Sal fudeedka yaan loo abtirsanin QORE : Jamaal Cabdinaasir

Sal fudeedka yaan loo abtirsanin 

Sida inta badan dadku isku maandhaafayaan, halhayskooduna yahay haddii talada waddanka la ii dhiibi lahaa sidaas iyo sidaas ayaan sameyn lahaa. U fiirso hadalka ka soo yeerayo, waaqaca taagan iyo dareenkiisa caaddifadeysan, waxaa isugu darsan laba jaanib oo markaa ku hareereysan oo kala ah: Waaqica iyo caadifadda. 

Maskaxda bini’aadamka aad bay daciif u tahay, umana dulqaadan karto xaaladaha qaar, waxay isku day ku sameyneysaa wax ka qabashadeeda. Waddankeena markii aan fiirino xaaladda uu taagan yahay iyo nidaam siyaasadeedka nagu hareereysan, dadka waxaad mooddaa in baahi loo wada qabo la raadiyo darajo madaxweyne iwm. Qofka aad weydiiso waddankeena sideen ka yeelnaa? Waa hubaal in afkaar badan ka soo burqanayso, wax un buu kaaga sheegi doonaa sida loo xalin karo dhibaatada dalka balse markaad weydiiso maxaad kusoo kordhin lahayd qoyskaaga iyo gurigaaga? Afka buu qaban, mana ahan qof u diyaarsan arrimo guri, ee waxa uu eeganayaa kaliya xaaladaha sii wiiqaya ee siyaasadda dalka.

Mowduuca waxaan ku falanqeyn doonaa sida loogu hummuun qabo talada dalka, ee aan salkeeda laga soo abuubulin wixii isirkiisa la xiriira oo aan la isku diyaarin difaaca siyaasadeed. Waa sooyaal kufaa kiciisu badan yahay, oo haddana rejadiisu badan tahay; labadaas jaanib baa is haya oo isir sifeyn isku haya.

Marka xaalad waddan la qiimeynayo, dhinacyo badan baa laga daraaseeyaa sida dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, quwadda waddan, waxbarashada, jiilka dhallinyaro iyo dhinacyo fara badan oo aan ku xusi karin qormadan. Bal aan is dul-taagno xaaladda dhallinyaro, inta badan waddankeena qiyaas ahaan wuxuu u badan yahay dhalinyaro kuwo waqtiga ragaadiyey iyo kuwa  dhinacyo fara badan nolosha ka taagan oo rejooyin leh. Iyada oo sidaas ah haddana kuwa barta cilmiga siyaasadda haddii aad sheeko wadaag noqotaan waad la yaabeysaa sida qorshehooda ay kuugu kala caddeynayaan, oo si qiireysan oo aan habac ku jirin buu kula warramayaa, waxa uu ku leeyahay waddanka haddaan madaxweyne ka noqon lahaa waxaan sameyn lahaa sidaas iyo sidaas…

Waad la yaabeysaa sida ay ula fudud tahay derajada uu u hanqal taagayo iyo sida derajada ay ula fududaatay. Anigu sidaa u lama yaabin waxay u baahan tahay garasho dheer iyo saami dhaxal gal ah, waan u riyaaqay axwaasha uu ka duulay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee ka dambeeya hanqal taaga iyo hab dareenka wada socda in aad u daraaseyso.

Aniga dhallin badan baan sheeko wadaag noqonay, oo aan afkaar is weydaarsanay, oo jaanibka siyaasad barta oo agendayaashooda ku xusan rajada waddanka. Waan u fadhiistay si aan u daraaseeyo dhallintaas, baan waxaan ogaadey in waaqica ka jira waddanka iyo dareen aan horboodeynin bay waxay isugu darsadeyn caadifad aan sal lahayn iyo go’aan fududeyneysa oo meel waliba lasoo istaagayaan talada waddanka baan qabaneynaa waa amakaag! 

In talo la qabto ma go’aamineyso xeero siyaasaadkaaga aad soo baratay oo waxay u baahan tahay sal aad ku fadhiisato oo garasho fog aad ku qiimeyso iyo afkaar mucdigeeda sareyso in aad lasoo halmaalato.

GUNAANAD

Dhallinta sidey isugu saamaxayaan fudeedka iyo hor boodida siyaasad ee ku hareereysan ee waaqica markaa ka jiro. La imaada dareen baxaaligiisu sarreeyo oo is waafaqaya dareenka markaa taagan ee jiridiisa aad ogtihiin. WABILLAAHI TOWFIIQ 

QORE : Jamaal Cabdinaasir 

 

SHEEKOOYIN