Waddada suubban.Q17AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban.Q17AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Xooggaaga cun iskana daa baryada”

Eebbe kor ahaaye wuxuu Qur’aanka kariimka ah ku yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَاةِ مِن يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَىٰ ذِكْرِ اللَّـهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ﴿٩﴾

Markii salaadda la dhameeyo dhulka ku faafa oo doonta deeqda Eebbe. ( Suuradda al-Jumcah: Aayadda 10).

Abuu Cabdullaah Zubayr ibn Cawaam ( A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: in midkiin kastaa qaato xariggiisa, oo aado buurahaas, soona gurto, oo soo saarto xaabo dhabarkiisa, oo suuqa ka iibsho, si uu uga helo lacag uu ku noolaado, oo sidaas uga dhowraa wajigiisa cadaabta Eebbe maalinta qiyaame, Sidaas ayaa uga wanaagsan intuu dadka baryi lahaa, ha siiyaan ama ha u diidaan’e. (Bukhaari).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: sidaas ayaa u wanaagsan qof kasta oo idin ka mid ah, inuu ku qaado xirmo xaabo ah dhabarkiisa, halka uu wax weydiisan lahaa ama u baryootami lahaa qof kale, haddii uu siin lahaa iyo haddii kaleba. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Nabi Daawuud wuxuu ka kasban jiray Noloshiisa oo cuni jiray oo kaliya wuxuu ka helo xooggiisa wax kalena ma milicsan jirin. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Nabi Sakariyah wuxuu ahaa Faryaamo shaqo ahaan macnaha waxaa waaye, wuxuu ka heli jiray nolol maalmeedkiisa faryaamnimadiisa. (Muslim).

Miqdaad bin Macdikariib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofna ma cunin cunno ka wanaagsan waxa uu ku helay shaqo adag oo gacmihiisa uu ku qabtay. Nabi Daawuud (C.S.) Nabigii Alle wuxuu kala soo bixi jiray nolol maalmeedkiisa xooggiisa. Taasna waxaa loola jeedaa qofku inuu kala soo baxo nolol maalmeedkiisa xooggiisa taasina waa camal suubban oo ajar leh. Waana inuusan qofku wax ku raadin baryada.

Fiiro gaar ah: Culimadu iskuma raacsana shaqooyinka lagu la soo baxo nolol maalmeedka tan ugu wanaagsan oo loogu jecel yahay xag Eebbe. Imaam Shaafici wuxuu yiri: gacantiisa ayaa ugu wanaagsan qofka wax walba oo la siiyo. Qaar kalena waxay yiraahdeen: ka shaqeynta beeraha ayaa ugu wanaagsan. Waayoo iyadaa aad ugu sii dhaw xagga isku halleynta Eebbe (S.W.T.) waxaase xaqiiq ah inay shaqooyinka oo dhan wanaagsan yihiin marba haddii uu xooggiisa ku shaqeysanayo qofku, waxaase shardi ah in shaqadaa uu qabanayo ay waa faqsan tahay shareecada Islaamka oo ayan xaaraam aheyn. (Bukhaari).

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN