Bilowgii Kacaanka Sofiyeetka W/Q: Xasan Aadan Hoosow

Bilowgii Kacaanka Sofiyeetka

Vladmir Lenin.

Dhammaadka sannadka 2017 waxaa buuxsantay 100 sanno oo ka soo wareegtay markii uu dillaacay kacaankii Bolshevics ee uu horkacay hoggaamiyihii Sovietka shuuciga ahaa Vladmir Lenin. Kacaankaasi wuxuu noolaa 70 iyo dhowr sannadood wuxuuna ku burburay sannadkii 1991.

 

Kacaankaasi wuxuu u keennay Moscow guulo far badan, wuxuu sidoo kale la tagay xasuuq, cabburin, sharaf dil insaan heerkii ugu dambeeyay. Kacaanka wuxuu ka hor tagay Hitler, sababayna guuldarradiisa. Waxay dayax gacmeedyadiisa dul tageen bisha ka hor Maraykankanka, balse wuxuu Lenin iyo inta xambaartay ra’yigiisaba ku laayeen Ruushka iyo dalal badan oo adduunka ah malaayiin qofood.

Waxaan la sheegaa in dad badan oo ahalkoodu laayay ay qabrigiisa tagaan kaddibna weydiiyaan: “maxaa kugu kalifay intaas oo dil, cadaab, naxariis daro” laakiin jawaab kama helaan qof dhintay, ciilka uunbaa ku bata.

Dad badan oo ku qancay fikirkaas ayaa shacabkoodi laayay. Tusaale ahaan Pol Pot hoggaamiyihii Cambodia wuxuu waddooyinka caasimadda Phnom Penh iyo dalka intiisa kale uu ku dilay ku dhowaad 3 milyan oo muwaadin mucaarad ah si uu u filiyo fikirkii Lenin.

Pol Pot

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadkii ku qancay fikirka shuuciga ee Lenin wuxuu kala diray dowlad dimurqaadi iyo xurriyad lagu doorto in kastoo musuq jiray, laalay baarlamaankeeda iyo dastuurkeeda, kaddibna dilay ama xiray culimo, caamo, asxaabtiisa iyo qof walba oo uu Kacaan Diid u arkay oo xukunkiisa halis ku ahaa. Cabburintii, keli-taliskii iyo dulmigii ka dhalatay fikirkii Lenin ee na loo soo minguuriyay, ma sababin keliya burbur siyaasadeed oo 27 sannadood oo illaa iyo hadda laga soo kabanayo, wuxuu sidoo kale sababay burbur dhaqaale oo baaxa leh.

Maxamed Siyaad Barre

Sida ku cad lifaaqan hoose ee uu ku saxiixan yahay Cabdiraxmaan Nuur Xirsi, Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo ku simihii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Shariif Abuubakar 1967-1972, shilinka Soomaaliga wuxuu ka qaali sanaa inta badan lacagta dalalka Afrika, Carabta iyo weliba sidoo kale halkii shilin Soomaaliya wuxuu u dhigmay 84 Lira oo Talyaani ah. Shilinka Som wuxuu wax yar ka hooseeyay lacagta Faransiis, Dollarka Maraykankana wuxuu joogay 6 shilin keliya. 1991 xaalka aad buu uga duwanaa.

Fikirkii Lenin, waxaa xoojiyay Joseph Stalin balse waxaa xummaantiisa arkay qof markii hore ku qanacsanaa kaddibna ka daalay mayd iyo dil, Nikitta Kruschev. Nikkita markii uu ahaa madaxweynaha Sovietka 1960s wuxuu billaabay inuu kala furfuro fikirka Lenin. Fikirkaasi waxaa qabriga u diray madaxweynihii ugu dambeeyay ee Sovietka Mikhail Gorbachev, oo gacantiisa ku burburiyay, kana soo reebay Ruushka keliya, waddamada kalena xurriyad u horseeday 1991.

Nikitta Kruschev.
Mikhail Gorbachev
Joseph Stalin

Laba arrimood ayaa muhiim ah si ay Soomaaliya hore ugu socoto:

1- Fikir shisheeye iyo nidaam maamul meelo kale laga soo minguuriyay waxay noo horseedayaan bur bur. Federaal waa tusaale.

2-Cabburrin, is maquunnin, ku tumasho xuquuq, dil iyo anigaa kaa awood badan, cawaaqibteeda cidna uma roonna.Masxkax Soomaaliyeed oo keenta nidaam maamul Soomaalinimo ku qotoma ma lehi karaa?

 

W/Q: Xasan Aadan Hoosow

SHEEKOOYIN