Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada WQ: Hassan Mudane

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada

 

 

Anshaxa Cilmibaarista

 

Casharkii koowaad waxa aynu ku soo baranay farqiga u dhexeeya baaris iyo baaris akademiyeed. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa anshaxa cilmibaarista, waxa aynu is dul-istaagi doonaa heshiiskii ‘The Nuremberg Code.’

Gu’gii 1947 waxaa socday xukun maxkamadeed oo lagu qaaday koox cilmibaareyaal, dhaqaatiir iyo agaasimiyaal. Waxa ay ku eedeysnaayeen in ay galeyn dambe ka dhan ah bini’aadamnimada, iyaga oo tijaabo cilmibaaris ah ku sameeyey dad xabsi ku jiray, waxa ayna u mareyn waddo aan waafaqsaneen anshaxa cilmibaarista. Intii uu socday xukunka waxa jiray koox isugu jirtay feylasuufyo, qareenno iyo dhaqaatiir oo loo diray in ay dejiyaan anshax guud oo xeer u ah tijaabo cilmiyeed walba.

Anshaxa cilmibaarista ee Nuremberg Code waxa uu dhigayaa in cimibaare walba oo raba in uu sameeyo tibaabo cilmiyeed caafimaad ama daawo,sidoo kale doonaya in uu soo uruuriyo xog ama macluumaad la xiriira bini’aadamka waxaa waajib ku ah in uu ilaaliyo afar xeer:

1.Qanaacsanaanta iyo xorriyadda doorashada qofka: Waa in qofka uu ku qanacsan yahay in uu ka qeyb qaato tijaabada, sidoo kale aan lagu qasbin balse asaga doortay.

2.Tijaabada waa in ay tahay mid wax tar u leh bulshada: Si natiijada cilmibaarista u noqoto mid faa’iido u leh bulshada waa in ujeedka tijaadka tijaabada yahay mid xeerinaya wanaaga bulshada.

3.Qof walba oo ka qeyb ah tijaaba in laga dhowro wixii dhaawaci kara jirkooda, maskaxdooda: Maahan in la sameeyo tijaabo sababi karta dhimasho, sidoo kale khatarteeduna badan tahay.

4.In qofka xaq u leeyahay in uu joojiyo ama gabi ahaanba uu ka bixi karo tijaabada xilli walba uu doono:Cilmibaaraha waa in uu ka sii taxadaraa waxyaabaha sababi kara in qofka uu ka baxo tijaabada. Afartaas xeer waxa uu si gaar ah u quseeya cilmibaarayaasha caafimaadka iyo daawada. Afartaas xeer waxaa loo dejiyey si loo ilaaliyo sumcadda bini’aadamnimada iyo xoriyadda ka qeyb galaha cimibaarista..

 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

 

SHEEKOOYIN