XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 51aad     

                                                    1-Qibrad iyo farxad 
Waqtiga waxba ha eedayn.
Waqtiga wanaagsan farxad ayuu ku siiyaa.
Waqtiga xun qibrad ayuu ku siiyaa. 
Qibrad iyo Farxad waad u baahantahay, labadaba waa u muhiim nolosha noolaha.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                      2-Qibrad iyo Dulqaad
Marka aan wayno waxa aan doonayno waa inoo shalaayto sida uu dareenkeena muujiyo dhabtase sidaa maahan, wixii aad wayso adiga oo doonayo waa kuu qibrad lagugu barayo dulqaadka.
Mohamed Musa Shiikh Noor  

                                                 3-Qanaacada Qalbiga 
Kuwa si dhab ah ugu kalsoonaado Alle mar walba wuxu siiyaa waxa ugu wanaagsan ee ugu barakada badan.
In wax walba lagu siiyo waxaa ka qiima badan in qalbigaaga laga buuxsho deeqtoonaan daganaan ku dheehantay, taas haddaad heshidna macna badan kuuma lahan tirada nimcada aad helaysid yaraan iyo badnaanba waad ku qancaysaa

                                                           4-Qalbi nagan 
Ka bari, Allahagaa mar walba qalbi addeeca wax walba ha kugu dhacaanee, maxaa yeelay ma wanaagsana qalbiga yahaysiga badan ee la gadgadoomaa xaaladaha nolosha.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                             5-Laba jeer hal qalad ma samayn kartid 
Hubaal marka labaad ee aad isla qaladkii suubiso waa doorashadaada.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                            6-Filashada wanaagsan

Farxaddu waxay timaadaa marka aad filashada xun iska fiijiso, filasho xun oo feerahaaga ku jirta, farxad ha filanin.
Mmusa

                                                   7-Mugdiga

Mugdigu ma dheeraado ee mashaqadiisaa na maamusha.
Qorraxdu way soo baxaysaa Mugdi walba oo jira, ee musiibada waa mixnadda aan ka qabno cabsidiiisa (Mugdiga).
Mmusa 

                                              8-Wacnaan lahaydaa

Wacnaan lahaydaa haddii aan wada dhalan lahayn inaga oo wada garan karna waxa inoo wanaagsan iyo waxa inoo xun, kan nolosheena ku haboon iyo kan khasaarada inagu ah, kan ina lug gooynaya iyo kan ina dhisaya.
Mmusa 

                                          9-Qof aan kuu qalmin

In aad isku murjisaa oo isku buuqisaa qof aan u qalmin xitaa in uu noloshaada qayb ka noqdo maba ahan, nolashu waa mid gaaban, marka in buuq looga faaidaysto ma mudna.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

 

                                                10-Qaabka noloshaada

Marka uu noqdo qaabka noloshaada mid Alle ku xiran markaas Alle wuxuu ka dhigayaa noloshaada mid ku dabaqan Jacayl iyo Farxad loo aayo.

 

                                                     11-Neecowda 
Neecowda ma casuumi kartid haddii aadan dariishadaha u furan, macnaha aan ula jeedo ayaa ah in wanaag aadan arki karayn haddii aan xagaaga laga arkin.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

 

                                                        12-Nacaska iyo Caaqilka.
Nacaska su’aalihiisa waa ula muuqan karaan dadka qaar wax lagu yaqyaqsado oo waa is dhihi karaan yaan kan idinka aamusiya midkan, balse waa u xikmad uu wax ka kororsado caaqilka, sida uu nacasku caaqilka erayadiisa u quuto.
Mohamed Musa Sh. Noor 

                                                13- Muujinta dareenka 
Sida aad doonta ha usoo tufo qalbigaaga waxa ka dhex guuxaya, waxaa hubaal ah in dareenkaga qalbigaaga muujintiisa aysan mararka qaar qaylo iyo dareen jismiba uusan ku filnayn muujintooda.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                          14-Maxaa dheertahay malaayiinta dhimata 
Bal xusuusta iyo qiimaynta  naftaada dib u celi kana fakar malaayiinta qof ee maalintii dhinta ayaga oo aan la ogayn, maxaad uga duwantahay maxaasa dheertahay, miyaysan ahayn kuwa sidaada oo kale lahaa hammiga iyo himadda nolosha aad ku taamayso, nasiibkaaga aad ayuu u wanaagsan yahay maanta ee jaaniskaaga uga faaiidayso gogol xaarka qurxoon ee barito.
Mohamed amusa Shiikh Noor

                                                         15-Maslaxaddaada 
Ilaahey mar walba qof ayuu noloshaada ka siibaa ama ka reebaa, taa macnaheeda maahan in adiga lagugu dhibayo waa dantaada, balse adiga ma dareemi kartid sidaa darteed ka fakar waxa aad u oynayso ama ka daba cararaysid.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                               16-Masayr
Haddiiba uu jiro masayr lagaa maseeray markaas wax wanaagsan ayaad suubisay ama suubinaysaa.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                            16- Mahadda eebe 
Mahadda waxay u sugnaatay rabiga mar walba kuu taagan marka qof walba kaa tago.
Mohamed Musa shiikh Noor

                                               17-Ladnaanta iyo barwaaqada 
Ma ahan in ladnaanta iyo barwaaqada ay kula tagaan oo ku hilmaansiiyaan in aad tahay mar walba daciif baahi badan oo mar walba wax tabanaya, qofka caaqilka ah waa midka ay mar walba u tirsan yihiin waqtiyadiisa adkaa ee uu soo maray ee laga qafiifiyay dhibtii uu tabanayay.
Sidaas darteed mar walba ha hilmaamin waydiisashada aad rabigaa wax waydiisato, maxaa yeelay waxaa tahay Baahibadane mar walba baahan.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                  18- Kula dhaqan waaliddiintaada                                                                                                          Kula dhaqan waaliddiintaada Jacayl iyo Naxariis
macnaha ay leeyihiin marka aad garan karto waa mar aadan waxba qaban karin.
Mohamed Musa Sgiikh Noor 

                                                   19- Khayr iyo Shar
Wax walba oo nolosha aad kala kulantid waa saddex arrin oo kala ah khayr, shar, iyo cashar 
Dadka qaar ayaa kuu shar ah khayrna kuu noqon karaa, afcaasha qaar ee aad samaysid ama lagugu sameeyana waa kuu cashar aad wax ka baratid.

                                                    20-Mararka qaar

Mararka qaar sida aan rabno aan u ducaysano aana u baahi badnaano, sida aan rabno aan u illin shubno , sida aan rabno aan u qalbi jabno, haddii ay noqoto jawaabta Alle maya,waa maya, maxaa yeelay Alle waa midka ugu jawaabta qurxoon inta jawaabta uguna doorid fiican.
Mmusa

                                                 21-Iimaanka iyo dhaqanka 
Iimaankaaga kaama dhigo qof wanaagsan ee waa dhaqankaaga waxa ku wanaajiya.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

W/Q: Mohamed Musa Noor

la soco qaybaha kale Axad walba 

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN