Sooyaalkii saxaabbada (ERN )Q1AAD W/Q: Muqtaar Macalin Cali Bood

 

Wax walba adduunka korkiisa ka dhaca ama soo mara waxay leeyihiin Sooyaal, haddaba Sooyaalka ugu mudan uguna mugga weyni waa sooyaalka Suubanaheena Nebi Muxammad2(NNKH( iyo saxaabbadiisa.

Sooyaalka saxaabbada waxaan kabilaabeynaa, saaxiibkiis Abuu bakar Sadiiq, In nebigeena saaxiib lala noqdaa waa darajo la gaaro mida ugu sarraysa. Nebigeena(NNKH) iyo Abuu bakar sidiiq(ERN) saaxiibnimadoodana waxaa caddeeyay aayad qur ‘aan ka mid ah, Suuratu tawba aayada 40aad. (SAYID ABUUBAKAR AL SIIDDIIQ) waxuu ahaa qof baarinimo iyo naxariis badan oo meel walba ku fiican waxa uuna ku gaaray jacaylka Nabiga (NNKH) Abuu bakar aad ayuu jecaa gabadhiisana waa qabyay .

 

Dhalashadiisa iyo Abtiriska Amiirka mu’miniinta Abu bakar.

Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, abtirsigiisuna waa sida socota , Abuu Bakar magaciisu waxaa la yiraa: C/llaahi bin Abii Quxaafah – aabbahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cusmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Salma bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu naanaysteeda ahayd Ummul Kheyr oo ay ku caan ku baxday .

Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sannadkii 573 3(CD)oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa Rasuulka (NNKH) ku dhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka (NNKH) iyo isaga ahaayeen labo saaxiibo ah yaraantoodii islana soo koray.

Waxaa loo yaqiinnay markii hore oo uu uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulka (NNKH) ayaa ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu naanaystiisu ahayd Al Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay Al Siddiiq. Sababta Catiiq loogu bixiyay waxay ahayd furfrunaantiisa iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo la sheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeedna ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kaddibna markii uu siiyey Alle wiilkii u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida ku soo aroortay war Ca’isha laga soo weriyey ina Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka (NNKH) yiri:-”Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreeyay”

Waxaa kale oo la yiraahdaa: Rasuulka (NNKH) ayaa maalin waxuu yiri:” Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreeyay ha fiiriyo Abuu Bakar Siddiiq Waxaa wariyey Tirmidi.

Caa’isha waxay kaloo tiri:” Aabbahay baa ii soo galay maalin, markaa ayaan ku iri: Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreeyay”, Waxayna u sheegtay inay maqashay Rasuulka (NNKH) oo sidaas dhahaayo, sababta kale ee siddiiq loogu magacaabay ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah.

Habeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee al Israa Wal Micraaj  baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen” Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay haddana  sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay= Waxuu ku jawaabay Abii Bakar “Sadaqta. Run buu sheegay. Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeynayaa  kaddibna intuu Rasuulka (NNKH) raacay buu kooxdii Quresheed  ugu  warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa “Sadaqta”waa runtaa.

Sidoo kale maalintaas ayaa  loo baxshay naanaysta Sidiiqna waa la yiraahdaa.Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga sidaa si la mid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu Bakar:-  Waligey cabi mahayo wax miirkeyga qaadaaya  oo ay dadku igu  qosli doonaan .

Maalin maalmaha ka mid ah baa waxaa waday  aabbahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam ka mid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa:” Wiilkeygoow!! waa kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta”.  Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii?   Ma u  jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:- Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Mar kale uma  uma  jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay markale uma jawaabin   kaddibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil.

Abuubakar Siddiiq Waxuuna  noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed ka mid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa.

Waxuu si wanaagsan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhallinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu Golaha Abuu Bakar.

 

W/D: Muqtaar Macalin Cali Bood

SHEEKOOYIN