Ma ogtahay in xarafka (JA’) uu kulmiyo sharqamaha guud?

Ma ogtahay in xarafka (JA’) uu kulmiyo sharqamaha guud?

 

  1. JUUQ: sharqanta dadka
  2. JAAQ: sharqanta xoolaha
  3. JIBAAD: sharqanta dugaagga
  4. JALAW: sharqanta shimbiraha
  5. JAQAQAF: sharqanta xamaaratada
  6. JALALAF: sharqanta geedaha lulanaya
  7. JIIQJIIQ: sharqanta alaab gaadid saaran
  8. JARARAC: sharqanta walxo la jeexayo
  9. JALALAQ: sharqanta biyaha
  10. JINIQ: sharqanta biro isku dhacaya
  11. JIRIRIQ: sharqanta walxo la isku xirayo
  12. JUG: sharqanta walxo la tumayo ama qarax
  13. JURURUC: sharqanta walxo dab lagu dubayo
  14. JIRIRIG: sharqanta onkodka kaa fod.

 

Mase ogtahay codka xawayaanka aan caqliga lahayn in la isku yiraahdo (afjaaq) mase ogtahay (afjaaqaas) in dadku u adeegsado.
Baaq sida laba qofood oo iskugu baaqaya cod aan eray la fahmi karo ahayn balse qofku dareemayo in lala hadlayo.

 

Juuq waa cod Aadane jaaqna waa, jabaqda xolaade
Jibaad waa cod bahal jalawna waa, jihasho baalleeye
Jaqafjaqafna waa jiitan halaq, jaqaftankiisiiye
Jalalafina waa geed dabayl, ay jafaalidaye
Jiiqjiiqna waa agab la raray, jeer is xogiddiise
Jiririqina waa xarig la xiri, jugina waa qaraxyo
Jararacinna waa maro dillaac, amase jeexjeexe
Jururucana waa jaan la gubi, giririg waa roobka
Jalalaqina waa biya socdoo, jeexo ku ordaaya.

 

Diyaarintii iyo curintii: abwaaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN