Lugtii isha laacday! W/Q: Saciid Muuse “Waxgarad”

Lugtii isha laacday! W/Q: Saciid Muuse “Waxgarad”

Xilligu waa abbaarihii 11.00-AM subaxnimo. Baashina waxuu weli ku guda-jiraa gudashada hawl maalmeedkiisii shaqo. Waxuu dhax joogaa carwo afar-irdood ah oo lagu iibiyo waxyaabaha ay Dumarka isku qurxiyaan. Baashi waxuu subaxaas isku hayaa shaqadiisa iyo tan mid ka mid shaqaalaha Carwada oo subaxaas fasax ku maqnaa. Saddaxdii saacadood ee la soo dhaafay marna salka dhulka ma dhigin waayo dumarka faraha badan ee wax iibsanayay ayaa isaga daba-wareejinayay sida marwaaxaddii oo kale.

Isagoo markaa helay daqiiqad kala go’ ah salkana saartay kursi meesha yiillay ayay dalaq Carwadii soo tiri; gabar aad biya dahab mooddo, Baashi oo doob gaamuray ahaa waxaa is la markiiba indha daraandar ku riday joogga iyo jamaalka billicda leh ee uu gabadha Eebbe u dhaliyay. Afka quliga ah, Indhaha xuuralcaynta ah, sunniyaha is haysta, Dhabannada labeenta ah iyo muuqaal dhismeedkeeda kale oo uu sharraxaad u diiday asoo kala masayray in qallinka laga la eegto, ahaa mid aan cid kale loo quurin karin. Waxaa u xigay codka aad mooddo in softenic iyo mixer lagu laray oo leh; “Abboowe barafuunkaa soo qabo” intuu indhaha maraanmartay ayuu u holladay soo qabashada barafuunka loo cayimay oo ahaa mid dushaa sare saarnaa. Intuu miraayadahii almuuniyoonka ka samaysnaa sidaa u kala sikiyay ayuu faraha ku soo dhigay barafuunkii laga dalbay.

Baashi intaa waa uu mashquulsanyahay waxuuna ku maqanyahay jawaab u helidda kumanaan su’aalood oo ay maskaxdiisa wayddiinayso iyo Mala-awaalka riyaaqa leh. Mar alla markuu dhankeeda u soo tallaabsaday si uu ugu dhiibo barafuunkii ayay lugaha isugu dhufatay burhaanta dabaysha jacaylka oo ah danab ilmaqabato ah oo dab ka wayn xambaarsan. hal mar ayuu isagoo sidaa u wiifayo is yiri is celi, laakiin uma suurtogalin oo intuu dhinac isu buurtay ayuu isagoo taraaraxayo cuskaday dhanka bidxeed ee carwada oo ahayd qaanado hayo dhalooyin isa saarsaaran. Awooddii uu ugu dhacay ayaa hal mar gilgishay satuuxyadii isa surnaa. Ka dibna waxaa iskood isu ballaqay almooniyoomkii dhoodhoobka ahaa. Baakad waliba mid kale ayay dheegga saaratay, dhallo walibana dhallo kale ayay herdisay. Wixii agab iyo allaab meeshaa saarnaa hal mar ayay sidii is karoge wiishka loo qaaday iska soo dul dhaceen. Baashi oo saljugle u yaallo wuxuu gacmaha saartay madaxa si uu isaga gaashaamo qasaaraha ka imaan karo dhalooyinka ku soo hoobtay, Baashi ma garanayo meesha u dambaysay dhalladii barafuunka ahayd ee uu gacanta ku hayay, illayn intay cirkaa u fanniintay ayay saqafka herdisay bash, ka dibna ayadoo farood ah ayay u tagtay gabadhii mucjisada ahayd. Nasiib wanaag waxba ma gaarsiin ka dib markey ka gabbatay. Gabadha waxay ku qaylinaysaa “alla-wiilka, Alla Wiilka” Hal mar ayay Carwadii isu rogtay udug iyo caraf xaafadaha u dhawaa looga wada diirsaday.

Waxaa illinka hore ee carwada soo istaagay milkiilahii, Boqollaal qofood oo ku soo xoomay illinka hore ee Carwada ayaa kobtii cariiri ka dhigay. Badroonigii oo xanaaq cunaha la buurayo ayaa cod-dheer ku yiri: “Albaabaha laaba” isagoo ka baqay inay tuugo ku soo dhex dhuumato. Si halhaleel ah ayay shaqaalihi ku wada xireen albaabihii afarta ahaa ee Carwada. Gabadhii mucjisada ahayd oo wayday fursad ay ku baxdo ayaa iyadu wili gudaha ku jirto, Badrooniga waxuu ku qaylinayaa annagaa badaw carwo noo iibi niri; Intaan edbin ha ii ahaato iyo erayo ka sii kulkulul. Aflagaaddada Badrooniga waxay Baashi uga xanuun badnayd ulo dhabi ah oo si talantaalis ah korkiisa loogu shubayo. Xanaaqa ka tan batay, ayaa Badrooniga indhaha tiray, mana arki karo wax “Geel ka yar” Hal mar ayuu ku soo baraarugay cod uusan xitaa waligiis riyo ku maqlin oo ku leh;

“Maal adduunyo waa la helaa, ee wallaalayaalow wiilka gurmad u fidiya miyaydaan bini-aadan ahayn?”

Badroonigii intuu naxdin kud yiri, ayuu kala garan waayay meesha laga la hadlay, markaasuu billaabay inuu geesaha fiirfiiriyo, mise waxaaba dhankiisa biddix taagan oo kaga sokeeyo albaabihii uu yiri, ha la laabo, Gudahana kula jiro gabadhii mucjisada ahayd. Intuu si hufan u eegay oo uu quruxdeedii la indha daraandaray ayuu qalbiga iska yiri, tani insi ma ahee ma jinniyad carafta iyo udgoonka soo raacdaybaa? Xaggayse ka soo gashay albaabahan xiran? Mar kale ayay gabadhii ku celisay qayshigeedii gurmad raadis ee Baashi. Markaas ayuu badrooniga xaqiiqsaday in waxa la hadlayaahu insi yihiin, Markaasuu intuu yaxyaxay ku yiri, Cod baraf ka qaboow, Gabadha waa runteede war wiilka horta gacansiiya! Labo ka mid ah shaqaalihii Carwada ayaa billaabay inay Baashi ka dulqaadeen Baakadihii iyo jajabka dhalooyinkii ku dul daadsanaa! Dhaawac fudud ayaa ka soo gaaray foolka, waxaana ka tifqayo dhiig, Baashi oo sacabka ku hayo halkii uu ka daqramay ayaa meeshii laga soo garbo qabtay. Inta is la barafuunkii daqarka looga buufiyay ayaa bannaanka loo garqabtay si loo geeyo goob caafimaad. waxaa la saaray Taksi albaabka taagnaa, dandarrada carwada ka muuqatay, qasaaraha meesha yiillay iyo cabsi ay shaqaalaha badrooniga ka qabeen awgiis waa la waayay cid wiilka raacdo. Gabadhii mucjisada ahayd ayaa u danqatay Baashi shirkana ka gashay Taksigii, Badroonigii oo la yaaban ficillada gabadha, doonayana fursad uu ku barto qalanjadan ayaa intuu u soo dhawaaday ku beerlxawsaday “Huunno” maxaad isu dhibaysaa? Taksigan Carwada ayaa laga leeyahay Darawalka ayaana ku filan wehlinta wiilka’e. Gabadhii oo aan u jawaabin ayaa darawalkii ku amartay inuu dhaqaaqo maadaamo uu sido qof dhiig baxayo, Darawalkii oo isaga qudhiisa ahaa nin macquul ah ayaa gaarigii marshada ku boobay, Badroonigii oo weli taaganna boorka ku reebay. Baashi waxa dhacayo oo dhan waxaa illowsiiyay gabadha shirka saaran, Wuxuu jeclaan lahaa inay lugoysiiso baddalka gaariga oo ay isaga iyo iyada oo wada socdo lugahooda ku tagaan xarunta caafimaad ee loo wado. Waxuu qalbiga ka leeyahay;

Biri may xumaatoo
Muu badroolka daadshoo
Kaa wada bukoodoo.

La soco qaybta laabaad, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Saciid Muuse “Waxgarad”

SHEEKOOYIN