Maansada: Dardaaran waalid W/T: Hooyo Madiino Maxamed Cismaan(Bidixdheer)

Maansada Dardaaran Waalid

Maansada  Dardaaran  waalid,  waxaa curiyey Hooyo Madiino Maxamed Cismaan oo kula dardaarmeysa Gabarteeda Sacdiya Maxamuud Garcadde oo markaas ka maqneyd una ambabaxday dalka dibadiisa.  Maansadan ayaa ah maanso dardaaran ah oo gabarta  Sacdiya  ay  Hooyo Madiino u sheegayso fareysana  waxyaabaha nolosheeda u  ah lagama maarmaanka ah.  Waalidku mar walba waa ilaaliyaha  jiraha ubadkiisa ama ha weynaado ama ha yaraado,  haddaba Hooyo Madiino waxay gabarteeda ka hogga tuseysay dhan walba oo nolosha ah,  dhaqanka, diinta,  dad la jooga,  guurka iyo nolosha lammaanaha, waxqabadka iyo waxtarka nolosha,  haddaba bogasho wacan maansadii dardaaran waalid.

  • Simmantii haweenkaay
  • Tii aan sinteydiyo
  • Dhabarkeyga saartaay
  • Adigaa safraayoo
  • Socod dheer galaayee
  • Salaan diirran iga hoo.

 

  • Saadiroow Ilaahoow
  • Waligaa adaa siday
  • Saanteeda fududeey
  • Silac yeysan iga arag
  • Waa saxarla gabadhuye
  • Sahwi yeysan iga mudan
  • Meeshey ku socotane
  • Saacado Ku gaarsii,
  • Sokeeyiyo xigaaliyo
  • Saaxiib dad kula noqoy.

 

  • Waa socdaal adduunyoo
  • Saacad waliba waa ceyn
  • Hooyo samirtey baan ahay
  • Sowdkeyga iga maqal
  • Oo qado sahaydaan.
  • Weynu kala socdaalnoo
  • Safar baad ahaataye
  • Soomaalinimadiyo
  • Sinjigaaga meelmari
  • Haysku xeran surwaal abid
  • Hana  qaawin saracyada
  • Soon oo salaadaha
  • Faralkiyo sunnaha gudo
  • Saantaada meeley
  • Dhaqankaaga suuree.

 

  • Dadku wada sax maahoo
  • Lama wada sifeynoo
  • Saaxiib ma wada galo
  • Ruuxaad la socotiyo
  • Sadiiqyada agtaadaa
  • Saldhigaaga how furin
  • Ruux sirtaada yow helin
  • Haddii ay su’aalaha
  • Kala sooci waayaan
  • Marba meel u saaroo
  • U sarbeeb dhawaaqoo
  • Hadalkaaga suuree
  • Saddax jeer ha dhaafinin.

 

  • Hooyo salalsan baan ahay
  • Saqda dhexe ka toostoo
  • Sahwidoo dhaqaaqdoo
  • Sebigii ay dihatey
  • Safar dheer ka aaddee
  • Simaneey macaaneey
  • Saaxiibteey rumaadey
  • Tii aan sinteydiyo
  • Dhabarkeyga seexshaay
  • Codsi baan sidaayoo
  • Seeygaaga noloshiyo
  • Kaad sahansaneysood
  • Kaaga soocan aadmiga
  • Aan dardaaran siiyee
  • Siinleydan gaarsii.

 

  • Wiilyahaw suldaanka ah
  • Samacoo dhegaha geli
  • Yartu waa samaan badan
  • Weey hadal sifoon tahay
  • Weey sowd qabow dahay
  • Qalbigeedu waa subag
  • Ma taqaan saluug iyo
  • Socod iyo wareeg badan
  • Saldhigeedu waa diin
  • Iyadoo sagaal sano
  • Ku saxnaa gugeedey
  • Saacidaadda aadmiga
  • Saqda dhexe u taagneyd
  • Sahwi iyo malaha buuq
  • Saaxib lameey noqon
  • Dumar suuqa meeroo
  • Taasi waa sifada guud.

 

  • Sacda keey jeclaatow
  • Marka hore salaan guud
  • Waan hubaa sargaal iyo
  • Inaad tahay suldaan reer
  • Waan hubaa samaalow
  • Inaad tahay mid samo badan
  • Adigeey sadkaadiyo
  • Sowjaddaada noqotoo
  • Rabbi baa ku siiyee
  • Sacabada u wada fidi
  • Iigu dhowr sidii sabi
  • U salaan sidii boqor
  • Naxariis ku soor abid
  • Sambabada ku wada qaad
  • Safar weeye noloshuye
  • U xanbaar sidii ubad
  • Sawjad weeye qaaliya
  • Waa gabar samaan jecel
  • Waa sawrac gobonnimo
  • Rabi midu ku saaciday
  • Silac iyo ha badin urug
  • Sahwi iyo ka dhawr xumo
  • Sas iyo qaylo yey maqal
  • Sakatiyo ilmiyo ciil
  • Abid yeysan saameyn

 

  • Saxya qalad u kala sheeg
  • Sidaad tahay walaalked
  • Sowdkeeda meel mari
  • Sidaad aabbaheed tahay
  • Ula soco sal iyo baar
  • U sabaali weligeed
  • Sinji boqrad weeye.

 

  • Anigane sadkeygiyo
  • Sowdkeyga yey tabin
  • Sidaad hooyadeed tahay
  • Saxiib u noqo roon
  • Deji sowdka maqalko
  • Si yar wax ugu sheeg
  • Carro yeysan saameyn
  • Markaad seexaneysiyo
  • Saqda dhexe la faalloo
  • Saxya qalad u kala sooc
  • Suugaanteydu waa deeq
  • Waa ammaano sowdkaan
  • Suuradaha qur aankiyo
  • Axdi baan ku saaree
  • Sacda yeey dhib iga arag.

 

  • Adigune samaan badan
  • Saableyda dhabarkaay
  • Iga hoo sifaad guud.
  • Seeygaaga noloshiyo
  • Calaf kow ku siiyee
  • Sali aad wadaagtaan
  • Haddii oow su’aal qabo
  • Sara joogso oo maqal
  • Sowjad saalixana noqo
  • Saqda dhexe ka tooso
  • Aqalkaaga saxar tiro
  • Oo korkaaga subag mari
  • U salaan kal iyo laab
  • U suubaali gacalnimo
  • Markow seexdo yow kicin
  • Sanqar iyo ka dhowr sowd.

 

  • Wixi oow ku siiyiyo
  • Sahaydiisa qiime
  • Ha saluuginee maqal
  • Saxya qalad u taagnow
  • Samir oo ha faaqidin
  • Sirta guriga kuu taal
  • Subaxdii timaadane
  • Suubi aqalka oo idil
  • Sooryee qaraabada
  • Saaxiibyo ehelkiisa 
  • Korka saaro gabigood
  • Oo salaanta deeqsii
  • Saldhig guriga waaqa
  • Soomaaliyoo idil
  • Socotadu mutaano
  • Martiduna u simmantahay
  • Ruuxaad soor wadaagtaan
  • Saanta isla qaadaan
  • Qalbigiisa saameee
  • Magacagaa sureereey.

 

  • Sahal iyo ku hurud farax
  • Suuradaha quraankiyo
  • Diintaa sifeysoo
  • Duco hooyo waa saad
  • Anigaa salaaddiyo
  • Saqda dhexe duceeye
  • Jannadaa sadkaa noqon
  • Qabrigane salaamaad
  • Saxariir ha arag abid

W/Q: Hooyo Madiino Maxamed Cismaan

SHEEKOOYIN