XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 54aad                         

                                    1-Waan kuu sabrayaa
Waan kuu sabrayaa si aan u helo daganaan Qalbi, xumaantaada waan is moogaysiinayaa si aysan saamayn ugu yeelan dhoola caddayntayda, aamusnaanta ayaan door bidayaa, maxaa yeelay, doodda badan ma siyaasidiso Nacayb iyo Cuqdad waxaan ahayn, waan sabrayaa maxaa yeelay, ku kalsoonaantayda Alle ma lahan mid Xuduud.
Mmusa 

                                            2-Maxaa ka qurux badan

Maxaa ka qurux badan in aad wax la qaybsato qof mar walba wanaag kaa filo, wanaagna kuugu fakara, marka aad ku gaftidna ku cafiya, marka aad xumaysidna kuu cudur daara.
Jubairi khaliil jubairi

                                                         3-Dadka iyo buun buuninta

Dadku waxay buun buunshaan midka qatarta ku ah, waxayna xaqiraan midka ciidanka u ah ee u taagan difaacooda, si kale haddaan u dhigo, waxay jecelyihiin kan dhagra, waxayna nacas u arkaan ka u adeega.
Jubairi khaliil jubairi

                                               4-Dadka iyo mustaqbalka
Da
dku sida badan mustaqbalka ayey ka fakarayaan, umana jeedaan waqtiga taagan, taas macnaheedana waa in aysan labada xaaladoodba ku noolayn!!
Mmusa 

                                                       5-Umaddeena
Umadeena markaad u fiirsato fahamka dhabta ah ee maankooda ama mooralkooda, waxaa kuu soo baxaya in caqligoodu uu Koma ku maqanaanayo ilaa aakhirka noloshooda.
Mmusa

                                           6- Sidee umad looga mid noqdaa.

Qofka kugu midabka ah ama kula dhashay haddii uusan kugu fakar ahayn, lana dhacsanayn qaabka aad u nooshahay, taas baddalkeedana uu qaab ahaan la dhacsan yahay nolosha umad aan ku issir ahayn kuna degaan ahayn, ayaga ayuu ka mid yahay, Umad waxaa looga mid noqdaa aqbalidda aad aqbasho hab nololeedkooda.
Mmusa 

                              7-Qof walba wuu dhimanayaa

Qof walba wuu dhimanayaa, balse taas macnaheeda maahan in qof walba uu noloshiisa ugu noolaa si dhab ah.
William Wallace

                                             8-Guusha noloshaada

Guusha noloshaada waa in aad awood u leedahay, doorana kartaa qaabka aad u noolaanayso, noloshana ugu noolaato sida aad jeceshahay.
Ibraahiim Alfiqi

                                             9-Xaqiiqda Aadanaha 

Xaqiiqda Aadanaha  ma ahan waxa uu kuu muujiyo ee waa waxa uu kugu suubiyo.
Mark twain 

                                                 10-Dad wanaagsan isku xeer 
Gaaridda hadafkaaga iyo ahaanshiyaha qof wanaagsan waxaa qayb wayn ku leh halka aad ku nooshahay iyo dadka ku xeeran noloshaada.
Biyo wasaq ayaan dhex fadhiisanayaa, jismi caafimaad qabana waan doonayaa isma qabato.
Dadka wanaagsan oo fakarka iyo horumarka u saaxiibka ah oo isku xeertid, waa horumaeka noloshaada.
Mmusa 

                                                    11-Fakarka badan 

Fakarka badan farxaddada ayuu firdhiyaa. 
Daganaan la’aantana duruufo adag ayey kuu horseeddaa, beentuna kalsoonidaada ayey dishaa.
Mmusa

                                                  12-Dareenkaaga

Sida uu dareenkaaga runta ah yahay marka aadan naftaada u sheegin  waa marka aad cagta saarto waddada isku buuqa, runta in aad aqbali waysaana waa sifo kale oo sii adkaysa noloshaada.
Mmusa 

                                                  13-Afcaasha 
Afcaasha wanaagsan waa waartaa.
Carrada Adduunyadu way cuni doontaa Wajiyo qurxoon oo dunidan ku nool, waxaase mar walba waari doona Afcaasha wanaagsan ee laga dhaxlo dadka wanaaga u saaxiibka ah.

FIcil walba oo wanaagsan oo kaa hara waa mid sii qurxiya dunida, siina adkeeya xusuus reebkaaga dunida, isku day in aad reebtid dhaxal wanaagsan oo dhabta dunida ku raaga.
Mmusa 

                             14-Sabarka badi..
S
ocodkaaga, dhaqankaaga, farxaddaada, labiskaaga qurxoon, daganaantaada, dhamaan intaas oo uu qofku mar walba muujiyaa micnaheeda maahan in uusan la gubanayn dhibaato haysata, hubaal in qof walba wax dhibaya ay jiraan inta uu rababa hala ekaadee, balse, inta aan kor kusoo tilmaamay oo aad mar walba leedahay dhibkaagana la noolaataa micnaheeda waa, in aad ka guulaysatay dhibka ku haystay.
Mmusa

                                        15-Xiriirka Alle iyo Dadka
Waxaa la yaab nagu ah in aan wanaajino Xiriirka aan dadka la leenahay in ka badan inta aan Alle wanaajin lahayn, hadana marka uu dhib nagu dhaco, ma jirto qof nagu hara ilaa Alle ma ahee, fadlan wanaaji xiriirka aad Alle la leedahay in ka badan inta aad dadka wanaajin lahayd.
Mmusa 

                                     16-Barrito ha u walwalin 

 

Dunidan waxaa ku timid safar gaaban sidaa darteed, waxba yuusan walwalkeeda kugu badan, maxaa yeelayn walwalkaaga maanta ma xallin karo dhibkaaga barrito, barrito dhib la’aan ma ahaanayso oo dhibka waa qayb ka mid ah jirtiaanka dunida ama nolosha, sidaa darteed, ha qarribin maalintaada dhabta ah, taas waxaa kuusii dheer in aysan hubanti ahayn in aad gaari doonto barritada aad u wal walayso.
Mmisa 

                                                   17-Xabsiga 
Xabsiga ugu daran ee qofku ku noolaado waa cabsida uu ka cabsado waxa dadka kale ay ka maleeyaan.
Mmusa

                              18-Qalbigayga wuxuu leeyahay.….
Qalbigayga wuxuu leeyahay “wacnaan lahaydaa haddii aad waqtigaada ku maal galiso naftaada, si aad u hormariso naftaada oo aad u noqoto qof jismi ahaan iyo maskax ahaanba kaamilan”!!!.
Mmus 

                                       19-Qofka lasoo dhawaysto.
Qofka kaala xishooda shartiisa, oo naftiisa ku mashquula waa qofka ugu wanaagsan ee lasoo dhawaysto.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN