Lugtii isha laacday Q2AAD. W/Q: Siciid Muuse “Waxgarad”

Lugtii isha laacday Q2AAD. W/Q: Siciid Muuse “Waxgarad”

Gabadhii mucjisada ahayd, waxay diiday in Baashi la geeyo Farmashiye IWM. Waxayna wacad ku martay Isbitaal mooyee inaan meel kale lagu leexin. Baashi waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalladii ugu magaca dheeraa xilligaas. Sidii loo waday ayaa albaabka laga galiyay isbitaal casri ah. Mid ka mid ah kalkaaliyaashii isbitaalka ayaa loo amray inay saddax qodob ka tosho ka dib markii lagu duray, cirbado isugu jiro, xanuun joojin iyo kabaabyo ka taya-yar midda uu hawada ka qaadanayo ee ah, mar la aragta loo soo diray, oo sida uu isaga u arkayay, ula muuqatay mid ka dulqaadayso, heestii ahayd;

“Sida oogadaydaan

Kuu illaaliyoo
Sida ubadan dhalay baan
Kugu uurfayooboo
Sida udugga dooggaan
Ku iimaansadaayoo”

Halka uu is na qalbiga uga luuqaynayo is la heestan billowgeeda.

Ima ogide waxan ahay
Illaahey u samiroo
Ima ogide waxan ahay
Axdi kuma cayaaroo
Ima ogide waxan ahay
In xun lama tusaanoo
Ima ogide waxan ahay
Samaan ruux la uunmoo
Ifka waxan u soo baxay!

Dhanka kale milkiilaha carwada oo kibir iyo is la wayni lagu yaqiinnay waxuu u qaadan waayay waxa ku dhacay. Jawaab li’ida gabadha miraayahadaha ka dallacatay, waxaa kaga gocosho kululaa darawalka shaqaalihiisa ka midka ah, ee haddana asoo taagan gaariga ka foollaystay. Waxuu ku tallammay ciqaabtuu marin lahaa darawalkaas faraha fudud, ee ixtiraam la’aanta kula kacay waa siduu u arkayee. Wuxuu is yiri, berriba darawal kale ka dul keen deetana eri, shaqadana sidaa is tillaab uga saar. Go’aan ciyaaleedkaas ay laabtiisu goosatay waxaa is la markiiba ka horyimid oo ku qilaafay damiirtiisa shaqsiyeed, Waaya-aragnimadiisana waxay kula talisay inuu bal u sugo oo fursad kale ku gaado. Waxaa kaloo milkiilaha layli adag ku noqday xal u helidda waxa ka dhaxeeyo qoftan baliisha ah iyo Baashi. Intuu Carwadii dib ugu soo noqday ayuu mid ka mid ah shaqaalihii oo ku mashquulan kala rasaynta allaabtii daadatay wayddiiyay su’aalo isu furan. Gabadhaan Baashi raacday wax aqoon ah ma u leedahay? Adiga ayaa albaabaha laabayay ee qaabkay iyada ku soo gashay? Macaamiisha Carwada miyay ka mid ahaan jirtay? Is la markiiba shaqaalihii oo oo hakad galiyay hawshiisii, ayaa Badroonigii u sharraxay sida ay wax u dhaceen, wuxuu kaloo qiray inelaysan ka mid ahayn macaamiishii horay wax uga iibsan jirtay balse ay aragtideeda maanta ugu horrayso. Milkiilaha carwada oo ahaa reer magaal goo-go’ay waxaa halkaasi uga haray tuhunkii ahaa; in Baashi iyo gabadhu xariir ka dhaxeeyo, wuxuuna halkaas ka helay fursad uu ku baacsan karo gabadhan. sidii qof meel dheer ka soo lugeeyay intuu neef wayn soo tufay hiih! ayuu badroonigii mar kale wayddiiyay shaqaalihii, su’aal ujeeddo ka dambayso yirina: Ma ii sheegi kartaa nooca uu ahaa barafuunka ay gabadha dalbatay?” Shaqaalaha oo ahaa mid markii horeba maqlayay dalabka gabadha ayaa sheegay nooca uu barafuunka ahaa iyo magaciisaba. Sidii qof wax khayr leh loo sheegay badroonigii oo madaxa ruxayo ayaa shaqaalihii ku yiri: “Shaqadiinna wata”

Badrooniga oo ahaa dhul-mar dadka iyo dabeecadahaba darsay, in badanna ku soo dhex jiray xirfaddiisa ganacsi wuxuu imminkiiba gartay in gabadhu tahay qurbajoog ka timid Ingiriiska oo ah kobta loogu isticmaal badanyahay nooca barafuunka ay dalbatay. Waxaa kaloo sii rajo galisay inuu yahay wakiilka kaliye ee shirkaddaas u fadhiyo bariga Afrika. Isagoo farxad la liicayo ayuu u sii liicay dhankii uu ka xigay gaarigiisii. Wuxuu go’aansaday inuu si dhaqso ah uga daba tago Baashi, Dhaqarkiisana uu ka dhigto makaalintii uu ku soo gacan gashan lahaa gabadha sida aadka ah xiskiisa u mashquulisay, gees lo’aad kullaylkaa lagu gooyaahe, wuxuu is la markiiba kiciyay gaarigiisii, ka dibna wuxuu la soo baxay telafankiisii gacanta. Wuxuu garaacay lambarkii darawalka si uu wayddiiyo halka uu geeyay Baashi. Nasiib xumo, Waxaa saaran “lama heli karo” dhawr mar ayuu ku celceliyay, Markuu quustay ayuu haddana garaacay lambarkii Baashi, Waxaase ka qabtay mid ka mid ah shaqaalihii oo uu sheegay in Baashi uu Mobaylka Carwada kaga tagay. Wuxuu is yiri; meel fog gayn maayaan, Farmashiyaashaan ka eeg, isagoo gaarigiisii walfinayo ayuu hadba farmashiye albaabka ka istaagay, laakiin waa maxaa ii dhiibatay, ugu yaraan (30) soddon daqiiqo, markuu sida marwaxaaddii isaga daba wareegayay ayuu gaarigii ku yara leexiyay meel baabuurta lagu baakimo oo hortiisa ah. sidii qof lulmoonayo intuu foolka gadawga (Isteeriga) saartay gacmahana hoos u raaracsaday ayuu fikir gallay, wuxuu ku soo baraarugay hees raadiyaha laga shiday oo leh:

Ree magaalle caashaqay
Rubaddiisa nugulaa
Markuu waayo tuu rabay
Rogaal celisyo badanaa
Raxanraadka caashaqa
Ruux wayn u daranaa!”

La soco qaybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Saciid Muuse “Waxgarad”

SHEEKOOYIN