Cambaro iyo Bacado (Sheeko siyaasadaysan)

Cambaro iyo Bacado (Sheeko siyaasadaysan)




Hadda ka hor ayaa waxaa jiray laba islaamood oo lakala dhaho Bacado iyo Cambaro.
Cambaro waxay ahayd islaan lagu soo hoydo gurigeeda oo reer dhaqma lahayd, bacadana waxay ahayd gabar markaa miyiga kasoo haajirtay oo magaalada soo gashay cid ahaana ay is xigeen Cambaro.
Bacado iyo cambaro isku meel ayey ku wada noolaan jireen oo qaraabo iyo asxaab is jecelba waa ahaayeen gar iyo gardarrana waa isugu hiilin jireen.
Dhowr duulaan oo garddaro cambara ahayd bacado waa kala qayb qaadatay, xanta xaasaska xaawalayda kale ee xaafaddana waa isku xulufaysan jirin, xariifyada xaafaddana waa lagu wada magacaabi jiray.
Isma dhahayn labadooda sida aad hadda u wadaagtaan nolosha si kasii daran ayaad u wadaagi doontaan, gacan la barkan doonase All og.
Dunida waa wareegto marka ay kugu timaado aqbalaad mooyee aadan qayb kale ku lahayn, doorashada qaar ee noloshana waa mid aad ku qasbantahay ee ma ahan mid aad adiga khiyaar u leedahay.
Bacado waa ku daahday guriga saaxiibteed marna walaashed cambaro, guur iyo guri kalana kama helin oo meeshan ayey soo yuurartaa.
Oday jacafar oo ahaa xaajiga cambaro ayaa mar walba sheedha ka daawan jiray gabadhan gaamurtay ee gareeska muujiya cambaruurta naasaheeda fadhi balaarka ah ku labisata.
Dumarka maanta sida ay u asturan yihiin waagaas looma asturnayn oo timihuna waa u qaawanayeen, quruxda naaskana gees ayey ka muuqan jirtay, dhabarka qabsahada ku macaan iyo kalxamaha marka aad daawato quruxdooda aad la shuxuuraynayso waa haddaad tahay shaxaari tahay daawashadooda lacag kuuguma fadhin.
Oday jacafar iyo Bacado waxaa dhex maray is faham hoose, oo sidaas ayey bacado ku noqotay xaaskii labaad ee jacafar.
Bacado sir badan ayey ogayd oo ab qaabka ay u dhaqaalayso cambaro odayga waa ka war qabtay, maantana maadaama uu odayga geeskeeda dhinac ka hayo waxay u ahayd jaanis ay ku disho cambarada tartanka kala dhaxeeyo.
Cambaro tala ayaa ku caddaatay shalay haddi ay bacado u ahayd xulufo aan la lodin karin maanta xakaar iyo xaasidnimo wax aan ahayn kama dhaxeeyo oo cadow no1 ayey isku noqdeen.
Cakuye cadow sirtaada haya la dagaalankiisa, bacado oday jacfar nimcada eeba ku mannaystay ee ceeriinka ahayd ayey ku dul bisleesay, gacan quudasha macaan oo tii cambara ka sidatana waa dul dhigtay.
Cambaro calaacal iyo ciil wax aan ahayn kalama dhaxayn bacado, bacadase iyadu waa ka qaboobayd cambaro maadaama ay minyaro ahayd goos dambeedka ayey ka qoslaysay, wax kasta oo kicn kara cambarana waa u nuglayd samayntooda, balse warka la isku baahiyo iyo cayda ay cambaro ciidanka ka dhigatay caado uma ahayn, taasna waxay sii sababatay in oday jacfar u arko islaan la iska dulansado oo dhankeeda ayuu mar walba u hiilin jiray.
Waxba yaan hadal idinku daalin waa dambe oo la duqoobay oday jacfarna xijaabtay wixii la dhali karana la dhalay owlaadiina xoogaysatay wax la isku haystana aysan jirin ayaa la is wareestay.
Bacado ayaa waydiisay waxa ay kula dagaashay markii ay odayga la guursatay waa tii waagii hore ay xulafada ahaan jireen?
Cambaro oo qoslaysa ayaa yiri bacado balaayo iigama kaa horeen maalintii aad odayga ila guursatay wax kastoo ii ahaydna waxay iga gaartay yaa dunida ka haajiriyo anigana tabar Alle ayaa i qabatay mooyee in aan kaa takhalluso qorshahayga koowaad ayuu ahaa, Alle ayaase igu kaa sababin.
Cambaro ciil iyo cuqdad wixii ay qabtay ayey meesha qubtay sida ay u nafisi kartana waa u nafistay.
Bacado iyana markeeda ayey la kala baxday oo tiri cambaro ciil iyo cuqdad ayaa agtaada igu dishay, nolol ayaan kuu soo raadsaday adgana marka aad dharagto ayaan kula qosli jiray habeenkiina aniga ciishoon ayaan barkinta barkan jiray adigana qosolka kaa baxaya waan maqli jiray waad noolayd anse ma noolayn wax nool se waan u ekaa, gareeska aan xirtana adigaan kaa tuugi jiray, ceebtayda oo dhan dhankaaga kama asturnayn waa taad la soo baxday markaan odayga kula wadaagay, walaalnimadii iyo qaraabanimadii ma waxaan ku waayay nolosha aan samaystay, dambigaygana ma wuxuu noqday maxaa odaygayga kasoo doontay,meeqa sano ayaan ku ag fadhiyay wax ma ii heshay mase isku dayday in aad dhahdo noloshaada dhiso xanta iyo xulufada xaasidnimada ah oo igu bahaysan jirtay ma ahee.

Ugu dambayntii bartaas ayey labadooduba ku heshiiyeen cafisna ku kala dalbadeen.
Hadda sheekada xikmadda aan uga dan leeyahay waxay tahay sheekada Xamar ka socoto waa mid la mid ah labadaas islaamood sheekadooda, ee ma jirto cid dan Soomaaliyeed wadda.
Qore: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN