabsan tahay labo nin oo daris ahaa midna waxaa uu ahaa maalqabeen oo xoollhiisa tiradooda ayuu kala aqoonin. kan kalana waxa uu ahaa mid sabool oo ku nool maalin goosadka waxa uu suuqa ka soo helo, Nolol maalmeedkiisa.

Haddii uu ka soo waayo suuqa habeenkaas reerkiisa waa qadayaan, waa in ay baahi carruurtiisa ku seexdaan. Labada nin ee dariska ahaa, waxa ay ku ka la sugnaayeen labo nolol, oo aad u ka la fog, waxaase cajaa’ib ahaa guriga ninka faqiirka ah waxaa looga noolaa farxad iyo reynreyn aan kala joogsi laheyn habeen walba, halka reerka taajiriinta xaafaddooda ay aheyd mid ka duwan oo caksigeeda ah.

Si kastaba arrintu ha ahaadee, waxaa xaaladda ay murugo ku abuurtay xaaskii taajirka, oo uu maseyr ba’an taabtay, ayadoo wax walba oo maal adduunyo heysata, haddana, aan farxad heysan, waxaa halkaa uga billawday walwal faro badan iyo murugo, oo ay daris la noqotay, habeen iyo maalin heer ay gaartay shinbir buubaa hadduu gurigooda soo dulmaro, in ay u qaadato cidda dariska ah, muddo badan ayey dareenkeeda ku aadan farxad la’aanta ay ku nooshahay ka qarineysay ninkeeda waxa ayna u hammuun qabtay maalin uun iney farxad ku noolaan doonto.

Muddo markii ay cabbursaneyd ninkeeda ayaa dareen ku dhashay xaaladda xaaskiisa, waxaa uuna aad u la yaabay, sida ay u qayirantay iyo isbadalka ku dhacay caajis dhan walba ah, oon kala joogsi laheyn, soo jeed faro badan uusan ku aqoonnin iyo falaad dheeraad ah oo meel uu ku socdo iyo meel uu ka yimid la garaneyn, carruurtii oo dayacantay uu ka muuqdo uskug (wasaq) mar walba uu hoos u wareysto waxa ay ugu warcelisaa ineysan wax dhibaato ah qabin, uma cagdhigine waxaa uu is ku dayay, inuu ogaado xaaskiisa waxa ka maqan, oo ay tabaneyso waxaana dhaxmaray dooddaan.

Waxa uu ku yiri xabiibtii macaanto: maxaa ku helay?

Waxba ayey la soo booday sidii caadada u aheyd

Intaa ugama harin ee waxa uu yiri ; Ii sheeg macaanteydiyeey WAXAAD QARSATO WAA KU QARSADAANE! Anigoo nool inaad murugooto waa wax aan macquul aheyn, haddii aan wax kale ka qaban waayo murugada ayaan kula qeybsanayaa, illeyn wixii HAL DHIBO LABO MA DHIBAAN! Asagoo wali hadalkii wata ayey ooyin jawaab uga dhigtay aamusin iyo sasab dheer ka dib ayey ku tiri: Aniga waxaa iga maqan farxad oo kali aH, taas oo aan suuqa iib looga helin taqtaraduna daweyn karin, farxad ma heysto. Arag cidda dariskaa sida ay u farxayaan, u qoslaayaan.

Waxaan ku noolahay guri mugdiya, mararka qaar waxaan is moodaa inaan gurigeyga inaan marti ka ahay, marna inaan adeegto ka ahay, waxaan ahay hooyo labo carRuur heysata ninkeeda uu la nool yahay, haddana nolosheyda ciriiri ayaan dareemayaa, ma hoydo mana hergalo, sababtoo ah adiga qeyb ayaad ka tahay oo waqti ima siisid 24 ka saacadood sii orod soo orod joogtaa aan kala go’laheyn ayaad ku jirtaa markaad guriga joogto xisaab iyo telephone ayaad ku mashquulsan tahay, aaway noloshii qoyska waxaad ii guursatay inaan xabsi kor ka furan ku jiro oo ilmo kuu dhaldhalo, miyaan xaq u laheyn nolosha dhinacyadeeda kale? Mase ogtahay cidda dariskeena maalin walba raashin iyo waxey cunaan ayaan u geeyaa, inaan is ka la jooga ayaan jecleystaa, si aan ugu ildoogsado, sidaa darteed waxaan u baahnahay noloshaas farxadda iyo reynreynta ah, taasna macquul maaha inaad ii soo iibin kartid oo suuqa laga helo.

Su’aalahaa iyo cabashada is dabo joogaa markii ay dhammeysatay ayuu ku yiri: Xabiibtii ma intaas ayaad noloshaada macaan ee aad ku jirto kaa dhimman? Ayadana waa kuu helaa, ee waqti i sii aan farxadda kuugu keeno. Intaas kaliya ayaan kaa codsanaa, wax kale kaa ma rabo. Inaan kaa haqabtiro baahida farxadeed ee kaa maqan igu haleey.

Sidii ayaana habeenkii lagu hoyday. Markii uu waaga baryay ee la quraacday ayuu albaabka ka dagay waxa uuna toos u abbaaray cidda dariska gurigooda, soo dhaweyn iyo marxabeyn ka dib odaygii reerka ayuu ka codsaday inuu maanta caawiyo, asagana si fudud ayuu uga ogolaaday asagoon wax su’aal ah weydiin waa ayna isa soo raaceen.

 

La soco qeybta

 

W/Q;Cabdul Cabdikariim

SHEEKOOYIN