Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q2AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q2AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaantu, waa taxane aan ku taabba gelinayno suugaantii ay ka tageen halabuurradii caanka ahaay ee maguurtada sooyaalka galay, ha ahaadeen kuwa geeriyooday iyo kuwa iminka nool’e. Wuxuu noqon doonaa taxane maalin kasta oo Arboco ah kusoo bixi doona, mareegta LAASHIN.COM. Waxaan ku diiwaan gelin doonnaa guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed jaadadkeeda kala geddisan, intii aan awood karno.

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Su’aal furan”waxaana tiriyay Abwaan: Maxammad Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariisto’e. Laashin Maxamed Gacal Xaayoow Guurowgaan wax badan ayuu ku soo koobay, sida: dhaca, Kufsiga iyo wax kasta oo xummaan la sameeyo ah waana Digniin dhaxal gal ah iyo SU’AAL uu Dhallinyarada Soomaaliyeed weydiiyay intowsan dhiman ka hor! La ma na helin halabuur uga jawaaba intii uu noolaa iyo haddow dhintay ka dibba, maxaa yeelay wixii uu qoonsaday laashinku, waxba is kama beddelin in xaalku ka sii daro maahane. Laashin: Maxammad Gacal Xaayow wuxuu ahaa laashin indheer garad ah, jeclaana in nabad lagu wada noolaado, Eebbe Jannadiisa ha ka waraabiyee, Guurowgii Su’aal furanna wuxuu u dhigay sidaan ee ka bogasho wacan:

Suluf iyo abaaraa kacaya, Salawya jiilaale
Dadka sabarya iibaan la’aan, Lagu siyaaddeeye
Sayr iyo ninkii faal sorwayn, Subixi soo qaata
Ee surun istaagaye qofkii, Socota soo leexsha
Ee wixii sakaallada ku jira, Sahal ku soo saara
Sar qabyaana haystee si wacan, Loo sallixi waayay
Saf ballaaran oo wada socdee, Wada sinaysaayo
Sujuuddina lahayn oon salad subax, U hiiraysan
Haddii sida islaannimadu tahay, Sadarka loo raaco
Soohdin baa u tiillaye walee, Seero gudub maahan
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

Waxa suulay dhaqankii hiddaha, Saafi ku ahaaye
Safar dhibe jid gooyaa batiyo, Saaraq iyo tuuge
Adoo sarar ku miinliyo carruur, Saad u jirinaaya
Ma sabraan maseexdaan hadaan, Soorta loo karine
Haddaad socoto suuqaya guryaha, Meesha kala soocda
Nin surwaalka gaabsaday haddoow, Subixi kuu yeero
Soo soco gacmaha sare u tag, Waa silloontahaye
Sandullowna kugu baarayaa, Seedda muruqaahe
Sabool baahan wixii laga dhacaa, Waa sun iyo booge
Dhalinyarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

Sarriigbaa wajiga loo tirtiray, Salaxda foolkaahe
Si xilliyo si daran beey hunguri, Ugu socdaalaane
Safar bililiqaa waa midaan, Sama aruurayne
Soofti laga tabcana waa midaan, Sama ku waarayne
Sadaqiyo sawaab ma leh haddaad, Saa’id bixidaaye
Saciirana hormuud baad u tahay, Salawga Naareede
Sadarrada qur’aankiyo cilmiga, Qiil wax socodsiiya
In kastood ka saanido xalaal, Lagu saleey maayo
Wax ku sugaya weeyee haddii, Suurka la afuufo
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

Sunna meher waxaa looga dhigay, Sowjo lagu yeesho
Sayidkeeda moogiye cid kale, Yay ku saan darane
Seddex kama dhaxayseen rabbigii, Soohdintuu dhigaye
Suldaan keedi naagtow dhintaye, Seerka lagu aasay
Sawir lagu gartiyo waxaa ay lahayd, Salaw asaayeede
Salaantaba Ilaah umma bannayn, Salabka soo taage
Saqajaanka xoogaye kufsaday, Waad la socotaane
Summayn meesha lagu gowracaa, Summal ku quustaaye
In sagaal biloodley la helo, Subaxdi foolaysa
Soo raagimaysoo kolley, Saa danbey imane
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababbay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

Soormacaan haddoow dhaco abaar, Suuman dubataan ah
Webi sinanti waa noo dhinneed, Saatan oo kala’e
Weled suubban oo lagu hirtiyo, Saalax baa jiraye
Sabar laawe aan waalidkii, Wax u siyaadaynin
Oon hooyadii silic ka bixin, Soow u hana qaaday
Ee sandaqad ijaaraya sariir, Suganta maanoowday
Sakeel lagu qubaystaya surwaal, Tolane huudheey ah
Seddexdaa u kulantana inoow, Seeri ka arooro
Ambow saca adoogii ka shubo, Seligi ceel dheere
Salaama Allanow yiri ee sabtiya, Axadba soo booqdo
Ninka sugaya suugaan murti leh, Waa ku sabaryaa’e
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabaa, Waa su’aal furane.

Silsilada wareegtiyo waqtiga, Laysku daba soohay
Xilliyada wada socdiyo saacadaha, Sin isu waydaartay
Salka kaca abaaraha dhiciyo, Sawaxankii yeeray
Sedbursiga waxaan rabo isii, Lagu saleeynaayo
Seebaadka gudihiyo wixii, Saxanya weel yiillay
Salli lagu dukadu iyo kursigi, Lagu santeecsaayay
Sariirtaan ku jiifnaya wixii, Lagu la seexaayey
Mar haddii la kala saarsadee, Suuqa laga iibshay
Oogada sarreetiyo kuwaa, Saqafka fiiqaaya
Seeftu waa ku marataa maraad, Sigato dhowr jeere
Xoolahaaba noo kala suntane, Sun iyo waabaayo
Rabbi kugu salliday maalinbaad, Sahal u leeftaane
Sibraarkaad wax uga qaadataa, Muumin saafiya’e
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab ugu rabaa, Waa su’aal furane.

Ninkii soof yatiimeed dhacee, Seef ku maquuniyey
Siraadkina horyaallow wallee, Sama ku waar maahid
Sowjaan wiil laheen ee adduun, Sabar la’aan taagan
Ee sagaashan keedii go’aye, Boqol ku sii jeedda
Siddeed beri waxay tuugsataye, Suuqa laga siiyey
Ninkii saacad uga meersadoow, Sama ku waar maahid
Ninkii gabar susubanee surkiyo, Luquntu dheeraatay
Ee sarwaadi shiiqii dhaliyo, Suurad Awliyo leh
Seddex luuq kalaabaye kuwii, Sugayay gaarsiiyey
Safka horena galayoow wallee, Sama ku waar maahid
Wax kastaba sameeyee wuxuu, Siray naftiisiiye
Dhalin yarada Soomaalidee, Sida xun caadeestay
Sinjigeey beddelataye wixii, Sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab ugu rabaa, Waa su’aal furane.

La soco qaybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN