XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 53aad                         

                                           1- Geesi, guulaysto,iyo adkeeste
Waxaanu ku kulanay meel duco lagu qabay waligeen isma arag balse qaraabada ayuu ahaa sheeko ku sugasho ah ayaa ina dhex martay, wuxu ahaa Oday wayn wadaadna iila ekaa, sida aan u wada sheekaysanaynay oo marba dhinac ay inoola aadaysay sheekada ayuu xiligii aan is maca salaamayn lahayn igu yiri 
Sadex ayaan ku leeyahay si aadan xadka uga bixin una noqoto nin mar walba qiimihiisa garta 
Wuxuu yiri 
1 is adkee marka aad dhab u daciifsantahay oo adkayso samirkana kaasho 
2 geesinimadaaduna hasoo dag dagto marka aad cabsi dareento maxaa yeelay nin cabsada geesi ma ahan iimaankiisana ma dhamaystirna 
3 marka guushaadu ay badatana jilacsanaantaada ha badato oo ha noqon mid is mahdiya 
Mar walbana iska ahow mid meel dhexe lagu tilmaamo.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                 2-Way ahayd in ay ahaato
Is eedaynta ama is canaanashada uu qofku is canaanto sideedaba ma ahan wax saldhig ku leh qaab nololeedka dunida u shaqayso, waxa uu qofku isku eedaynayo waxaa wanaagsan in marka hore uu qiimayn ku suubiyo.
Qalad sidiisaba lama galo haddii la ogyahay in uu qalad yahay, mararka qaar waa dhacdaa in la sameeyo qalad iyada oo la is leeyahay wax wanaagsan halaga helo qaladkaas, ama hunguri ahaan uu qofku u sameeyo ama duruufaha kale ee nolosha ay sabababaan, waddooyin badan ayay ku yimaadaana qaladaadka dadka ka dhaco, sidaa darteed, haddii qof walba uu ogaan lahaa natiijada qaladkiisa ka dhalan karta in ay dhaawac wayn u geesan karto ma jiri lahayn qof qalad suubiya, marka waa ogaal la’aanta waxa saldhiga u ah qaladka la galo maxaa yeelay natiijadiisa lama oga taas ayaana sahasha ayaan dhihi karaa waxyaabaha qaladka sidiisaba keenaa.
Hadaba sidaas haddaan u sharaxay in la isku eedaa miyaa? marka wixii kaa dhaco oo aad markaa ku shalaayso in aysan ahayn in aad sidaa samayso, haa ma ahayn in aad samayso balse ma ogayd natiijada sababtay shalaaytadan aad hadda shalaynayso? jawaabta waa maya, hadaba waxaan oran lahaa yaanan isku eedin qalad aan galno ciqaabtiisa, waa in aan ogaanaa oo kaliya in sababta aan anaga leenahay aana ka fakarnaa sidii mar labaad aanan qalad nuucaas oo kale aanan u samayn. 
Dhibic roob ah oo cirka kasoo dhacda ayaa sababta Daadad badan oo dad iyo duunyaba halaaga, Roobka miyaa lagu eedayn karaa marka dhibkaas dhacay? jawaabta waa maya, maxaa yeelay roobka waa loo baahan yahay haddii wax la eedayo waa inaga, maxaa yeelay inaga ayaa nalaga doonayaa in aan hagaajino deegaankeena oo aan kala ilaalino meelaha dhibkaas oo kale uu ka imaan karo.
Sidaa darteed, sida dhibicda roobka ah aan loogu eedi karin sababta daadadka dhaaca, ayaan laguugu eedi karin qaladka kaa dhaca, maxaa yeelay haddaad ogaan lahayd natiijada dhibka leh ee kaaga iman karta maba aadan suubiseen, way ahayd in ay ahaato uga tag.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                3-Waxyaabaha qiimaha inoo leh 
Daciifnaanteena waxaa ka mid ah in ay jiraan waqtiyo aysan noo muuqan waxyaabaha qiimaha inoo leh, balse aan kala ogaano wax muhiim ah  ama qiimo inoo lahaa ay naga lumeen waqtiga ay gacanteena ka baxaan, xilli walba oo wax gacantaada ka baxaana waa adagtahay sida ay ugu soo laabtaan xitaa haddii ay dhacdo in ay kusoo laabtaan ma lahaan karaan qiimihii ay lahaayeen, sidaa darteed waxaa wanaagsan in aan isla hadaba qiimayn ku suubino waxa aan haysano, inta bari marka ay gacanteena ka baxaan aan u shalaay lahayn.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                       4-Tijaabada iimaanka 
Tijaabada iimaankaaga ayaa ah marka aad waysid wax aad aad u doonaysay hadana aadan helin iyo dhibaatooyin kale oo kugu dhacay hadana aan ku illawsiin in aad tahay qof nasiib badan mudana in sidaa loo imtixaano hadana aan ka daalin mar walba mahdinta Alle.
Qofka nuucaas ah haddaad tahay ku bishaarayso in aad tahay qof iimaan wayn leh.
Mohamed Musa Shiikh Noor  

                                                       5- Saaxiib wanaagsan 
Is faham badan in uu idin dhex maro dad badan oo macna aan ku fadhin muhiim maahan ama dadka ay kuu fahmaan in aad tahay qof faham badan marba haddii aan lagugu qaddarinayn waxa aad tahay ama dadkaas badan ee aad is fahamteen aysan waxba kugu soo kordhin karin.
Dadka qaar ayaa mar walba ku dadaalo sida loo samaysan lahaa asxaab badan, taas waxaan qabaa in aysan muhiim ahayn, waxaana taas ku badali lahaa samayso saaxiib tayo leh, kaas oo marka aad xoogaa hoos tahay u baahnayn in aad u sheegto balse wax walba wajigaaga ka aqrisan kara kuguna soo kordhin kara xalka waxa aad mar walba tabanayso.
Muhiim maahan in wax la isi siiyo, balse in waddada wanaagsan ama furaha xalka dhibaatooyinka aad tabanayso laguu sheego ama laguu tilmaamo ayaa ka muhiimsan in dhaqaala ahaan wax laguugu kaalmeeyo.
Waxaan kusoo gaba gabayn lahaa muhiim maaham in aad leedahay liis badan oo asxaab ah, ee waxaa muhiim ah in aad leedahay saaxiib mar walba meesha aad ka liidato kuu taagan oo garabka kugu hayo marka aad liicdaba kusoo celsha, mmmmmm midna ogaada in asxaabta qaar ay ka wanaagsan yihiin kuwa caloosha kaala soo baxa.
Mohamed Musa Shiikh Noor 

                                                            6-Nimcada Alle
Nimcada Alle iyo caddaaladdiisa waxaa ka mid ah in uu inoo xisaabiyo camalkeena iyo waxa aan ku dhawaaqno, ee uusan inoo xisaabinayn waxa ay dadka inaga sheegan.
Mmusa 

                                            7-Dhabta iyo dhalanteedka
In qof kugu nacaa dacadnimadaada ama u toosnaanta aad xaqa u toosantahay waa guushaada, maxaa yeelay, qofka caqliga gaaban ayaan aqbalin dhabta oo mar walba ku nool dhalanteedka, sidaa darteed, dhabta iyo dhalanteedka isma qabtaan.
Mmusa 

                                                    8-Filashada wanaagsan
Farxaddu waxay timaadaa marka aad filashada xun iska fiijiso, filasho xun oo feerahaaga ku jirta, farxad ha filanin.
Mmusa

                                              9-Runta u sheeg naftaada

Sida uu dareenkaaga runta ah yahay marka aadan naftaada u sheegin  waa marka aad cagta saarto waddada isku buuqa, runta in aad aqbali waysaana waa sifo kale oo sii adkaysa noloshaada.
Mmusa 

                                                10-Daacadnimo

Daacadnimada macnaheeda maahan in aad waqti badan ku raagto qofka aad daacadda u tahay, ee waa in aysan xaaladaha is gadiska badan ku gaddin xitaa waqtiga adag.
Mmusa 

                                              11-Xaaladaha qaar ka gaabso

Marka aad xaaladaha qaar ka gaabsato ama iska indha tirto micnaheeda maahan in aad isla wayntahay ama doqon tahay ee waa Xeelad aad kaga fogaanayso xaaladaha madax xanuunka leh, sidoo kalana aad ku abuurayso xaalad wanaajisa xiriirka kaala dhaxeeyo dadka iyo dareen wanaagsan.
mmusa 

                                              12-Afar ha ku adkayn waligaa 
Dumarka  haku adkay 
Caruurta  haku adkayn
Adeegaha haku adkayn
Iyo qofka kuu cudur daarta.
Mmusa 

la soco qaybaha kale axad walba 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN