Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada W/Q:Hassan Mudane

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada

 

 

Maxay tahay baaris?

Buuniyada ku xeeldheer aqoonta sayniska iyo bulshada waxa ay soo gudbiyeyn qeexitaano kala duwan, iyaga oo ka eegaya dhinacyo kala badan. Martyn Shuttlewoth waxa uu soo gudbiyey qeexitaan guud, waxa uuna yiri “Baaris waa uruurinta xog, ogaanshiiyo iyo u dhabagal qotodheer si loo horumariyo aqoonta.” Dhanka kale, Creswell, J. W asagana waxa uu yiri “Baaris waa hannaan isla socda oo loo adeegsado xog uruurin, lafagurid aad ah si loo kobciyo ogaanshaha arrin.” Haddaba, haddii aynu rabno in aynu ogaano dulucda qeexitaanada ku saabsan baaris waxa ay ku xiran tahay hadba qofka jawaabta bixinaya; waana wax dib ugu laabanaya qofka iyo aragtidiisa.  

Tusaale, ardayga akhrista caafimaadka waxa uu baaris u arkaa si ka duwan kan akhrista siyaasadda. Dhanka kale, qofka interneetka ka dhex sahmiya buuggaag ama waxyaabo kale waxa uu sameynayo waa baaris; qaar ka mida warbaahinta marka ay dadweynaha weydiinayaan su’aalo ku saabsan doorashada iyo sida ay xisbiyada ugu kala codeyn doonaan, howsha ay ku dhex jiraan waa baaris. Si kastaba, baaris waxa ay dhacdaa meelo kala duwan, qeexitaankeeduna waxa ay ku xiran tahay hadba barta ay dhacdo.

Maxay tahay Baaris Akademiyeed?

Baaritaanada dhaca xayndaabka akademiga waa kuwa habeysan oo ku dul-dhisan hannaan isxigxiga oo weydiimo habboona garab socdaan, Baaritaanadaas waa kuwa leh:

  1. Ujeeddo iyo Higsi.
  2. Weydiimo gaar ah oo warcelin loo raadinayo.
  3. Habab loo maro.

Gaar ahaan baaris akademiyeedka waa mid nidaamsan oo isxigxiga kuna dhisan raadinta xaqiiqooyin. Intooda badan wuu ka duwan yahay baaritaanada kale, ee la xiriira cilmiga sayniska, sababtuna waa:

  1. In uu yahay baaris lagu beeniyo ama lagu sii ballaariyo aragti jirtay (Deductive Research).
  2. In uu yahay baaris lagu soo saaro aragti ama aqoon cusub (Inductive Research).

Ugu dambeyntii, baaris akademiyeedka waxa uu ka billowdaa weydiin, kaddib raadinta xog ama macluumaad la xiriira su’aasha, uruurinta xogtaas, rogrogrideeda, faalleynteeda iyo gunaanad.

 

Wixii dheeraad ah, akhri buuggaagta hoose:

  1. Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 4-8
  2. Bhattacherjee, Anol, “Social Science Research: Principles, Methods, and Practices” (2012). USF Tampa Bay Open Access Textbooks. Pp. 1-6
  3. Marsh, D. And Stoker G. “Theory and Methods in Political Science” (2002). Basingstroke: Palgrave. Pp. 1-16

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN