Farshaxanad Faadumo W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Farshaxanad Faadumo

Farshaxanku waa hal abuur aan cid weliba heli karin haloosin karin oo haaneedin karin,  mar waa aqoon la barto oo habka shaxda iyo jiitamaheeda lagu sargooyo halbeegyo isu dheelitiran, marna  hibbo ah oo eebbe dadka uu doono muquunno uga dhigo. 

Faadumo aweys ahaa ah, gabadh yar oo da’deedu tahay 19 jir, waxay ku dhalatey dalka sucuudiga, waxbarashadeeda qaybo ka mid ahna ku soo qaadatay, haatana waxay ku sugan tahay soomaaliya iyo dhulkeenna hooyo.

Muuq muujinaya laba tawl(Waalid) Soomaaliyeed ama Hooyo iyo Aabbe

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Faadumo waa farshaxanad aad u taqaan tabta iyo qaabka wax loo xardho, si qurux badana u haaneedisa, hubaal marka aad dheehato muuqaal gacmeedyada ay qalinkeeda ku xaradhey waxaad arkeysaa da’deeda iyo curiskeedu inuu kala weyn yahay.

Muuqaalka Abwaan, Qoraa, Xeeldheere dhaqan iyo suugaaneed( Xuseen Sheekh Axmed Kadare (AUN)

 

 Hal abuurka ayaa iyadoo ay dad badani wadaagaan, haddana lagu kala horreeya, waxaa ka muuqda sida aad ku aragtaan indhihiina, inay farshaxanimo Faadumo tahay mid heerkeedu sarreeyo oo aqoon iyo xeeldheeri weheliso.Aragti kale ee la yaabka ah ayaa ah iney Faadumo tahay gabar dhigata ilaa hadda dugsiga sare oo aan dhammeynin waxbarashadii aas aaska ahayd, haddana Farshaxanka oo bulshadeena ku yar ay tahay labka dhankiisa, inay iyadu noqotey gabar farshaxanad ah.

Muuqa gabadh soomaali ah oo xidhan hu’gii hiddaha iyo dhaqanka
Muuqaalka gabadh soomaali ah oo hu’ magaalo xidhan
Muuqaal sawir hummaageed ka mid ah sawiradda Kartooniska 
Muuqaal sawir hummaageed ka mid ah sawiradda Kartooniska

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Faadumo waxay hadda u shaqaysa Madasha hiddaha iyo dhaqankaSoomaaliyeed(Akadamiyada fanka iyo suugaanta) waxaan ku boggaadinayaa xulashada doorkeeda wanaagsan ee farshaxanimo, waxaan sidoo kale kula dardaarmayaa kuna dhiirigelinayaa, dhallinta ineysan ka maagin, kana gaabsan hiwaayada iyo farsamooyinka u kaydsan ee eebbe hibbooyinka u siiyey.

 

 

W/D: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN