FILANWAA! Q1AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

 

FILANWAA! Q1AAD

Waa xilli barwaaqo ah, dad iyo duunyaba deegaanka waa lagu nabadqabaa, inkastoo markaan magaalada Baladwayn ay kavjirto cabsi laga qabo biyo baxo ama fatahaad, maxaa yeelay Webbiga shabeelle uu aad u biyo keenay, balse cimilada guud waa mid dagan.

Maxamed  waa wiil dhallinyaro ah oo dagan xaafadda kooshin ee magaalada Baladweyn, wuxuu wax ka baran jiray mid ka mida Dugsiga MUJAMAC DIIBA ku yaalla magaalada, wuxuu ahaa arday dadaal iyo fahmo eebbe ugu deeqay, isla markaana jecel in uu waxbarashada heer ka gaaro, Sidoo kale waa wiil dhaqan wanaagsan kuna soo barbaaray  guri bulsho ah.

Waxaa iyana jirtay gabadh magaceeda la yidhaahdo Canab oo daganayd Xaafadda Xaawo taako ee magaalada Baladweyn, Canab iyo Maxamed, Waxay ahaayeen isku iskuul, waxayna ahaayeen laba arday oo isaga dhow ardayda kale, had iyo goorna isku badan, ugu dambeyntii waxaa dhex maray xidhiidh wanaagsan ayaa dhaxmaray, waxaa in mudda ah ka dhaxeeyay, wuxuuna xiriirkoodu isu beddelay jacayl qoto dheer ilaa ay ka noqdeen laba qof oo mataano oo kale, mustaqbalkana rajo wanaagsan ka qaba inay noolasha qaybsadaan, duruufo adag iyo dadaal badan kaddib, waxay isla meel dhigeen inay himaladooda ka midha dhaliyaan.

Sidaa awgeed, waxay ku balameen sannadkan marka iskuulka la xidho inay aqalgalaan, haddii Eebe idmo, oo ay noqdaan lammaane nolosha wadaaga inta u hadhay.

Iyada oy xaaladdu sidaa tahay, ayaa waxaa dibadda ka yimid wiil ay Canab ilma abti yihiin oo muddo sannado ah dibaddaha ku noolaa.

Ujeeddada safarkiisa ee uu ku soo guryo noqday deegaankii uu ku dhashay ee uu ka maqnaa muddada badan ,waxaa u dheera oo uu qorshaha ugu jiray, muddada gaaban ee uu magaalada Baladweyn joogo inuu guursado oo uu guri yeesho, kaddibna dib ugu laabto halki uu ka soo kicitimay.

Ammin Laba toddobaad ah kaddib oo uu Axmed qaraaba salaam iyo nasasho ku jiray, ayaa maalin dambe Canab aabbaheed si fiican isu warraysteen, sheeko iyo xogwarran badan ka bacdi, Axmed wuxuu odayga u sheegay inuu damacsanyahay haddi uu helo qof wanaagsan inuu guri yeesho oo guursado, sidaa darteed odayga wuxuu ka codsaday inuu gabadh wanaagsan reeraha uga soo indha indheeyo, wuxuu yidhi: “Waxaan doonaya qof mustaqbal wanaagsan ii noqota iyo inaan la xidido qoys fiican”, mida kale wuxuu intaa u raaciyay wakhtiga fasaxa uu haysta oo aad u yar in durba howsha la guda galo, sidaa ayaa laysku afgartay. 

Canab aabbaheed isla markiiba wuxuu go’aansaday in uuna meel fogba gabadha u doonin, ninkana wakhtiga aanu ka luminin, maadaama  gashaanti (Gabar guur gaadhay)uu isagu dhalay masuulna ka yahay ay guriga joogto, taaso uhanqaltaagaysa mustaqbal iyo guur, diyaar garowna ugu jirta cugasho qofkii ay noolasha la wadaagi lahayd, wuxuu naftiisa ku yidhi:  “Alleylaha wiil xun oo ciyaala suuqa intii ay kuu keenil ahayd, ninkan wanaagsan ee ina abtiga yihiin kudar” isaga ayaa  dhaqan kara waana nin qurbe ka yimid oo iska ladan, sidaasuuna arrinkii kusoo afjaray isagoo aan cidna kala tashan,  go’aankaana hoosta ayuu ka xariiqay. 

Odaygu wuxuu aad ugu hanwaynaa Canab in aanay marnaba wax hadala ku soo celin doonin, reerka intiisa badan si hoose ayuu u la socodsiiyay, wuxuu ka dhaadhiciyay inuu Axmed iyo Canab isku dari doono, sidaa darteed aan loo kala hadhin oo ay garab ku siiyaan. 

Inkastoo guux hoose jiro, haddana wax caqabada ma dhicin, sababtoo ah, waan ognahay haddi uu qofku adduunyo gacanta ku hayo inuu leeyahay qiimayn gaara, ninka qurbaha ka yimidna hadalkiiba daa oo ixtiraam weyn ayuu leeyahay, reerku intooda badan waa la qaateen go’aanka odayga, Canabse waa warmoog.

W/Q Yaasiin Xasan Muuse…

yaasiinxm114gmail.com 

 

 

SHEEKOOYIN