BELED XAAWO MA MADIYAA? W/Q: Prof: Yaxya Sheekh Caamir

BELED XAAWO MA MADIYAA? W/Q: Prof: Yaxya Sheekh Caamir

Buula Xawo waxaa la asaasay 1910kii, waxaana Aasaasatay Marwo: Xaawo Cismaan Gurey, Dadka qaar ayaa qaba in ay Aasaastay Haweeneey la yiraa: Xaawa Samatar Aamin oo ahayd xaaska Asgari Soomaliyeed oo lagu magacaabi jiray: Faarax Looyaan oo degganaa Mandheera intii aanan lagu wareejin Kenya.

Buula Xaawo waxaa dib loo dhisay1960 ka dib markii Gumeeysigii Ingriisku uu Burburiyay, debna qabadsiiyay. ka dibna waxa ay noqotay magaala wayn, waxaana loo bixiyay: Beled Xaawo, waxaana ay noqotay Degmo buuxda 20.8. 1972dii. waxana magaalo aad loogu ganacsado kuna taal goob Strategic ah oo ah xadka kala qaybiya Soomalia iyo Kenya.

Maanta Beled Xaawo waxaa ka socda dhagaxtuur ka dib markii dowladda Kenya ay bilaawday in ay kaligeed xuduud u sameeyso labada Dal. Haddii laba Dal soohdin loo sameeynayo waa in ay joogaan Labada Dal iyo weliba cid seddexaad haddii loo baahdo.

Taasi ma dhicin, hal dhinac ayaa kaligii ku dhaqaaqay, shacabkiina waxa ay dareemeen xad gudub, waxa ay bilaabeen in ay dhagaxa tuuraan, waqti hore ayeey Soomalidu dhagax u isticmaali jirtay si ay isku xoreeyso, sida dagaalkii Dhagax tuur, waddama badan ayaa dhagax isku xoreeyay, xataa xayawaanka qaar ayaa dhagax isku difaaca.

Waxaa yaab ah,in dowladdii Somalidu ayna weli ka hadal, Baarlamaanku weli kama hadal, Madashii madaxda maamul gobaleedyadu kama hadal, Maamulka Jubbalaan kama hadal, Guddoomiyihii Gedo kama hadal, ASWJ-dii Gedo kama hadal.

Kenya waa waddan demograti ah, ayna wax ka maamulaan Soomali masuuliyiin ah, in aad arragtidaada ka dowlad ahaan ama ka masuul ahaan aad u sheegto kama hor imaanayaan,Wasaaradda arrimaha dibadda soo lagama rabo in ay ka hor tagto wixii xiriirka xumeeynaya.

(yaa-yaa, waa yaabaye ragga ma xiniinyahaa laga haayaa? Ma faraa laga haayaa? Ma wadahadal hoose ayaa socdaa nalagu qancin rabaa?”  ma ogi, war jiraaba).

Soow cajiib ma ahan?, Reer Beled xaawo ma madiyaa, walaalo miyayna lehayn. Ma waanay ahayn Beled Xaawo qayb ka midah dalka?. Miyaayna ahayn kuwii wax uga soo halgamay gobannimada Soomaalida? Miyayna ahayn kuwii ku caan baxay la dagaallanka Gumeeysiga? Maxaa loo hagranayaa?.

Ar anaa yaabay, dhagaxii aan Xamar ka tuuro Beled Xaawo ma dhaafaa? Tabaru intaas miyay dhaafi wayday? Annagaa teennu na haysaa cudurdaar ma noqonayso, qof ahaan iyo qaran ahaanba, waxa dayacaad masuuliyadeed.

FG: .(wixii aan ku khaldanahay iga sax, arragtidaadu waa muhim).

W/Q: Prof: Yaxya Sheekh Caamir

 

 

SHEEKOOYIN