Hammi caashaq iyo hunga been ah Q11AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q11AAD

Axmed xaalku farihiisa waa ka baxay, waxaana lama huraan noqotey inuu la wadaago, la taliyihiisa nolosha Xasan oo uu hore ugu sheegay inuu guursan doono, wuxuu go’aan ku gaaray inuu helo maskax dareenkan la wadaagta una raadisa xal kama danbeys ah, kaddib wuxuu wacay jaalkiisa si uu berri u ballamiyo si uu ula wadaago dhibaatadan la soo deristay.

Xasana kama dhega adaygine si degdeg ah ayuu codsigiisii u aqblay waa laysku yimid, waana la kala warqaatay, Xasan waxa uu saaxiibkiis ka dareemayaa maahsanaan iyo maqnaan xad dhaaf ah, waxa uu aad ula yaaban yahay waxa sidaan u beddelay saaxiib kiis waxow is waydiinayaa halka laga haysto ninka ay jaalka yihiin, asaga oo iska anfariisan sugayana in uu Axmed u sheego arrintii uu ugu yeeray ayaa Axmed hadalkii qaatay wuxuu yiri: Xasanow waad arkaysaa diifta iyo darxumada dushayda ka muuqata waana aan malaynayaa in aad is waydiinayso waxa sidaan ii beddelay oo igu dhacay, waan filayaa in aad is leedahay maxaa ku dhacay karitidii yaa ka rafacay adadaygii iyo raganimadiisii tira beelka ahayd Axmed, waxaan hubbaa in u su’aallo nuucaas ahi maskaxdaadaada ka guuxayaan, balse anaa dhammaan jawaabaha su’aalahaas ku siinaayaa. saaxiib ninka aad arkaysaa ee ku hor fadhiyaa Axmedkii aad taqaanay ma aha , waa Axmed maran oo kartidii geesinimadii iyo weliba firfircoonidii laga qaaday, waa Axmed jaceyl lagu ibtileeyay.

Saaxiib waxaa qalbigayga lagu muday mudac afbadan goor hore  welina waa ku liqdaaran yahay, waxaa la i kabbisiiyayay kadeedka jacaylka waxa aanan ku noolahay nolol werwer iyo walaahow la walaaloowdey. Waxaan filayaa in aan hadda ka hor kuu sheegay oo aad xasuusato in aan guursan rabo gabar gayaankay ah, fikirkii aan maalintaas qabay ayaan weli qabaa oo sidiibaan wax u doonayaa, balse calafkaygiibaa xumaaday, maya calafkaygii ma xummaan gabadhii aan rabbay ayaa sidaan u malaynaayay noqon wayday, sug saas ma ahan, gabadhii aan jeclaylaaday baan isku dhacnay, sax haddaan hadalka haleelay.

Xasan oo qalqal badan saaxiibkiis ka dareemay asaguna is celi karin waayay, ayaa hadalka ka qaatay kuna yiri: Saaxiib bal is deji wax walba waan haggaajinaynaaye, waxbana naga xumaan maayaane, siday wax u jiraana ii sheeg, waan fahmayaa in culeys wayni dusha kaa saaran yahaye, waxaanse kaa ballan qaadayaa in aan kaa dulqaada e, ama aan kaa fududeeya e oon kula qaybsadee, anoo alle kaashannaaya e.

Horta xassanow waan kaa filnaayay garab, waana hubaa in aad garab isiin karto waxaan amminsanahay inaad tahay qof iiga duwan dhammaan dadka, waxaan kaaga bartay talo fiican oo togan, waana sababta igu kaliftay in aan arrinkaan iga tan waynaaday adi kula wadaago, waxa i helay waa jacaylka aan u qabo gabadhii aan kuu sheegayay ee Nasra, waxaan isku gafnayna waa anniga oo maqlay in ay gabadhaasi soo guursatay,laba nin kaddibna arrinkii si sarbeeb ah u waydiiyay, wayna I fahantay in aan sarbeebta ayada ula jeedo axmed ayaa intaas xasan ku yiri.

Xasan ayaa weydiiyey:Saaxiib yaa markii hore adiga arrinka kuu sheegay oo in ay soo guursatay ku ogaysiiyay?

Waxaa ii sheegtay gabar saaxiibadeed ah oo ay ayadu i bartay mana rumaysan hadalka gabadhaas wallow ay u egtahay in ay xaqiiqo tahay ii sheegtay Axmed ayaa su’aashii la waydiiyayay sidaas uga jawaabay.

Marka ma in ay soo guursatay ayaad gabadhii uga hartay mase arrin kale ayaa jira saaxiib? Xasan ayaa su,aashaas ku tuuray saaxiibkiis Axmed asaga oo rabba in uu ogaado halka sartu ka quran tay.

Uguma harin qof aan ka tegi karana ma ahan waa qof aan si wayn u jaclahay, ee ayada ayaa diday markii ay dareentay in aan arrinkaan soo ogaaday waxayna iga xanibtay meel walba oo aan kala xariiri karo ee anigu waan ku rabbaa garoobnimadeeda.

Xasan oo yaabkiisii yaab u fuulay lana anfariisan naagta ninka inta markii hore beenta u sheegtay, haddana markii uu xaaladeedii soo ogaaday asaga oo aan asagu diidin ayadu iska diiday ayaa Axmed ku yiri: jaalkaygiiyow waxaan maqli jiray “meesha bugta iyo fartu is og”, Anigu waxaan xaqiiqsanahay in gabartaasi horay u soo guursatay haddiiba ay ka carrootay hadal sarbeeb loogu sheegay, waxaanan kugula talinyaa qofka intaas ku qiyaamaayay in aad iskaga harto oo aad dumar kale ka daydayato, saaxiib waxaad tahay nin daacaad ah daacadina ma hungodee aniga taladaydu waa inaad halkaas uga harto gabadhaas waa hungo raadkeedii muuqdo ha raadsan oo ha daba kicin, anigu waxaan ahay nin kaa wayn oo dumarka wax badan ka yaqaana.

Axmed meelbaa go,day, hadalka xasana wuxuu ku noqday lama filaan, waxaa ku soo kordhay werwerkiisi, dhammaan jirkiisa ayaa bilaabay dubaaxis iyo gariir aannu ogeyn meel uu ka imanayo, waxaa nuuxsaday, farruuryaha, faraha iyo muruqyada oodhan, waxaad moodaa qof qandho xumi qaadaa dhigeyso.

Axmed xaaladiisii waa sii adkaatay, kama filanayn saaxiibkisa ka har gabarta aad jaceshay, waxa uu is lahaa garab ayuu ku siinayaa, wuxuu isu arkay qof aan garab iyo gaashaan midna haysan oo eeri go’an cidla taagan, waxaaba qalbigiisa, ku soo dhacaysa, heestii ahayd:

  • Eeri go’an cidla ah
  • Cidaan garabsadiyo
  • Gacal ii dhaweyn,
  • Gabal maygu dhacay

Hareerihiisa ayuu dadamooday dhulkiibaa ka cabsiiyay cariiri ayuu galay, hadal buu maagay mase helin awood uu ku hadlo, waxa uuse fursad u helay in uu ooyo. Markuu ooyintii bilaabay ayuu saaxiib kiis xassan soo istaag garabkana qabtay waxa uuna ku yiri:Saaxiib aamus oo bal I dhegayso kama yeelin asaga oo ooyaayaa ayaa Xassan afkiisa alle ka soo saaray saaxiib si walbay ahaataba waan ku garab taaganahay markaasaa Axmed fallaartii wadnihiisa gilgishay sida qodax la siibay ka go’dey wuxuuna yiri: Xasanow garab aan adiga ahayn ma haystee xal keen!

 

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

 

 

SHEEKOOYIN