Maalmihii Naruurada. W/Q:Hani Maxamuud Cabdi, Dal-jecel)

MAALMIHII NARUURADA.

Waxaan waayo dhafarno oo aan u dhididno, dadka qaar waxa aan qoreeyno na dhahayeen waa Khiyaali iyo waxba kama jiraan, waxaan usoo dhabar adaygnaba dulqaad iyo dadaal dheer ku bixinaba , waxaa la gaaray maalmihii naruuradda.Waa subax sabtiya taariikhduna aay ku beegan tahay 23/ 12/2017, waxaa soo dhawaatay guullihii uu qof kastaa sugayay, waxaana la joogaa maalin iyo madal qurux badan, goobta waxaa ku suggan abwaano, barayaal(Macallimiin) Qoraayaal, madax iyo arday.

Jawiga waa mid dagan oo nabdoon oo aad u qurux badan runtii , qof kastaana wuxuu sugayaa markiisa iyo qudbadiisa sida uu madasha u qurxin lahaa oo uu dadka dareenkooda u soo jiidan lahaa, waxaa meesha yaala buuggaag kala nooc ah oo uu midba midka kale ka liidanin.

 

 

Maalinta koobaad madashaasi waxaa lagu soo bandhiggay buugaagta kala ah:-.

Ardayga wanaagsan Barre Jaamac Maxamed mahad( Suuleey).

Baaq u jeedinta barbaarta ku howlan barasha( rowda).

Nabad-Doon (Hani Maxamuud Cabdi, Dal-jecel)

 

 

 

 

 

 

 

 

Maalintii labaad buuggaata lasoo bandhiggay waxaa ka mid ahaa.

Mugdiga nolasha( Maxamed Saalax Maarre)

Ha saluugin dhulkaaga hooyo ( Deeqo Cabdi Cismaan).

Yaa i dhalay   (Najax Aadan Faarax)

Qaado furaha farxada(Najax Aadan Faarax)

Sheekaba sheekeey keentaa( Amaal Gilin)

Habeen kaama tagin( Amaal gilin)

Madashaasi iyo maalintaasi waxa aay ahayd maalin qurux badan.Nabad ayeeyna kusoo dhammaatay.23-24 waa maalmo agteena qurux iyo qaayo ku lahaa, ee aan ilaabbi doonin marnaba.

 

 

 

 

 

Waxaa mahad iska leh Allah, marka labaadna waxaan u mahadcelinayaa agaasimaha bandhigga carwada buugaagta Hiiraan ( Faarax Maxamuud Xiirane).

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa walaalo qaali ah.

  1. Yaasir Dhaqane.
  2. Xasan kaafi.
  3. Khadar Jiille.
  4. Saakil

Sidoo kale waxaan u mahadcelineeynaa martidii nooga timid meelo dhaadheer, ee jecleeysatay in aay nagala soo qeeyb galaan madashani.

Mahadsanidiin

SHEEKOOYIN