Hammi caashaq iyo hunga been ah Q10AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q10AAD                

Axmed markuu waagu baryey ayuu soo qabsaday telefoonka isaga oo raba inuu waco Najma, waa garaacay nasiib wanaag way is haleeleen, is bariidin yar kaddib waxa uu Axmed Najma u sheegay in ay xalay Nasra soo wacday, una sheegtay war uusan jeclaysan, ama uusan soo dhaweyn aadna uga nixiyay welwel iyo walaac fara badana qalbigiisa ku reebay, markuu intaas yiri ayay Najma hadalka ka qaadatay kuna tiri: “Walaal Axmed naagtaas warkeeda ha igu soo qaadin, waa naag khiyaamaa lay ah, dhibaatidii ay adiga kuu gaystay anoo la yaaban ayay haddana aniga i daartay, ma ahan qof caadi ah waa balaayo aan la aqoon halka ay naga soo daf tiri, waxaan aad uga qoomamaynayaa in aan kuu qariyay hagardaamadii ay kugu wedi jirtay, waxaan ahay doqon, aan damiir lahayn!

Waxaa habboonayd in aan dhagarteeda kaaga digo maadaama aan ahay qof aad u yaqaana Nasra.

Axmed oo raagsaday hadalka ayaa ka dafay Najma su’aalna degdeg u waydiiyayay oo yiri: “Walaal maxaad ogtahay oo aannan aniggu ogayn?” Axmedow horta waxaad tahay wiil aad u dabeecad wanaagsan degganaana rabbi ku manaystay, waxaad tahay ruux daacad ah, oo aan khiyaamo haba yaraate aqoonnin.

Markaan ku arko waxaan xasuustaa halhayskii soomaalida ee oranaayay “Sir ma qabe saabbaa biyo u celiya” waxaan ku faraxsanahay in aad ogaatay in Nasra horay laba nin u soo fureen, waxaan se ka xumahay in aadan ogayn in ay toban nin kugu dul wado, waxaan si taas la mid ah uga xumahay in aadan ogayn in aysan Nasro adiga guur kaa rabbin ee ay kaliya kaa fiirsanayso biilka yar ee aad bisha u soo tuurto, intaas markay hadalka marsiinayso Najma Axmed waa is celi wayay labadiisa indhood ayaa biyo kulul sida daadka halmar uga soo qulquleen,dareenkiisiibaa is beddelay hal mar, hadal buu maagay, nasiib darase kelmadba afkii waa soo dhaafi wayday, Najma oo dareentay in Axmed mowjad kale galay ayaa ku tiri ayada oo samir siinaysa walaal Axmed is deji rafaadka ragbaad u tahaye, ogsoonowna in addunyada intaad ku nooshahay, aad wax walba la kulmi karto, maskaxdana ku haay in culays kasta fudayd ka danbeeyo.

Axmed oo aad moodo in samir siintaasi xoog yar siisay, ayaa hadalka qaatay, weedho tabcaan ah ayuu hadalkiisa ku furay, waxa uuna yiri: “Najma walaal waad mahadsantahay waxaad toosh iigu shiday wax iga dednaa ama iga daboolnayba, waa haddii waxaad sheegtay oo dhan ay run yihiin, balse waxaan kuu sheegayaa in aanan anigu marnaba Nasra ka maarmin, Nasro waxay noqotay qayb aniga iga mid ah mana hubbo in aan noolaan karo la’aanteed, waa iftiinka nolshayda waa quruxda kaliya ee aan amminsnahy in aan u baahanahay, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa in aad garab i siiso oo aad ila sasabto.

Najma ayaa axmed u sheegtay in ay Nasro isku dhaceen oo ay arrinkii ay u shegtay asaga dartiis iskula dhaceen haddana uusan weji dhex oollin, intaasna waxay u raacisay in wixii garab ah ee uu ayada nafteeda uga baahdo ay diyaar ula tahay, waxay u raacisay in uu iskaga haro Nasra, oo uusan waqti danbe gelin, wayna maca salaamaysa ayada oo khayr u rajaysay.

Axmed waa rajo dhigayna lama dhihi karo, rajow qabaan lama oran karo, wax lagu tilmaamo lama yaqaano, qalbigisiibaa jabay oo sida dhalo darbi lala dhacay u qarxay, waxaa ku shidan dab holac badan, xaabbada debkaasina waa unugyadda xiddidadiisa, shidaalka dabkaas holcinaayayana waa dhiiggiisa, xanuun fara badan ayuu dareemayaa, cid la qaybsanaysa in aysan jirin ayuu is tusay, waxa uu naftiisa waydiiyayay, xalaadda ay Nasra ku sugan tahay waxa hortiisa soo martay oo la tusay ayada oo iska faraxsan oo aysan ka qasnayn.

Markaasbuu qalbiga iska yiri:been badneydaa gabartu sowtii ku oran jirtay waxaad dareemayso ayaan dareemayaa, naftiisa ayaa u sheegatay in been badan laga buuxiyay in laga shubana loo baahan yahay, balse taas asaga ayaa ku gacan sayray naftiisana ku colaadiyayay oo ku yiri: marnaba been ma noqon karaan hadaladii Nasra.

Axmed waxa uu lumiyay firfircoonidii iyo kartidii faraha badneed ee lagu yaqiinay, waxa uu u muuqday ruux taagdaran, daal badan ayaa laga dareemayey, indhihiisa waxey ka soo jeesteen god, Afkiisana naab ayaa fuushay waxaad moodaa qof dhawr maalmood qandheysnaa, diif iyo darxuma ka muuqata, waxaana keenay inuu gabay naftiisi oo xitaa oomatadii ka soomey ilaa intii arrintani la soo deristay.

Dadkii yaqaanay arrinkiisa waa ka yaabeen, hadalkiisi waa koobmey, waana hundhura oo hoos buu u foorara xitaa marmar buu asagu isla yaabaa waxa uu arkaa xoog yaraantiisa,iyo muuqaalkiisa sii qayirmaaya.

Asaga oo arrimahaas walaacsan dhex dabaalanaya ayuu is yiri, bal Nasra la hadal oo berri una sheeg in aad wax walba oo ay tahay ku rabto garoob iyo gabarba, waxa haya waynaa, waa kan taleefoonkiisii gacan mayd in ay tahay la moodo ku soo qaaday, nasiib xumase dhammaan barahii ay kuwadda xariiri jireen xanibaad ayay ka saartay(block) si uusan ula soo xariirin mardanbana aysan hadalkiisa u maqlin.

Haddaa xaalkiisi ka sii daray, waxaa garaac bilaabey xooggan wadnihiisa, waxaana ka hooreysa ilmo uusan ogeyn cidda fartey indhaha iney ooyaan, waxaa dakaamaya oo dubaaxinaya dhammaan jirkiisa, waxaad mooda in loo sheegey geeri qof uu aad u jeclaa, wuxuu awoodi waayey xakameynta naftiisa, wuxuuna galay xaalad adag.

Axmed xaalku farihiisa waa ka baxay, waxaana lama huraan noqotey inuu la wadaago, la taliyihiisa nolosha oo uu hore ugu sheegay inuu guursan doono, wuxuu go’aan ku gaarey inuu helo maskax dareenkan la wadaagta una raadisa xal kama danbeys ah, kaddib wuxuu wacay jaalkiisa si uu berri u ballamiyo si uu ula wadaago dhibaatadan la soo deristay.

La soco qaybaha kale

 

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN