Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q1AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q1AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaantu, waa taxane aan ku taabba gelinayno suugaantii ay ka tageen halabuuradii caanka ahaay ee maguurtada sooyaalka galay, ha ahaadeen kuwa geeriyooday iyo kuwa iminka nool’e. Wuxuu noqon doonaa taxane maalin kasta oo Arboco ah kusoo bixi doona, mareegtaan LAASHIN.COM. Waxaan ku diiwaan gelin doonnaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed jaadadkeeda kala geddisan, intii aan awood karno.

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Yaabka ka heshiiya” waxaana tiriyay: Abwaan Maxammad Gacal Xaayoow (A.U.N.) wuxuuna uga qayb galay tartan suugaaneed ka dhacay waddanka Maraykanka, oo ay soo qabanqaabiyeen aqooonyahnno Soomaliyeed. Waa guurow aad u qiima badan oo na baraya awoodda curineed ee Abwaan Maxammad Gacal Xaayow Eebbe ha u naxariistee. Wuxuu ku baxaya Xarafka “YA’DA” oo ah xarafka ugu adag ee lagu maansoodo halabuurada wax ka curiyaana ay kooban yihiin waana Guurow waddaniyeed ka mid ah kuwa ay ugu jecel yihiin dadyowga Soomaliyeed aadna ay u qaddariyaan. innagoo dhihi karno Abwaanku waa muftiga koobaad ee xagga dal iyo dad jaceylka, maxaa yelay waa Abwaanka kaliya ee aan weligii qabyaalad, qabiil, qolo, iyo deegaanba u gabyin. Waana sababta ay ummadda Soomaaliyed milgaha iyo maamuuska ugu hayaan Eebbe qabriga ha u waasiciyo’e. Guurowguna wuxuu u dhacay sidaan ee ka bogasho wacan:

Yaab adduunyo waa badanyahee, Boqol yaxaaslayda
Yixda nagu dillaaciday wixii shalay, Na yeelsiiyay
Ninki yoom ku xiga yoolka geey, Hana ku yaasiinsho
Yicibtiisa nabad laguma guran, Yaallinka ahayd’e
Yebedhaal gu’eed nooma di’in, Yaare loo bogaye
Lama yeelan yaambiyo misaar, Yebesha reebaane
Yaanyada raggii diidi jiray, Yaabiskow gebaye
Yaaq yaaqsi dheregtaa dhashee, Yooca loo kariyay
Yarya wayn qabiil lagu yurgamo, Yarad naloon siiye
Calankaase laysugu yimaad, Yaaqa dheer surane
Yoomkaanu waa kama danbeys, Waa isugu yeela
Laydin yiriye soomaali yahay, Yaabka ka heshiiya.

Yatiin aabba laay iyo dadaan, Yicista kaalmeeya
Yalalaxada geed laga dugsado, Ugu yagleelaynin
Ee yamaaruggii hoose iyo, Yaayagii gubayay
Yabaaqane ka foge yeey ku yu’an, Ugu yed qaadaaya
Iyo kii yabooh iyo siddaqo, Yurub usoo haybshay
Yay maqnaane yoondhaaf warbixin, Yaable maqashiiyay
Ubadkeennu waa kala yaqaan, Kii wax ugu yaale
Yoolbaar la’aanbaa bad wayn, Loo yunbanayaaye
Haddii yeesho quruntaa waqtigu, Kaa yurqamiyaahe
Yaas yaasadii naga kacdiyo, Dhogorta yoolaasha
Yaxashada dareen inuu ku jiro, Waa yaqiinsadaye
Yoomkaanu waa kama danbeys, Waa isugu yeela
laydin yiriye soomaali yahay, Yaabka ka heshiiya.

Haddii yebel baroorada gu’eed, Geed yaleeshanaya
Yaruursadu nagaari ku yeel, Yalalax dhihi waayo
Waana yaarsadaa sida bukan, Ciil la yuuraraye
Yiddanoo martiyo soo yurgama, Gogosha loo yaacsho
Ma yuwaade yedeloow hogtaa, Waana loo yimide
Haddow yaxar ahaay xoola nool, Kama agyeeraane
Haddii yayga lagu soo ag dhigo, Yoowmal Aakhirda
Oon adduun wax kuu yaalla jirin, Waa laguu yimide
Yaasiinka waa kugu celshaa, Macallin yool gaar’e
Raggi yimidi Soomaali yiri, Aan isugu yeerno
Kolleey yeera yeeree yam iyo, Aan ku kala yaacno
Yabooh laguma helo ceebtaniis, Kama Yureeydaane
Yoomkaanu waa kama dambays, Waa isugu yeela
Leeydin yiriye soomaali yaheey, Yaabka ka heshiiya.

Yaatihiin haddii nalan yiraa, Magacu waa yaallin
Ha ka yaabin yooc iyo sarmaan, Meel is kula yaale
Ka yabaala jiriddee ma nihin, Diima kala yeeshay
Yac moogaanse nahay caanahaan, Yirac ku Tuurnaahu
Wixii yeellay Koofur Afrikee, Medabbaduu yeelay
Ee Yuhuuddu Falastiin wax badan, Uga yabiiq siisay
Ambaan yoomka maantaa ognahay, Yamanta lays raacshay
Yebedhaalki Honkon waxii, Yoolka madar geeyay
Amma yaxabti Baarliin tirtiray, Kii yaqiinsadaye
Yeed wax uga shishaynoow waddada, Lagu yaloombaayo
Wax ku yeelo kuwa loo yasiray, Ee yiddo u buuxdo
Wax ka sii yar yoogada muggeed, Kugu yaboohayne
Yoomkaanu waa kama dambeys, Waa isugu yeela
Laydin Yiriye Soomaali yaheey, Yaabka ka heshiiya.

Yaab waxaa leh Soomaali yiri, Yeelimaa nabade
Yaa le ciidda yaa heer u maqan, Yow sugaa calanku?
Yaa maala yaa yibir ka guray, Waxa u yaal Yaa og?
Yaa yirbixiyay yaa yirid ka gubay, Yaa u kuba yeela?
Yaa difaacay yoomay caddahay, Yoow dagaal yahana?
Yaa u yeera yow macalinkiya, Yow aqoonyahana?
Yaa wax baraya yay wax u bartaan, Yaa dugsi u yeela?
Yaa walwaala yaa wax u yaqaan, Yaa cilmi u yeera?
Yaa yuqsiisay yabaxii kabaxay, Waxa u yaal yaa og?
Yaa ii warrama yaa wax ka og, Yaa waddaniyiina?
Yedda laguma qaban Qaranimadii, Yaallinka ahayd’e
Hayeeshee yamin iyo shimaal, Ugama yeertaane
Yoomkaanu waa kama dambeys, Waa isugu yeela
Laydin yiriye Soomaali yaheey, Yaabka ka heshiiya.

Yarsinkii hilbaha yaaddadada, Yacayga noo saare
Lagu yuubtay habar yaasadaan, Yuuq la dhihi waynay
Yaxaas yaxaas waa sidaan biya hadday, Bari u yoolaane
Yaa mudan la waay iyo yufkay, Nin uga yaalliine
Yaabya amankaag waxaan ahayn, Kama yimaadiine
Yax yax iyo xishoodkaba raggii, Lagu yaqiin wayne
Is la yoontu calaf yaasa go’ay, Kaalinta u yeeshay
Yaasiin iyo kun yaahoo xitaa, Kumma Yalmaayaane
Wixi yaal hunguri yuunnadii, Yaydin wada siiya
Gaashaanka ugu Yuurarsaday, Libin ma yeeshaane
Yoomkaanu waa kama dambays, Waa isugu yeela
Laydin yiriye Soomaali yaheey, Yaabka ka heshiiya.

Yabooh khayr leh Eebbow na sii, Yaab tiraa tahaye
Allow dhebedka yow Laynayiyo, Yibinta yeerayda
Iyo yoolka nagu fuuraree yar iyo, Wayn laayay
Labadaba Allow naga yasire, Nagu abaal yeelo
Yacaad waxa ka dhigay dhiigga yaga, Caafimaad Yariye
Yuudaan qabyaaladu ka xume, Beeshi kala yaacday
Eebbow isugu yeer adaa, Noo yuwaad nabade
Yool yool carruuruhuba, Waysugu yimaadiine
Hayeeshee yabaaq male haddaan, Yuunga loo karine
Yoonki Eebba siiyana hunguri, Waa yamyamiyaane
Eebow abaar yuubataa, Waa col kula yaale
Yeddaadaan isku halayn jirnee, Noogu yeer calafka.

 

La soco qaybaha xiga. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN