Home Qoraallo Boqorku dhaga dameer buu leeyahay! W/Q: Cabdulle Cabdikariin (Jallaato)

Boqorku dhaga dameer buu leeyahay! W/Q: Cabdulle Cabdikariin (Jallaato)

26
0
SHARE

 

Boqorku dhaga dameer buu leeyahay!

 

Beri baa waxaa jiray, boqor ka talin jiray bariga fog ee Beershiya, Boqorka waxa uu lahaa timo jare u gaar ah, mar walba madaxa waxaa ugu duubnaan jiray maro weyn oo cad sida Suudaaniyiinta ay madaxa ugu duubtaan oo kale, boqoku wuxuu ahaa nin naxin aqoona wax naxariis la yiraahdo oo mar walba, seeftiisa galka ayey ka baxsanaan jirtay. Sababta ugu weyn inuu madax duubnaado waxey aheyd dhagahiisa oo dhaadheeraa, dad badan oo ogaadayna waa dilyay, ma uusan jecleyn in lagala hadlo arrinka ku saabsan dhegihiisa, qofkii uu ku tuhmo ama loo soo wariyo malagiis ayaa gali jiray

 

Si kastaba arinku ha ahaadee, tima jarihii muddo ayuu cabursanaa inuu qof u sheegana waa ku dhici waayay, oo naftiisa ayuu u baqay. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu meel duur cidlo ah yimid, god ayuu qoday, kolkaas ayuu kor u dhawaaqay inta godka afka saartay Boqorka dhago Dameer ayuu leeyahay, oo weliba ku celceliyey. Markii uu ku soo laabtay ninkii tima jaraha oo faraxsan Boqorkii ayaa la yaabay oo weydiiyay sababta iyo waxa iska baddalay oo uu faraxsan yahay. Waxa uu ku yiri: Aw Boqoroow waxaan in muddo ahaa bukaan kuu shaqeeya waxaan soo helay meel aan ku neefsado  waxaan u baahnaa hawo macaan oo kaliya waana soo qaatey. 

 

Muddo kaddib godkii ninka isku faaruqiyay waxaa ka soo baxay Geed, geedkaas oo ah geedka la qoro Turunbada( Foorisada) nin farsamo yaqaan ah ayaa soo gurtay oo habbeeyay dadkoo dhana ka iibshay, intaas kaddib waxaa dhacday qofkii afuufo turunbada dhawaaqii ka soo baxo inuu noqdo Boqorku dhago dameer ayuu leeyahay, Boqorku dhago dameer ayuu leeyahay’ ugu danbeyn, Boqorkii ayey gaartay oo isku yeeriyay,axaana la ogaaday halka ay arrintani ka timid iney tahay, tima jarihii godka ku neeftsaday si uu u nafiso.

 

Waxaan sheekadan ku soo xasuustey, in ay hadda soo bateen kooxo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed oo ku neefsada baraha bulshada(Facebook, Twitter) iwm.Ku nafiska iyo ku neefsiga baraha bulshada   arrinka aan ahayn mid dal iyo dad dhis ah, ee keliya taageero jahwareersan ama mucaarado xagjir ah, waxay keenaysaa in qofku saameyn noloshiisa ku yeelato, taasoo mugdi gelinaysa mustaqbalkiisa qofeed, oo laga yaqaabo qofkii inuu noqdo tuke canbaar leh, bal aan qeexno Mucaarad iyo Muxaafid, Taageere iyo Saluuge.

 

Taageere (Muxaafid)

Taageeruhu waa qof la dhacsan hannaanka, qaabka iyo habsocodka urur ama kooxi wax u hoggaamineyso, waxaana halkaas uga muuqda, sidii si habsami leh loogu gaari lahaa, guul iyo horumar bulsheed baahsan oo dadka iyo dalka wax u tara.

 Taageero ku dhisan nin jecleysi iyo daneysi.

Inaad wax ku taageerto hebelbaa halkaas jooga oo aad tol tihiin, hebelbaa halkaas jooga oo aad saaxiibo tihiin, hebelbaa halkaas maraya oo wax aad ka heli kartaa, tani maaha taageeronimo ee waa Guulwadeyn iyo dabadhilifnimo, waayo ma jirto qofkaasi danguud oo ku taageeray wax keliya wuxuu eeganayaa tiisa gaar ka ah.

 

Saluugsane (Mucaarid)

Saluugsane waa qof aan la dhadhacsanayn hannaanka iyo habka maamul ee kooxi ama urur wax u wadaan, isagoo u arka in waddo taas ka duwan loo mari karayo, isla markaana yaqaana waddada loo mari karo, haddii wax laga weydiiyona ka warcelin karaya, waa mid kala mideysan inuu boggaadiyo guusha iyo tallaabooyinka waxtarka dalka u leh.

 

Saluug ku dhisan nacayb iyo dan gaar ah.

Mucaarad waa weer Af carabi ah oo u dhiganta ka soo horjeede,   waxa aad ka soo horjeeda sida wax loo wada maahine ka soo horjeedkaagu maaha inuu noqdo, mid baa’binaya dalka iyo dadka oo horseedaya xasiloonidaro iyo nabadgelyo xumo, maaha mid dalka u horkacaya dhib iyo halis keenta in lagu kala tago, maaha inaad noqoto masaar ay shisheeyuhu u adeegsadaan burburinta dalkooda. Haddii qofku saluugiisu yahay mid qofeed uu u diidanyahay hoggaaminta iyo qabashada talada nacayb iyo nac uu u qabo awgiis ama uu yahay mid u arka in aysan dantiisa gaarka ah halkaas ka suurageleyn, sidaa awgeedna wax u diida, kaasi waa midka aan ugu yeeri karno “ Col kula yaal” Waayo? Ma jirto sabab uu wax u mucaaraday oo dhaafsiisan rabitaankiisa qofeed.

 

Dowladda iyo hoggaanka. 

Dadka qaar waxa ay aaminsan yihiin Dowladda in ay leeyihiin, hadba qolada markaas hoggaamineysa, loona baahanyahay in laga boobo, arrinkaasi waa mid maangaabnimo ka muuqato, kuna saleysan aragti aad u hooseysa.

Dowladda: Waa bulsho iyo hoggaankeeda oo isku duuban, dowlad aan lahayn bulsho iyo dadweyne ma ahayn dowlad, dowladnimadu waa joogeysa, hase yeeshee hoggaanku waa tegaya oo had walba waa isbeddelayaa, marka kan hoggaanka ahna maaha inuu u arko inuu isagu dowladda yahay keligiis, kan kalena maaha inuu u arko in dowladda laga leeyahay. Ujeedku waa in ay tahay Dowlad la wadda leeyahay cidna aysan gooni u aheyn ku dhisan Qabiil,Qabiilkaas oo saldhig u ah Dowladda.

Haddaba halkee bay iska qaban la’dahay, aan wax yar is dul taago halka sirta ka qurunsan tahay, marka koowaad dad ayaga is caleemo saaray mid xoolahiisa ku yimid iyo mid xisaabtiisa ku yimd iyo mid xoogiisa ku yimid oo isku tagay, ayaa Qabiil kugu matalo, taas macnaheedu waxa uu yahay adiga iyo Qabiilkaagaba waxaad tihiin magac u yaal, sidaa darteed ninka reerkaaga kugu matalo adiga waxa uu kuu arkaa cadawga koowaad, waxaad agtiisa ka tahay waxaan jirin, oo uu markuu doono ku awr kacsado, haddii aad ogaan laheyd maba ogaan kartide sababtoo ah muhiimka ayaad moog tahay, oo ah in la soo dhuraandhiriyo Qabiil walbana ninka matala ay la xisaabtamaan waxa uu degaanka u qabtay uu caddeeyo haddii kale ay iska badalaan.

Isla xisaabtanka halkaas laga bilaabo, marnaba ma habboono nin magac kugu matalo inaad magac uun ugu dhimato dheeftana uu kaligiis quuto dhib iyo dheef hala waddaago, markaas Soomaali weyn haloo gudbo. Geed abuurkiisa xun yahay  inuu anfac dhalo looma fadhiyo, waxaad ka filataa waa inuu Boqorku dhago dameer ayuu leeyahay, waana tan na heysata oo aan ka dhaqaaqi la’nahay.

 

  • Hala dhinto xal maahee 
  • Xeerraan waddaagniyo
  • Xubi iyo walaalnimmo
  • Xaqa ma istaagnaa?
  • Xooga ma mideyna?
  • Xurguftana ma deyna?

W/Q: Cabdulle Cabdikariim Jallaato