XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 52aad                         

                                               1- Illinta Taqwada

Way wanaagsantahay in lala ooyo xanuun ku haya, balse ma ahan xanuunku xanuun adduun ee waa mid Taqwo, maxaa yeelay illinta taqwada ee Rabbi gaarta lama soo celsho waa sida Duco oo kale.
Mohamed Musa Shiilh Noor 

                                                   2-Hoos ha u fiirin Dadka 
Ma ahan in aad hoos u fiirisaa dadka, maxaa yeelay hoos in wax loo fiirsho  waxaa iskaleh Alle oo kaliya.
Haddii aad maanta ladantahay caafimaadna qabtid micnaheeda maahan in aad sarrayso oo dadka hoos u eegi karto, barrito ayaad hoos noqon kartaa, sidaa darteed marnaba hoos ha u eegin qofna, illaa in aad caawinayso mooyee.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                          3-Guusha 
Guushaada yaysan madaxaaga taaban oo kula dagin.
Guul darradaada yaysan qalbigaaga taaban oo ku duminin.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                                         4-Gabadhaada 
Gabadhaada sida aad ula dhaqmi lahayd ula dhaqan dumarka oo dhan.
Isma dhahayo xumaan ayaad u quuraysaa gabadha aad dhashay, waana sababta aan cabirkaas kuu siiyay
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                       5-Fikrad xun 
Hal mar oo fakar xun la kala qaato wuxuu sabab u noqon karaa afkaar fiican oo la wada wadaagi karay in lagu kala tago.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                          6- Ficil walba 
Talaaba walba ama ficil walba oo dunida aad ku samaysid macno ayuu leeyahay, balse adiga ayay kugu xirantahay fikradda aad doonayso in lagaa aamino ama ficilka aad samaynaysid qaabka uu noqonayo.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                     7-Dadka ugu farxadda badan

Dadka ugu farxadda badan ma ahan in uu waqtigu ugu deeqay jaaniskaas ee waa ayaga oo ka samaystay waqtigooda midka ugu farxadda badan.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                                8-Waxa aad tahay ahow

Waxa aad tahay ahow, haddaad qof ku dayato waxaa tahay Fake.
Dadku assalka ayay jecel yihiin fake lama jecla, sidaa darteed shaqsiyaddaada ilaasho.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                      9-Dumarka
Dumarka waa kuwa ka dambeeya Nin walba oo wanaagsan ama xun ama geesi ah ama fulay ah, sidaa darteed waa kuwa mar walba naga mudan Xushmad.
Mohamed Musa shiikh Noor

                          10-Wax walba waxay kuu imaanayaan waqtiga ku haboon                                                                                    Wax walba waxay kuu imaanayaan waqtiga ku haboon ee dulqaad u yeelo , marka aad heshidna adiga ayaa ka faaidaysan kara ama iska qasaarin kara cidna ha ku eedin .
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                             11-Doorashada wahelkaaga

Marka aad dooranaysid lamaanahaaga nolosha waa in aad si taxaddar leh u doorataa, maxaa yeelay marka go’aanka nuucaas ah la gaarayo go’aankaas 90% wuxuu noqon karaa mid farxad ahaan loo dhaxlo ama murugaysan.
Mohamed Musa Shiikh Noor

                                                  12-Ducada iyo qalbi wanaagsan

Ducada iyo qalbi wanaagsanaanta aad mar walba ugu deeqdid dadka kale ogow in Alle maqlayo una aqbalayo, sidaas si la mid ah marka aad faraxsantahay nabad qabtidna qof baa kuu qalbi wanaagsan kuuna soo ducaynaya ducadiisana laguu aqbalayaa.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                    13-Ha ka cabsan dhimashada

Ha ka cabsan dhimashada ee ka cabso nolol aan nolol u qalmin taas oo ay ka maqantahay cibaadada lagu faray.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                            14-Dadka iyo degaanka 
Dabeecadda dadka waa in la jeclaado ama ay wax jeclaadaan, wixii kasoo harana waa in la isticmaalo, balse la yaabka ayaa noqday in dadkiina la isticmaalayo,qalabkii iyo wixii kala ee alaabada ahaana la jelcaanayo.
Dunidu is daba mar badnaa!

                                                            15-Lacagta iyo dadka

Lacagta in la isticmaalo ayaa loo sameeyay dadkana in la jeclaado.
Maantase yaa la isticmaalaa, yaasa la jecleyahay?

                                                             16-Aragti iyo maqal

Aamin waxa aad aragtid kala barkood
Waxa aad maqashana ha aaminin.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                              17-Aqbalsanow

Aqbalsanow waxa aad tahay iyo waxa aad haysato inta uusan waqtigu kugu kallifin in aad aqbasho waxa aad haysatay.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                       18-Alle waa Maqle 
alle waa maqlaha ugu wanaagsan dhan walba, sidaa darteed looma baahan in aad qayliso ama baroorato, wuu kaa war qabaa mar walba wuuna ogyahay dariiqa aad ku socotid, bilowga iyo dhamaadkaaga wuu la socday lana socdaa.
Ku dadaal nadiifinta qalbigaaga maxaa yeelay alle qalbiga daacadda ah ee shiban ayuu maqlayaa una jawaabayaa.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                              19-Wadaadka

Dunida aan ku noolnahay ninka wadaadka ah ee kitaabada iyo culuunta kala aqriya waa Faqri midka cilmiga dameeraha iyo Eeyaha soo bartayna magacyo kala duwan ayuu leeyahay qiimana waa la siiyaa, marka si dhab ah aad u fakarto ma tahay noloshaas nolol si dhab ah loo qiimeeyay ee u qalanta qof walba heerka uu taagan yahay 

                                                              20-Tix gali Alle
Haddaad hodantinimo wax ku tix galinayso 
Alla ku tix gali.
Haddaad faqiirtinimo wax ku tix galinaysana 
Allaha faqiirka samaystay ku tix gali. 
Marka qof Baniaadam ah oo labadaas xaalad ku sugan ha ku dambaabin adiga oo ku tix galinaya heerka, noloshiisa, mar walba sida wanaagsan ee cadaaladda ah wax ku tix gal,iimaankana ku haay in Alle uu wax walba samaystay 
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                    21-Cafi oo iska hilmaan 
Hilmaanka ragu waa badan yahay cafintooduna waa yartahay halka dumarka ay cafis badan yihiin balse hilmaan yar yihiin .
hadana labadooda waxaa u wada wanaagsan in ay cafiska wada badiyaan si nolosha hore u gu socoto 
Mohamed Musa Shiikh Noor 

la soco qaybaha kale Axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN