Mooral dillaacii Maandeeq” Qiso dhab ah. W/Q: Bile Cabdi Maxamed ”Guryasame”

Mooral dillaacii Maandeeq” Qiso dhab ah. W/Q: Bile Cabdi Maxamed ”Guryasame”

===============================

Mid ka mid ah ardaydii fasalka ayaa macallinkii u sheegay in Lacag looga xaday fasalka dhexdiisa. Macallinkii fasalka inta xanaaqay oo ul midigta ugu jirtay la booday ayuu ardaydii, saf dhaadheer geliyay. qof qof ayuuna baaritaan ugu dhaqaaqay asagoo jeebabka iyo buugaagtooda ka dhex baaraya lacagta lagu tuhmay inay xadeen.

Gabdhihii iyana gaar ayuu meel u safay, gabar buu u yeertay mid mid ugu baarta shandadahoodda. Gabdhihii markii baaritaan lagu billaabay ayaa waxaa la arkay Maandeeq oo si u fiigsan oo meel gees ah fadhida.

Dhaqso istaag ”Maandeeq” ha lagu baaree ayuu macallinkii si xanaaq ah u yiri: maxaad dhulka i sugu dhejinaysaa? Ma adaa xadday lacagta, waxbaad isku ogtahay miyaa?” Macallinkii oo ciil iyo caro la gargariiraya ul na la dul taagan ayaa intaa Maandeeq ku yiri:

Maandeeq wax jawaab ah uma aysan celin macallinkii afkeedana eray kama soo bixin. Maandeeq kolkii hora ba cid lama hadli jirin haddana waxay ba ka sii argagaxday canaanta macallinka iyo tuugannimada lagu tuhmay oo arrin uguba ku ah.

Sidii ayay weli u fadhidaa indho kuus kuusan ayay ka guluc siinaysaa , qalqal iyo qarracan baa ka muuqda dhidid ayaa tin iyo cirib qooyay oogadeeda, neeftuur maahane cod kale laga ma hayo. Ardaydii fasalka oo idil ayada ayay sidii muuqbaahiye u daawanayaan, hadba inta is dhugtaan ayay ku wada qoslayaan, Maandeeq waxay niyadda ka leeyahay ”Allow! adday ku leedahay” iyo ”Eebbow maad berigoo kale hadashid” yaab! Ayay dhabannda haysataa!!

Macallinku halkii looga baahnaa inuu si dhimrin iyo naxariis leh ula hadlo Maandeeq oo inta gees ula baxo xaaladdeeda nafsiyeed u kuur galo, ma samayn taas. Waxayba la noqotay in qofta lacagta xadday iyada tahay maaddaama in la baaro ay diidday.

Xanaaq buu inta la sii laba qarxay oo indhihii bannaanka keenay ayuu si xooggan u soo Qabtay Shandad yar oo Maandeeq gacanta ku haysatay oo xitaa jiinyeer wax u celiya aan lahayn, la ma boodin kaliya’e weliba si arxan darro ah ayuu dhulka ugu tuuray iyadoo wiifaysa, Saa waxaa ka soo firdhaday; waxaan oo Saambuus jajab ah oo midba meel ay ka soo aruurisay, Bajiye dhenac laga cunay, gabal Rooti ah iyo warqado. Hal mar baa ardaydii wiilal iyo gabdhaba qosol la la wada daatay. Shandaddii ayuu fatashay Macallinkii wax lacag ah na wuu ka waayay. Ardayda waxaa meesha ka dhacayay maad iyo majaajillo ayay uga dhignayd, Maandeeq na murugiyo mooral dillaac bay u ahayd.

Saambuuska jajabka ah iyo reereebka burka laga helay shandadda Maandeeq ma aysan cunin jirin ayadu, balse waxaay u gayn jirtay Walaalaheed ka yaryaraa’e la dhashay oo hooyadeed ka dhimatay mar hore. Ardayad kaliya ma ahayn Maandeeq se waaxay aheyd hooyo korisa Carruur waqtigu hooya uga dhigay.

Qoys iska sabool ah bay ahaayeen abbahoodna nin iska jeeb madhan buu ahaa oo maalin wax soo hela maalinna aan ku soo sarin. Maandeeq runtii waxay aheyd gabar noloshu weji kastoo xun ku eegtay dhib iyo qaxar adduunyana mataanno looga dhigay. Maandeeq maalintaa bay ayadoo ilmaynaysa albaabkii Iskuulka ka baxday, Albaabkii iskuulka oo qudha kama bixine, Albaabkii Aayatiinkeeda iyo hankeedii waxbarasho oo dhan ayay ka baxday oo halkaas ku burburay maalintaas, dibna uguma soo laaban, waxbarasho dambe.

Waxay aamintay in Iskuul iyo macallin oo idil cadaw ku yihiin ayada, waxay aamintay in Iskuul walba oo ay tagto laga ogyahay bahdilkii ku dhacay, waxaana sabab u noqday burburkii mustaqbalkeeda waxbarasho barbaariyihii ay filaaysay inuu nolosheeda u bidhaamin doono (Macallinka).

Waad sawiran kartaa dareenka gabar yar oo xishoonaysa oo intaa soo arday ah dhibkaa ku soo horgaaray illayn waxay hadhow dhihi doonaan waa tii haraadiga cuni jirtay waa tii waa tii IWM. Waad garan kartaa arday fasalka shannaad iyo lixaad ah caayda iyo edeb darrada laga filan karo.

Dulucda qisada.

Waxaa lagama maarmaan ah in Macallimiinta waxbaraysa carruurteenna sare loo qaado xirfaddooda macallinnimo loo na tababaro sidii ay ula dhaqmi lahaayeen ardayda hab dhimrin iyo dhowris leh,una ilaali lahaayeen quluubta iyo mooralka carruurta ay waxbarayaan, si aanay u immaan dhacdadaan mooral dillaca ah oo kale, iyo inaan Ruux dalkiisa dadkiisa iyo dantiisa wax u baranaya aan bannaanka la dhigin, hammigiisana aan halkaa loogu baa bi’in.

Macallinka waa inaan lagu dooran kaliya aqoonta maaddada uu dhigayo, balse waa in iyana la hubiyaa aqoonta uu uleeyahay la falgalka ruuxda iyo dabeecaddaha kala geddisan ee ardayda uu wax barayo iyo durruufaha nololeed’e ku gadaaman mid walba. Ardaydu waa Ubax, waxay nooga baahan yihiin koolkoolin iyo naxariis aan ku waraabinno maankiyo maskaxdooda.

W/Q: Bile Cabdi Maxamed ”Guryasame”

SHEEKOOYIN