Hammi caashaq iyo hungo been ah Q9AAD W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q9AAD

Najmi markey albaabka ka degaysay, waxay go’aan ku gaartay inay erayadaas ka shalaayi doonto Nasra. Cayda iyo aflagaadada ay maanta kula kacdayna ay ku noqon doonaan dhibilo naareed, waxay ka qoomamaysay la saaxiibitaankeedii waxay is tustay in maalintii ay baratay ay ahayd maalin aad u xun oo ay jeclaan lahayd in laga reebo tirsiga beryha ay nololeed , waxay maalintaas u aqoonsatay maalin madow.

dhanka kale Nasra waxa ay maanta adduunka dadka dushiisa saaran ugu necebtahay, Najma waxay dareemaysaa in ay bahal guriga soo gashatay, waxay xasuusatay halqabsigii soomaalidu ku hal qabsan jirtay ee ahaa: “Ninkii barbaarshay bahal nool, ka baxsay ama boqna gooy”. Waxa ay ku calaalaysaa yaa dumar la saaxiibi jiray, waan ogaa in la jaal noqoshada dumar tahay gardaro bareer ah, waxay nafteeda ku tiri: Alla mar danbe mala saaxiibi doontaa qof dumar ah, isla meeshaas ayay ku go,aansatay in aysan qof dumar ah oo danbe aysan la saaxiibin.

waxay xasuusatay maalintii ay is baraysay Najma iyo Axmed sidii Axmed u diidanaa iyo hadaladii uu ku yiri, waxay dusha iska saartay in ay maalintaas qaldaneed, weliba ay gashay qalad wayn mugiisa iyo miisaan kiisaba leh, waxa ay is waydiisay sideed qaladkaan uga toobad keeni karta? Waxay istustay in aysan jirin hab ay uga toobbad keeni karto.

Mar kale waxay iswaydiisay horta yaad danbigaan ka gashay, waa maxay danbi aad gashay?

Waxay ogaatay in ay danbiga nafteeda ka gashay, danbi ay gashana yahay in ay sirteeda nafteeda ku qarsan waysay,waxay isku aragaty in ay tahay doqon aan siraheeda qalbigeeda ku xafidan Karin.

Axmed ilaa habeenkii ay Nasra isla hadleen ilaa hadda waxa uu Is waydiiyaaa Najma Iyo Nasra midkooda runta sheegaaya,?

In badan marka uu ka fikiro wax natiijo ahna u soo bixi waayaan maskaxduna daasho ayuu isku qanciyaa in saaxiibadiis Nasro ay run shegayso naagtaan Najmana tahay dulmilay rabta in ay Nasra ka fogayso.

Asaga oo xaaladdaas ku sugan ayaa waxaa soo wacday Nasra oo xanaaqsan oo dagaalamaysa, hadaladii macaanaa ee beerka taaban jiray markii uu ka waayay ayuu ku yiri: Abbaayo Nasra maxaa kaa qaldan sidaadii hore ma tihide?

Nasra oo su’aashaas sugaysay ayaa ugu jawaabatay adiga ayaa iga xanaajiyay waxaadna tahay doqon!

Axmed oo yaaban ayaa yiri: maxaan kaa halleeyay walaal?

Nasra ayaa ugu jawaabatay waad ogtahay waxa aad iga dhibtay waana ogahay, naagtii xummeed ee Najma ee aad maalmahaanba wadwaday in ay war been ah kuu sheegatay, taasna kaama malaysanayn, waan ku dareemay habeen hore in aad iyo yool baaraysay oo aad iga dhex raadaysay hadalkii ay kuu soo sheegatay.

Axmed ayaa ku yiri: Anigu ma waxaan kuula imid hadal ay qof kale ii soo sheegatay maxaad iigu xadgudbaysaa?

Nasra: iilama aaddan imaane waad ii sarbeebtay, ana waan ku fahmay balse ogow aniga maanta kaddib in aanan is aqoon doqonyahow aan garashada lahayni talefoonkaygana sooma garaaci kartid waxaad tahay maanta ayaan ogaaday waxaad igala safatay naag kale, balse hadda anaa kuu fasaxaye raac ayada.

Axmed oo anfariirsan ayaa Nasro ugu maahmaahay Nasrow waxaan maqli jiray “Halbaa geela cunto cabbaada” Nasra anigu weli waxba kaama hallayn ee nabsi hayga gelin, anigu naag kaama raacin ee walaalay waan ku jaclahaye jacaylkeena ixtiraam, haddii wax qaldan jiraana aan wadda saxno,anigu adi kaama maarmo waad ogtahaye.

Waxay ku tiri: Saaxiib igala tag calaacalka raqiiska ah ee aad wado, anigu adiga iyo Najma idinma arki karo, is wata oo badda is kala dhaca berigana aniga ii dhaafa.

Axmed ayaa ku yiri Nasra walaal maxaa ku gUbaaya oo aad isku ogtahay haddii horay laguu soo guursaday ii sheeg?

Nasra: Waxba kaama gelin ee dan yeelo taleefoonkiina waa ku dhigatay!

Axmed waxaa hal mar ku furmay dhammaan albaabada murugada, dhulkiibaa la yaraaday, hawadiibaa cariiri ku noqotay, waxaa ka xirmay neecawdii hawada, waxaa siyaaday oo kor u kacay garaaca wadnihiisa,jirkiisiibaa mar qura wada biyo noqday, kuleyl ayuu dareemay, cidlo aan markii hore hayn ayaa albaabka ka soo gashay, wuxuu galay werwer iyo walaahoow, waxa uu ka jiifsan waayey laba bogleyn, waxaa hadba dareenkiisa xanibayey oo hawlay xaallado is wada dabraya.

Axmed naftiisu waxay leedahay, waad saxantahay oo gabarta Najma ah god iyo siriq lagula rabey ayay kaaga digtey, gabartaan Nasra ahna eebbe ayaa kaa badbaadshay, haddana quustaa albaabka isu soo taagta oo dhaheysa, miyaad weydiisay? Beenbaad run mooday? Waxaa dirir culusi dhexmartey dareenkiisa iyo damiirkiisa, waxaa dood aan dhammaad lahayn galay, garaadka iyo maskaxda, waxaa boholyoow iyo caloolyoow ka joojin waayey wadnaha oo dalbanayey meesha uu rabo.

Habeenkaasi wuxuu u ahaa, habeen ka duwan habeennadii noloshiisa, wuxuu dareemayey waxaannu weligiis arag, Jacayl? Waa dhab inuu yahay dhimbil hadduu kugu xumaado, hadduu kuu wanaagsanaadona Malab. Xaallada Axmed waa:

  • Calool xumadayey xalaybaa
  • Gogoshu I cuntoon cartamee
  • Sidaan u cadilnaabaa
  • Cadceedu soo baxdee

Najma, Nasra iyo Axmed, qof weliba habeenkaasi wuu uga duwanaa habeennadii ka horreeyey tashi iyo talan ayuu meel la fariistay, qof walbaana baaxaa degaa ayaa hayey.Najma saddex jeer ayay telefoonka soo qabtay waxayna is weydiisay inay wacdo iyo in kale? Haddana waa ku dhiiran weyday.Axmed markuu waagu baryey ayuu soo qabsaday telefoonka isagoo raba inuu Waco……….

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaam Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN